Maxjarka Jaziira oo Mar Qura Hoysiin kara Xoolo gaaraya 220,000 oo Ari ah,
20,000 oo Lo’ ah, 10,000 oo Geel ah
Waxaa noo Suurta gashey in aan Booqano Maxjarka Jasiira ee Duleedka Magaalada
Muqdisho faoo muddo Sanad ah jirsadey kaasoo loogu talagaley in Xoolaha la
Dhoofinayo lagu sii Hakiyo , waxaana halkaas ku soo aragney qaabka Xoolha loogu
Xanaaneynayo iyo sida ay Dhaqaatiirta Xoolaha ula socdaan Caafimaadka Xoolaha,
waxaana halkaas ku Xareysnaa Xoolo isugu jira Geel iyo arri waxayna Maamulka
Maxjaralka uu soo saarey War-Saxaafadeed u Qornaa sidtan”
Ugu horeyn waxaan u Mahadcelineynaa Allahii Suuragaliyey Maxjarka Jaziira ee
Shirkada Caalamiga Jaziira. Marka xiga waxaan u Mahadcelineynaa dhamaan
Shirkaddaha Soomaaliyeed ee aan u adeegno. Shirkada Caalamiga ah ee Jaziira
waxaa la asaasay 2010, Shirkadu waxay asaastay isla xiligaa Maxjarka Jasiira,
Maxjarku wuxuu ku yaalaa duleed Magaalada Muqdisho,,waana Maxjarka qura ee ku
yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Wuxuuna qabtaa Baaritaanadda, Daweynta,
iyo Xanaaneyta Xoolaha. Kadibna Maxjarku wuxuu siiyaa Milkiilaha Xoolaha
Shahaado cadeyneysa Fayo-qabka Xoolahiisa una Suuragalineysa Milkiilaha Xoolaha
leh in uu dhoofsado ama si kale u isticmaalo.
Maxjarku wuxuu awoodi karaa inuu mar qura Hoysiiyo 220,000 oo Ari ah, 20,000 oo
Lo’ ah, 10,000 oo Geel ah. Maxjarku waxuu leeyahay 47 Xero guud ahaan. waxuu
Marjarku ogolaansho ka heystaa Hay’ada u qaabilsan Qaramada Midoobay caafimaadka
xoolaha (OIE) isla markaana ay Aqoonsadeen Wadamada Carabta oo ah Wadamada ugu
badan ee loo Dhoofiyo Xoolaha Soomaaliya gaar ahaan Wadamada Saudi Arabia iyo
Cumaan, Maxjarkaas oo ku shaqaynayo Heerka ama Stardard ka Calamiga ee waafaqsan
Xeererka u dejisan OIE, waxuu adeegsadaa Maxjarku Shaqaale isugu jira Soomaali
iyo Ajaanib oo aqoon duruqsan u leh Xanaanadda Xoolaha, isla markaasne waxuu
isticmaalaa Shaybaar Casri ah.
Waxaa intaas dheer Maxjarku waxaa uu heystaa Ruqsad buuxda oo ay Gudoonsiisay
Boqortooyadda Saudi Arabia Maxjarka taasoo u ogalaaneysa in Xoolaha soo mara
Maxjarka Jaziira loo Dhoofin karo Boqortooyadda Saudi Arabia.Maxjarku waxuu soo
dhaweynayaa cid kasta; qof, ama Shirkadba taas oo dooneysa inay Dhoofsato Xoola
Nool iyo mid la xalaaleeyeyba si ay u hesho Cadeyn iyo Shahaado ay isku hubto.
Sidoo kale Maxjarku wuxuu idiin hayaa adeeg Hufan, degdeg ah, isla markaasna ku
siinaya tayo aad ku faraxdo.Waxaa Maxjarku u suuragaliyey Shirkadda Badweynta
Hindiya oo Wakiil u ah Suleymaan Aljaabiri in ay u diyaariso xoolo isugu jira
Geela iyo Ari ah oo uu Maxjarku u sameeyey adeegii loogu tala galay, adeegaas oo
isugu jiray Baaritaano kala duwan iyo Daweyn
Sida aad ogtihiin waxaa Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho ka dhoofa xoolo
isugu jira Geel, Lo’ iyo Ari oo u kala socda Dalal kala duwan ee Carbeed laga
bilaabo markii uu Maxajrku bilaabay adeegkiisa, waxaa xoolahaas dhoofsaday
Shirkado kala duwan oo isugu jira kuwo Gudaha ah iyo kuwo Calami ah oo ay ka mid
yihiin Mu’asasada Sulaymaan Aljaabiri ee dalka Saudi Arabiya, Shirkadda Xoolaha
ee Al-Cimraan, Shirkadda Xoolaha ee Soomaaliya. ayadoo uu suuragaliyay Maxjarka
Jasiira isla markaane xaqiijiyey Caafimaadka Xoolahaas taas oo ah adeeg mudo 22
Sano ah ka maqnaa Wadanka gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya taas oo ah guul u soo
hoyatay Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada Xoolalayda ayadoo Xoola
Dhoofinta Wadanka uu u xayirnaa helida Maxjar Xirfad leh oo hubiyo Caafimaadka
Xoolaha.

Dhinaca kale Maamulaha Guud ee Maxjarka Jasiira Cabdikamaal Maxamed Shiikh
Cabdulaahi oo Saxaafadda ku la hadlayey Gudaha Maxjarka ee Jasiira ayaa sheegey
in Sababaha ay u doorteen in Maxjarka ka dhisaan ay tahay in Xoolha ay helaan
Dhul Carro-san ah , islamarkaana ah ah meel u dhow Dekedda Magaalada Muqdisho si
looga Dhoofiyo Xoolaha Dalka waxaa kale uu sheegey in Shirkadaha Dhoofiyaha
Xoolha in lagu soo dhaweynayao Maxjarka si loogu hayo halkaas Muddada ay
dhoofayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2013
|