Shirweynihii shuurada caamka ah ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi
Wasshunnah oo maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.
July 4, 2013: Shirweynihii 18aad ee golaha shuurada Jamaacada Al-ictisaam
Bil-kitaab Wassunnah oo halkudheggiisu ahaa "Aan wada xaqiijino horukac
dacwadeed " ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.
Shirweynahaan waxaa ka soo qaybgalay madaxda Jamaacada, culumadeeda iyo
aqoonyahankeeda oo isaga yimid dalka gudihiisa iyo dubadiisa, waxaana lagaga
hadlay arrimo badan oo khuseeya diinta iyo danaha ummadda.
xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qaybgalay Hay'adda Culumada Soomaaliyeed,
Xarakada Al-islaax ee Islaamiga ah, Xarakada Al-tajammuc Al-islaami, siyaasiyiin
iyo martisharaf kale.
Bayaanka shirweynaha 18aad ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaab Wassunnah
Bayaanka oo dhamaystiran ka akhri halkan
الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وأصحابه.
Kulankii 18aad ee golaha shuurada guud ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaab
Wassunnah oo halkudhaggiisu ahaa : aan wada xiqiijinno horukac dacwadeed oo ka
dhacay magaalada Muqdisho, socdayna intii u dhexeysay 24-26/08/1434 oo waafaqsan
2-4/7/2013, oo lagu falanqeeyay arrimo badan oo khuseeya dacwada islaamka iyo
aayaha umadda soomaaliyeed ee muslimka ah dibad iyo gudaba waxaa ka soo baxay
bayaankan:

1. Waxaan umadda soomaaliyeed ee muslimka ah ugu baaqeynaa in ay wada qabsadaan
shareecada islaamka, kuna dhaqmaan, khilaafaadkoodana ku xilliyaan,waxaana
xusuusineynaa in shareecadu tahay waddada kaliya ee ay kaga bixi karaan
dhibaatada dheeraatay ee ku habsatay,waxaana soo jeedineynaa in shuruucda iyo
xeerarka waddanka la waafajiyo shareecada islaamka.

2. Waxaan umadda soomaaliyeed xusuusineynaa madax iyo shacabba xilka ka saran
dacwada islaamka, iyo faafinta aqoonta diinta,iyo in ay isu kaashadaan faafinta
wanaagga iyo ka hortagga xumaha . قال الله تعالى: )ولتكن منكم أمة يدعون إلى
الخير ويأمرون
) بالمعروف وينهون عن المنكر وأؤلئك هم المفلحون( آل عمران الآية ) 401

3. Waxaan umadda soomaaliyeed uga digaynaa khataraha fara badan ee ku xeeran,ee
halista ku ah jiritaankeeda,si gaar ah waxaan u tilmaameynaa faragalinta
shisheeye ee isku diraysa si loo burburiyo inta ka hadhay dadkii iyo hantidii
soomaaliyeed,sidoo kale waxaan tilmaameynaa khatarta qabyaaladda ee qaybneysa
bulshada. Bayaanka oo dhamaystiran ka akhri halkan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2013
|