SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Col. Barre Hiiraale oo Sheegay in Isaga iyo Shabaab ay Hal Cadow Wada leeyihiin.

Barre Aadan Shire oo ka mid ahaa Raggii Sheeganayay Madaxweyninimada Maamulka Jubbaland oo Saxaafadda qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in xiligan uu ku sugan yahay Duleedka Magaalada kismaayo waliba qiyaas Magaalada u jirta Illaa Shan Kiilo Mitir. Barre Hiiraale ayaa intaa ku daray in halkaas uu ka wado abaabul Ciidan dhawaana uu doonayo in maadaama Magaalada Kismaayo Dagaal looga soo saaray inuu isaguna Dagaal ku qabsado.

Col. Barre Hiiraale ayaa ku Eedeeyay Ciidamada Kenya in ay Garabsiinayaan kuwa Axmed Madoobe in ay dagaal kaga soo saareen Magaalada Kismaayo sidaa drteedna uu haatan isu diyaarinayo sidii dib ugu noqon lahaa Magaalada Kismaayo isla markaana meesha uu uga saari lahaa Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe

Hoggaamiyahan ayaa ka hadlay in Degaanada uu iminka abaabulka ka wado in ay ka arrimiyaan Dagaalyahanada Xarakada Shabaab isagoona hoosta ka xarriiqay in isaga iyo Xarakada Shabaab ay leeyihiin Hal Cadow oo ah kuwii ka soo saaray MagaaladaKismaayo.

Barre Aadan Shire ayaa ku hanjabay inuusan joojin doonin Dagaalka uu doonayo inuu ku gaaro Magaalada kismaayo isagoo dhanka kalena xusay in Xarakada Shabaab iyo Ciidankiisu aysan u dhaxayn xiligan wax dhibaata ah. Barre Hiiraale ayaa Ciidamada Kenya ku Eedeeyay in Raggii kale ee isku Fikirka ahaayeen ay ka Masaafurisey Magaalada Kismaayo taasina ay muujinayso sida Xukuumadda Kenya ay ula safatay mid ka mid ah dhinacyadii ku Dagaalamayay Magaalada Kismaayo.

Si kastaba Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu wato ayaa dhawaan laga saaray Magaalada Kismaayo ka gadaal markii dagaal soconayay muddo Seddax Maalmood ah uu ka dhacay Gudaha Magaaladaasi.sidoo kale Sannadkii 2012 ayaa waxaa Ciidamada Kenya Magaalada Kismaayo ka saareen Ciidamadii Xarakada Al-Shabaab dagaal qaatey muddo Sannad ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;