SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo Dhaweeyay Qabashada Xasan Daahir Aweys.



Nicolas Kay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo iminka booqasho gaaban ku Jooga Dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay Xarigga Xasan Daahir Aweys oo Todobaadkii labaad ku jira Gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.Mr Kay ayaa sheegay in Xasan Daahir uu qayb ka ahaa wax uu ku sheegay Kooxaha Argagixisada taasina ay hore Qaramada Midoobay Sharci uga soo saartay isagoona Xusay in Wadaadkaas uu ku jiro Liiska Maraykanka.oo Safarada looga Xayirayo dad uu isagu ku jiro.

Wakiilka ayaa hoosta ka xarriiqay in Xasan Daahir uu iminka ku jiro gacanta Dawladda Soomaaliya isla markaana la dhowrayo tallaabada ay Dawladdu ka qaadi doonto Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Saraakiisha Sar sare ee Dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Dhawaan ayay ahayd markii afhayeen u hadlay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in Wadaadku uu ku sii jiri dooni gacanta Dawladda Todobaad kale isla markaana wada hadal lala furi doono.

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Dederaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirddoon oo Todobaadkii hore ka hadlay arrinta Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Xaaladdiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaana uu tallaabo talaabo ula socdo.Saacid ayaa sheegay in Xasan Daahir loola dhaqmi doono si wanaagsan maadaama uu yahay Nin si weyn looga yaqaano Soomaaliya isla markanaa ku soo maray marxalado kala duwan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;