Madaxweynaha Soomaaliya oo casho sharaf la qaatay Madaxweynaha Koofurta
Suudaan iyo Madax Kale


Juba, 08 July 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa caawa casho
sharaf uu sameeyey Madaxweeynaha dalka Koofurta Suudaan ka qeybgalay. Xafladdan
casho sharafta ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee dalka Koofurta Suudaan,
waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Bostwana, Madaxweyne ku xigeenka,
guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Koofurta
Suudaan. Sidoo kale casho sharaftan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore
ee South Africa Mbeki iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey casho sharaftan Safiirka Soomaaliya u
fadhiya Koofurta Suudan Mudane Cabdiraxmaan Nur Dinaari, Xildhibaano
Soomaaliyeed, La-Taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Koofurta Suudaan Mr Salva Kir oo hadalo kooban ka jeediyey xafladda
cashada ayaa uga mahadceliyey madaxdii ka soo qeybgashay casho sharafta, iyo
dabaaldegga maalinta xornimada dalka Koofurta Suudaan oo maalinta 09ka July
2013ka labo jirsatey.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u
dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii
xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee
ka qeybgalaya xaflada.
- DHAMAAD –
Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey South Sudan
Juba, 08 July 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa si heer sare
ah loogu soo dhoweeyey magaala madaxda Dalka Koonfurta Sudan ee Juba.
Madaxweynaha Koofurta Sudan, Mr Salva Kir ayaa garoonka diyaaradaha ee Juba ku
soo dhoweeyey, iyadoo loo tumay muusikada calanka labada dal, isla markaana
kooxaha hidaha iyo dhaqanka ay halkaas ku soo bandhigeen bandhig faneed.
Madaxweynaha ayaa caawa kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Koofurta
Sudan Salva Kir oo ay wada casheyn doonaan, kana wada hadli doonaan xiriirka
labada dal, sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Sudan loo taageeri
lahaa, iyo sidii dalka Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u
dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii
xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee
ka qeybgalaya xaflada.


- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President
Ra'iisul Wasaaraha oo booqasho labo maalin ah ku jooga magaalada Baydhabo
Muqdisho, July 08,2013------Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa
saaka soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga
Mudane Cabdixakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Axmad
Xasan, Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Adeegga Bulshada Maxamuud Macalin Yaxye,
Xildhibaano, Saraakiil iyo Malaaqyo.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Faqi ayaa warbaahinta uga warbixiyay ujeedada
safarka Ra'iisul Wasaaraha isaga oo sheegay in looga gol leeyahay sidii loola
kulmi lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaana maamulka gobolka,
Malaaqyada, ururada bulshada rayidka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida,
iyadoo diirada la saari doono sidii amni loogu soo dabaali lahaa gobolada Bay
iyo Bakool.
"Si gaar ah waxaan ugu kuurgali doonaa ammaanka iyo howlaha la dagaalanka iyo
ciribtirka kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab" ayuu yiri Faqi oo xusay in Ra'iisul
Wasaaruhu uu kulamo horudhac ah la qaatay saraakiisha ciidanka, Maamulka gobolka
iyo odayaasha iyo waxgaradka iyo sidoo kale Malaaqyada gobolka.
Safarka Ra'iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safaro uu horay ugu kala bixiyay
gobolada dalka Soomaaliya, taasoo uu ugu kuurgalayay xaaladdaha dhabta ah ee
bulshada ku dhaqan gobolada, isla markaana shacabka loo gaarsiiyo qorshayaasha
dawladda.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob. +252-61-5536608
Baidoa, Somalia
Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Kulammo La Qaatay
Madaxda Baarlamaanka Britain Iyo Mas’uuliyiin Kale “SAWIRRO” Guddoomiye Ku/Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla
Cawad iyo Wafdi uu hogaaminayo kusugnaa Magaaladda London ee Dalka
Ingiriiska ayaa manta booqasho rasmi ah oo ay ku tageen Aqalka
Baarlamaanka ee Dalka Ingiriiska ayaa waxaa halkaa si diiiran ugu soo
dhaweeyay Guddoomiye Ku/Xigeenka Aqalka Baarlamaanka ee Dalka Rt. Hon
Lindsay Hoyle iyo Madax sare oo ka tirsan Baarlaamnka Dalka
Ingiriiska iyo kale British Group Inter-Parliamentary Group, iyadoo
Guddoomiyaha Ku/Xigeenka iyo Wafdigiisaba lagu soo wareejiyay Dhammaan
Goobaha Taariikhiga ah ee Aqalka iyo goobaha ay ku shaqeeyaan labada
aqal ee uu ka kooban yahay Aqalka Baarlamaanka Dalka Ingiriiska (House
of Common), iyagoo si qoto dheer uag wada hadlay sidii ay u sii
hagaajin lahaayeen xiriirka labada Aqal iyo arrimo kale oo aad muhiim
u ah waxaana uu soo dhamaadat mahadnaq iyo is-afgarad. Wafdiga Golaha Shacabku waxay si gooni gooni ah aqoon Iswaydaarsi iyo
xog waranba la qaateen madax iyo qubaro ka kala socotay Aqalka
Baarlamaanka, IPU iyo Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda
International Relations and African Studies Students oo halkaan
su’aalo iyo jawaabo ay isku dhaafsadeen Wafdiga Golaha Shacabka. Galabnimaddii maanta 8th July 2013 waxay wafdigu Xarunta Wasaaradda
Arrimaha Dibada kula shireen Mr. Mark Sommonds oo ah ku Xigeenka
Xoghayaha Arrimaha Dibada iyo Xafiiska Commonwealth ee Afrika,
iyagoo halkaa uga wada hadlay arrimo badan oo la xiriira iskaashiga
labada Baarlamaan iyo labada dawladoodba. Mudane Mahad Cawad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka iyo guud ahaanba dowladda
Ingiriiska uga mahad celiyey casuumaada ay u fidiyeen wafdigan ka
socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee ay usoo
dhaweeyeen, sidoo kalena Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu aad u
ammaanay sida ay Dowladda Ingiriisku u garab taagantahay xiligan
Dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed.

Mr. Mark Sommonds oo ah ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada iyo
Xafiiska Commonwealth ee Afrika oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay
ayaa aad u ammaanay hormarrada uu sameeyey mudooyinkii ugu dabeeyey
Baarlamaanka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay iney horseed u
yihiin isbedellada dhanka siyaasadda ah ee Soomaaliya ka jira lagasoo
bilaabo doorashadii Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka. Socdaalka Shaqo ee Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka
Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla
Cawad ay ku joogaan dalka Ingiriiska ayaa qeyb ka ah dadaallada uu
Baarlamaanka Soomaaliya ku doonayo inuu dib ugu soo nooleeyo wada
shaqeyntii uu Baarlamaanka Soomaaliya la lahaa Baarlamaannada Caalamka
ka hor burburkii Dowladdii dhexe. ---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2013
|