DFS waxay ka xuntahay shaqaaqooyinka ka dhacay Puntland
Muqodisho, July 14, 2013…. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee
Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa sheegay in DFS ka xuntahay
kana tacsiyaynayso qul-quladihii ka dhacay Puntland.
“DFS waxay daneynaysaa nabadda iyo daganaanshiyaha gobolada Puntland iyo dhamaan
Soomaaliya. Waxayna ka xuntahay shaqaaqooyinka iyo geerida dhacday – intii
dhimatay Alle ha u naxariisto, dhaawacana Alle ha caafiyo,” ayuu yiri Ra’iisal
Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale cadeeyay go’aanka dawladda ee ku aadan xalka
iyo sida ay dawlad goboleedka Puntland u maaraysay shaqaaqooyinkaas.
“Go’aanka dawlad goboleedka Puntland ee xal doonka ah waa talaabo loo qaaday
dhinaca saxda ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asagoo intaas ku daray in DFS
ayadoo taageersan horumarinta dhinaca dimuqoraadiyaynta hadana ay tahay in wax
walba ku socdaan hab nabadeed iyo rabitaanka shacabiga.
Ugu danabayntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa muujiyay in DFS ay diyaar ula tahay
Puntland wax walba oo kaalmaynaya horumarinta dimuqoraadiyaynta dalka iyo
rabitaanka shacabiga.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028
* * * * * * * * * * * * * * ** * * * * * * * * * * * * * *
Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midowbay u qaabilsan
Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo ka hadlay dib udhigista doorashada
dawladaha hoose ee Buntland
Muqdishu/Garowe, 14 Juulay 2013 - Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qaramadda Midowbay, Nicholas Kay, ayaa ku tilmaamay go’aanka manta la gaaray ee
ku saabsan dib-udhigista doorashooyinka in uu yahay mid ay ku dheehantahay
Ggeesinimo iyo caddaladdba” ka dib markii ay iska horimaadho ka dhaceen qeybo ka
mid ah Buntland.
Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu yiri “waxaan tacsi u diraya dadkii ku
waayey eheladoodi ay jeclaayeen. Waxaan la xiriiray dhamaan dhinacyada ay
Arrinta Khuseyso waxaana ku guubaabiyey in ay muujiyaan deganaasho”
Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu cambaareeyay iskahor- imaadka, wuxuuna ku
guubaabiyey dhamaan Qeybaha Siyaasadeed ee ka jira Buntlandin in ay ka
faa’ideystan fursadan islana wada shaqeeyaan si ay ku xaqiijiyaan helitaanka
nidaam ay ku dheehantahay Demoqoraasiyad, Nabad iyo kalsooni.
* * * * * * * * * * * * * * ** * * * * * * * * * * * * * *
Dowladda Puntland waxay Joojisay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka
WAR SAXAAFADEED 14 July 2013 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole, markuu si
qotodheer ah ula tashaday Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada,
Golaha
Wasiirada iyo xubnaha Guddiga Nabadgelyada Dowladda Puntland, Gudoomiyaha
Guddiga
Doorashooyinka KMG ah, iyo dad xurmo ku leh Bulshada Rayidka ah, wuxuu soo
saaray
go’aankaan ku saabsan joojinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ka dhici
lahaa
Puntland berri Isniin July 15, 2013.

Madaxweynaha Dowladda Puntland: Markuu qiimeeyey mas’uuliyadda iyo xilka weyn ee ka saaran ilaalinta amniga,
xasiloonidda,
iyo midnimada dadka Reer Puntland; Markuu arkay kooxo isu soo bahaystay khalkhalgelinta degenaanshaha iyo
waxyeeleynta
midnimada Puntland, kuwaasoo ay ka mid yihiin argagaxiso doonaya inay si xun uga
faa’idaystaan qabsoomidda Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland; Markuu aqoonsaday dadaalkii dheeraa oo Puntland usoo gashay hirgalinta iyo
meelmarinta
nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, iyadoo tallaaboyin badan oo lagu
guulaystay la
soo maray ilaa hadeer; Markuu qiimeeyey qaswadayaasha gudaha iyo khalkhalgeliyaasha dibedda oo
maalgelin iyo
abaabul uga qaybgalaya abuurida xasilooni-darro iyo isku dhac xilliga doorashada
Puntland; Markuu aqoonsaday khatar ku imaan karta amniga, nabadgelyada iyo xasiloonidda
dadka
Reer Puntland; Markuu qiimeeyey himilooyinka dadka Reer Puntland ee dowlad-wanaaga, nabadda,
iyo
cadaaladda; Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u joojisay Doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka
Puntland oo qabsoomi lahaa July 15. Iyadoo la qaatay go’aankaan adag, Dowladda
Puntland
waxay shacabka usoo jeedinaysaa mahadnaq balaaran niyadda ay u hayaan una
muujiyeen in
geedi-socodka nidaamka doorashooyinka socdo, waxayna Dowladdu dadka u
balanqaadaysaa
inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka
doorashooyinka
iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah.

Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka oo soo taageertay
nidaamkaan muddo 10-sanno ku dhowaad ah, marxalado badan oo lagu guulaystay
lasoo
martay Dowladda ilaa wakhtigaan xaadirka ah. Dowladda Puntland waxay kalsooni ku
qabtaa
in Beesha Caalamka ka taageeri doonto sii wadida nidaamka asxaabta mustaqbalka. Dowladda Puntland waxay ugu yeeraysaa dadka Reer Puntland oo nabadda jecel iyo
Ciidamada Amniga inay daafacaan Midnimadooda, Amnigooda iyo Degenaanshahooda, si
ay
uga guulaystaan kuwa isu soo bahaystay burburinta Puntland. --- DHAMMAAD ---
Madaxweyne Xasan “Turkiga baan uga mahadcelineyaa Istibitaalka ugu casrisan
Bariga Africa”
Muqdisho, 14 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeeray Isbitaal cusub oo casri ah oo
Dowladda Turkiga ay ka hirgelineyso Muqdisho. Booqashada waxaa ku wehliyey
Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.
Sidoo kale waxaa la socday Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa yiri “Turkey baan uga mahadcelineynaa Isbitaalka ugu casrisan
Bariga Afica inay Soomaaliya u dhisaan. Booqasheda maanta waxey aheyd inaan
muujino sida aan ugu faraxsanahay gurmadka wallaalaheen Turkiga waxey yimaadeen
waqtigii ugu habboonaa oo booqashadii Ra’iisul Wasaare Erdogan waxey wax weyn ka
bedeshay sida Soomaaliya caalamku u arko.”
Isbitaalkan cusub ayaa ah mid ay 200 sariir ah ay qaadeyso oo qalabka la
keenayana ay yihiin kuwa ugu casrisan ee bariga Africa. Sidoo kale Isbitaalka
waxaa laga garab dhisayaa Masaajid aad u weyn iyo Machadka kalkaaliyeyaasha.
Sidoo kale Isbitaalka waxuu yeelanayaa qolalka gurmad-ka deg-degga ah oo leh 28
sariir.

Madaxweynaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa yiri “Isbitaalkan cusub waxuu shaqo
u abuuray in ka badan 400 Soomaali ah iyo qoysaskooda. Mashaariicda horumarineed
ee noocan oo kalena waa kuwo uu dalku u baahanyahay bacdamaa uu dalku galayo
marxaddii dib u dhiska iyo horumarka. Isbitaalkan marka uu furmana waxuu shaqo u
abuuri doonaa Soomaali fara badan. Dowladdu ahmiyad gaar ah bey siineysaa
mashaariicda shaqo u abuuraya Soomaalida.”
Madaxweynaha ayaa yiri “shacabka waxaan ugu baaqayaa inay nabadda ka wada
shaqeeyaan si dalka aan uga hirgelino mashaariic casri ah oo shaqo u abuuri kara
Soomaalida. Horumarka iyo nabaddu waa kuwa isku xiran. Markale waxaan u
mahadcelinayaa wallaalaheen Turkiga oo hirgeliyey mashruuca isbitaalkan iyo
machadka kal-kaaliyeesha caafimaadka.”
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
engabdirahman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2013
|