Suuqyada Magaalada Muqdisho oo si Weyn Looga Dareemayo u Diyaargarowga
Bisha Barakaysan ee Ramadaan
Iyadoo Waqti yar oo faro ku tiris ah ay naga xigaan Bilashada Bisha Kheyrka
badan ee Ramadaan ayaa guud ahaan Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Soomaaliya
waxaa laga dareemaya Diyaargarow xooggan oo Bishaas loogu Diyaargaroobayo oo
halkaa ka soconaya.
Suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Dadweyne aad u fara
badan oo ku hawlan Diyaargarowga Ramadanka iyagoo Badeecooyin kala duwan halkaa
ka iibsanaya.Waxyaabaha ay dadku aad u Iibsanayaan ayaa waxaa ka mid ah
Raashiinka noocyadiisa kala duwan, Sharaabka iyo Timirta ay ugu tala galeen
xiliga afurka ee bisha Barakaysan ee Ramadaanka.
Dhinaca kale Shirkadaha Xawaaladaha ayaa la arkayaa oo Maalmahaan aad u hawlo
badan iyadoo halkaas ay ku soo xoomeen Dadka Eheladooda Dibadaha jiraan
Shirkadahaasna ay ugu soo Xawilayaan Lacagaha ay ugu tala galeen Bisha
Barakaysan ee Ramadaan.Badeecooyinka qaar ayaa Qiimahooda waxaa laga Dareemayaa
sare u kac maadaama Bishan oo kale oo Dadku si aad ah u Dukaamaystaan isla
markaana isugu diyaariyaan Gudashada Waajibaakaas Diiniga ah.
In kastoo Dadka Dhaqaalaha ladan ay tallaabadaas qaadayaan ayaa hadana dhinaca
kale waxaa jira Boqolaal dad ah oo ku sugan Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada
Muqdisho kuwaas oo aysan ka muuqan Diyaargarowga ay sameynayaan qaybaha kale ee
dadka iyagoona kuu sheegaya inuusan jirin wax ay ku diyaargaroobaan hase yeeshee
ay Taladooda Eebe saarteen sidaasna ay Diyaar ugu yihiin in ay Soomaan Bisha
Barakaysan ee Ramadaan.
Si kastaba xiligan oo kale ee sanad walba marka la gaaro ayaa la arkaa
Diyaargarow noocaan oo kale ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay isugu Diyaarinayaan
Bisha Kheyrka badan ee ramadaan, waxaana la Filayaa in Maalinta Talaada ah oo ay
Bishu tahay 9-ka Luulyo ay Dhalato Bishii Ramadaan waxaana Ilaah ka Baryeynaa in
uu Kheyrkeeda na Waafiyo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2013
|