Qalab lagu Keydin Karo Raashinka Bisil isagoo Kulul oo lagu soo Bandhigey
Jaamacadda Jobkey
Qalabkaan oo lagu Magacaabo Wonder-Bag oo marka Af-Soomaali laga dhigo noqonaya
Boorsadii la yaabka lahayd waxaan maanta lagu soo Bandhigey Jaamacada Jobkey ee
Magaalada Muqdisho , waxaana ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada ,
Hay’adaha Samafalka , Masuuliyiinta Jaamacada Jobkey Haween iyo Marti Sharaf
kale .
Waxaa ugu Horeyntii halkaa ka Hadley Shiikh Cabdiraxmaan Raggow oo ah Madaxa
Mashruucaan waxaana uu sheegey in Qalabkaan uu yahay mid wax ka taraya Dhuxushii
faraha badneyd ee Cuntada lagu Karin jirey iyo Waqtigii dheeraa ee ku bixi jirey
Cunta Karinta waxaa uu sii raaciyey
“Qalabkaan waxaa lagu Keydin karaa ama lugu Kariin karaa Nooc kasta oo Cunta ah
waxaana Qalabkaan uu kuu fududeynayaa in aad heshid Cunto aad u Kulul,waxaa kale
oo Faaidooyinkiisa ka mid ah waxay yareyneysaa waqtigii fara badanaa ee aad ku
Karin jirtey Raashinka waxaana Fursad u heleysaa Caruurtaada iyo Shaqadaada”
waxaa uu Intaa ku darey Shiikh Cabdiraxmaan

“ Waxay Yareyneysaa Isticmaalka Dabka ama Korontada 50%Dhuxusha ama Gaaska 50%
waxay kaloo yareyneysaa Lacagta isticmaalka Dhuxusha iyo weliba dadka ku
Dhaawacba Dabka ama Korontada”
Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Eng Maxamed Xasan Aayow oo
ugu horeyntii u Mahadceliyey Ganacsatadii Qalabakaan keentey Dalka isagoo
sheegey in Qalabkaan uu yahay mid wax weyn ka geysanya yareynta Xaalufka lagu
hayo Dhirta Soomaaliyeed

Wonder-Bag waa Qalabka u eg Marro Qariirad oo kale oo ka sameysan kaas ayaa
Gelineysaa Digsigii ama Weelkii kale aad wax ku Karisey kadina Afka ayaa ka
xireysaa waxaana Cuntada iyadoo Kulul uu Haynaa Muddo Sideed Saacadood ah,
waxaana qalabkaan Qiimihiisa uu yahay Soddon Doolar. Waxaa Qaybihii kala duwanaa
ee ka Qayb galey Munaasbadaas ay Dawadeen Qalabkaas oo Raashin Bisil lagu
keydiyey Muddadaas dheer isagoo Kulul laga soo saarey taasoo ay aad ah u
layaabeen Daawadayaashii
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2013
|