SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Cali Khaliif Galayr, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid oo Beeniyay in ay Inqilaabayaan Dowladda Xasan Shiikh

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Habeenkii Xalay ahaa Munaasibad Afur ah oo ay ka qayb galeen Siyaasiin Soomaali ah iyo kuwo kale ay ka dhacday Magaaladaas.Munaasibaddaas Afurka ah oo ay ka soo qayb galeen Rag hore Ra’iiusl Wasaarayaal uga soo noqday Xukuumadihii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ahayd mid sidoo kale ay ku sugnaayeen siyaasiin kale oo qaarkood Ajaaniib ahaa.

Cali Khaliif Galayr, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid oo Sedaxdoodaba hore Ra’iisul Wasaarayaal uga soo noqday Xukuumadihii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ugu caansanaa Siyaasiinta dhinaca Soomaalida.Munaasibaddaas Afurka kaddib ayaa Waraysi ay siyaasiinta qaarkood Warbaahinta ayay kaga hadleen fikirkooda iyo aragtida ay ka qabaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dr Cali Khaliif Galayr oo markii u horeeyay hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax Afgembi ah oo uu la damacsan yahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ruuxii cabsidaasi ay ku jirtana uu Niyaddiisa ka saaro

Cali Maxamed Geeddi oo isaguna markiisa hadalka qaatay ayaa si cad u beeniyay warar Beryahan dambe Saxaafadda ay wad waday kaasoo ahaa in Siyaasiin uu ka mid yahay ay Abaabulayaan Inqilaab ay xilka kaga qaadayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Shiikh.

Su’aal la weydiiyay Geedi oo ahayd Dhaliisha ay u hayaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inuusan jeclayn inuu hor dhaco balse ay sugayaan inta ay u dhamaanayso Muddo hal Sana ah.Dr Cali Khaliif Galeyr oo wax laga weydiiyay Damaciisa Siyaasadeed iyo inuu Xilka mar kale isu soo taagayo sanadka 2016ka ayuu sheegay in Siyaasadda aan laga bixin isagoona ku gaabsaday in Ilaaheey Caafimaad ku gaarsiiyo.

Si kastaba Siyaasiintan ayaa si Cad u beeniyay wararkii la isla dhex maray khaasatan Dr Cali Maxamed Geeddi oo soo hadal qaaday kulan uu Shiikh Shariif kula yeeshay magaalada kanbala ee dalka Ugandha oo uu sheegay inuu Xor yahay Muwaadin Soomaaliyeedna uu yahay isla markaana uusan Xabsi Guri ku jirin halka uu doonana uu tegi lana shiri karo ciddii uu doonayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;