Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha oo Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad ku
wareejiyey Wasaarada Adeega Guud ee Dowladda Federaalka .
Manaasabad Si heer Sare ah loo soo Agaasimey islamarkaana ahayd Wareejinta Deeq
Dawo iyo Qalab Caafimaad oo ka timid Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha ayaa waxay ka
dhacdey Dekedda Weyn ee Magaaladda Muqdisho waxayna Ururka Dhaqaatiirta
Qaaradaha Deeqdaas ay ugu Talagaleen Shacabka Soomaaliyeed ee la Xanuunsanayo
Cudurada kala Duwan , waxaana Munaasbadaas Wareejinta Goob Joog ka ahaa ,
Wasiirada Wasaarada Adeega Guud ee Dowladda Federaalka Maryan Qaasim Axmed.
Waxaa ugu Horeyn halkaas ka Hadley Agaasimaha Guud Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha
Maxamed Shafiiq Al-Badawi oo sheegey in Deeqdaan dhinaca Badda soo Marta ay
tahay tii labaad oo soo gaarta Shacabka Soomaaliyeed , waxaa kale uu sheegey in
Deeqdaan ay isugu Jirto Dawo iyo Qalab Caafimaad oo uu sheegey in ay ugu
talagaleen Shacabka Soomaaliyeed Dhibaatada Caafimaad haysta

“Deeqdaan ma Noqon Doonto Deeqdii ugu Dambeysey ee Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha
ay soo gaarsiiyaan Shacabka Soomaliyeed waxayna Muqstaqbalka ku tala jiraan in
ay sii laba jibaaraan Deeqaha Noocaan oo kale”ayuu yiri Maxamed Shafiiq oo u
Mahadceliye intii isku soo Dubaridey Deeqdaan isagoo ugu baaqey Qaybta
Caafimaadka ee Wasaarada Adeega Guud in ay Deeqdaan Gaarsiyaan dhamaan Shacabka
Soomaaliyeed .
Xubnihii kale ee ka Hadley Wareejinta Deeqdaan waxaa ka mid ah Maxamed Iidle
Sabriye oo ka socdey Ururka Iskaashiga Islaamka oo u Mahadceliyey Ururka
Dhaqaatiirta Qaaradaha oo uu sheegey in Gargaarkooda uu ku soo beegmey Xilli ay
Shacabka Somaaliyeed baahi weyn u qabaan Gargaar Noocaan oo kale ee Dhinaca
Caafimaadka ah.
Ugu Dambeyn waxa Deeqdaas Gudoomey Wasiirada Wasaaradda Adeega Guud ee Dowladda
Federaalka Maryan Qaasim Axmed oo u Mahadcelisey Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha
oo ay sheegtey in ay si weyn uga Damqadeen Shacabka Soomaaliyeed ee la
Xanuunsanaya Cudurada kala duwan , waxayna Wasiirada Balan qaadey in Deeqdaan
Daawada iyo Qalabka Caafimaad loo qaybin doono Dhamaan Isbitaalada Wadanka
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2013
|