Bahda Ciyaaraha iyo jaaliyadda Atlanta oo xusey maalmaha Xoriyadda + sawiro
Waxaa xaflad si aad iyo aad ah loo soo agaasimay lagu qabtay Cariga Mareykanka
gaar ahaan Magaaladda Atlanta oo ay ka soo qeyb galeen Guudiga Jaaliyadda
Atlanta,Guddiga Isboortiga, Haweenka iyo dhamaan dadka ku dhaqan Magaaladda
Atlanta taa oo lagu xusaayey 53Guuradii ka soo wareegatay maalinta 1da Luulyo oo
ah Midnimadii Goboladda Waqooyi iyo kan Koonfureed iyo maalinta ay Xornimadda
qaadatay goboladda Koonfuurta ee Soomaaliya.
Waxaana Xafladaasi ka hadlay Dr. Maxamed Cali Nuur oo ka mid ah aqoonyahanadda
Soomaaliyeed isla markaana Jagooyin kala duwan ka soo qabtay Dawladihii soo
maray Qaranka Soomaaliyeed sida Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda
Xanaanadda Xoolaha, waxaana uu Dr. Maxamed Cali Nuur diiradda saaray
marxaladihii kala duwanaa uu soo maray halgankii loo soo maray xuriyadda aanu
maanta harsaneyno,waxaana uu marka hore si mug leh uga hadlay taarikhda Calanka
Soomaaliyeed iyo waqtigii la soo saaray isagoo sheegay in calankeena uu soo
unkay Mudane Maxamed Cawaale Liibaan taarikhdu markey aheyd 12kii Oktoobar
sanadku markuu ahaa 1954,isagoo taarikhda uga jira meel dahab ah.

Waxaa kaloo uu Mudane Dr. Maxamed Cali Nuur kala dhigdhigay marxaladihii ay soo
martay Ururkii SYL oo ay ka koobnaayeen 13 Dhalinyaro oo naftooda iyo
maalkoodaba u huray Xuriyadda ay Ummadda Soomaaliyeed ay qaadatay 1960kii oo
aanu maanta u dabaaldegeyno.waxayna dhalinyaradaasi ay maanta taarikhda Ummadda
Soomaaliyeed uga jiraan baal dahab ah oo sanad kastaba la xuso.
 Dr. Maxamed Cali Nuur waxaa uu sheegay in 13kii SYL oo dhaliyey Xuriyadda ay
da'doodu u dhaxeysay 16 Sano iyo 36 Sano,waxayna guushaasi ku gaareen iyagoo
isticmaalka qabiilka ka leexday,waxaana xusuusanaa halkudhigii ugu horeeyey ee
SYL in uu ahaa(KANA UGAAS AH KANA ADOON AH WAA IN AAN
ILOOWNAAYEY,ABTIRSAMADEENII HORE WAA IN AAN OODA KU RIDNAA) waxaana halkudhigaa
keenay in ay Ummadii Soomaaliyeed ay Midoobaan iskana qaadaan heeryadii
Guumeysiga,waxaana uu Dr. Maxamed Cali Nuur khudbadiisii ku soo gunaanaday
heestii aheyd SOOMALIYEY TOOSA,TOOSA ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN
TAAGEERA WALIGIIN. Waxaana Cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American
Center Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo marka hore u Hambalyeey Ummadda
Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto munaasabadda 1da Luulyo awgeed,waxaana uu
sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay soo martay halgan aad iyo aad u adkaa iyagoo
hadafka ay lahaayeen uu ahaa in mar uun la arko Calan Soomaaliyeed oo xor ah oo
mideeya Ummadda Soomaaliyeed,Riyadaasina waxay rumowday 26 Juun iyo 1da
Luulyo,wallow uu sheegay in halgamayaashii curiyey Xuriyadaasi aan loo
abaalmarin sidii ku habooneyd laakiin waxa maanta Xurmad iyo qadarin u haya
dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan,waxaana uu khudbadiisii ku
soo gabagabeeyey Mudane Inj. Cumarow in gacmaha la isqabsado, dib loogu dadaalo
sidii aanu dhibaatadda Ummadda Soomaaliyeed uga bixin laheyn,waxaana uu halkaa
ku kasbaday sacab badan. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi khudbad gaaban ka jeediyey Gudoomiyaha Isboortiga
iyo Dhaqanka ee Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo sheegay in Isboortiga uu
ka mid ahaa kuwii ka xoroobay gacantii Gumeystaha Talyaaniga,waxaana Isboortigii
kala wareegay guddigii la oran jiray (Commitato 13) oo ay ka mid ahaayeen
Marxuum Faarax Sindiko,Marxuum Nuur Xusen,Marxuum Cusmaan Qunka,Marxuum
Otaavio,Marxuum Caamir Maxamedi, Sheegow iyo kuwa kale ,waxaana Guddiga
Isboortiga xafladaasi ka qeyb galay Caydiid Jeenyo,Jaamac Cali(Jaamacey),Maxamed
Ismaaciil Tafare iyo Abdiqani abow,waxaana xafladii ay ku soo dhamaatay si heer
sare ah. Dr: Ali Osman Ali
guddoomiyaha isboortiga iyo dhaqanka Atlanta
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2013
|