SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra’iisul wasaaraha ayaa maanta daah-furay qorshe wax looga qabanayo Amaanka Muqdisho

  • iyo Ra’iisul Wasaare Saacid oo Booqdey halka lagu Hayo Shiikh Xasan Daahir Aweys
  • iyo Ra’iisul Wasaarah oo boqday dakadda iyo garoonka diyaradaha ee Muqdisho

Muqdisho, 04, July, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, Gudoomiyaha gobolka banaadir, Taliyayaasha ciidamada, iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir ayaa si rasmi ah u furay barnaamij mudo laga soo shaqaynayey oo lagu xoojinayo amaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladu todobadii bilood ee ugu danbaysay ay wax weyn ka qabatay amniga,walow ay jireen falal amniga lagu wax yeelaynayo oo dhacay,

“Dawladu waxay mudnaanta kobaad iyo tan labaadba siisay amaanka, waxaana nala soo weeraray maalin cad, dagaalka na haystana waa mid caalami ah, dagaalka lugula jiro nabad diidku waa inuu noqdo mid balaaran oo laga wada qayb qaato, Todobadii bilood ee ugu danbaysay amaanka waxaan galinay waqti badan balse kamaanaan bad baadin qaraxyo iyo dilal” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu


adangurey's Arrimaha Amniga album on Photobucket

“Xukuumadu waxay balan qaadaysaa in ay ciidamda Booliska ay helaan mushaaradkooda si joogta ah laga bilaabo bishaan. Waxay sidoo kale helayaan gunooyin iyo raashin, mana noqon doono mushaarkaas mid ay Hay’ado bixiyaan. Waxaa kale oo dawladu diyaarisay dhamaan agabayadii ay ku howl gali lahaayeen ciidamadu, lixda bilood ee soo socota waxaan ku rajo weynahay in caasimada amaankeeda uu noqdo mid ka wanaagsan meesha uu maanta taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoon dhanka kalana xusay in qorshahaan hada la bilaabayo ay dadweynuhu ka qaataan kaalin mug leh,

Dhanka kale, Gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon oo amniga caasimada lagu xoojin karo, iyo sida looga gudbi karo caqabadaha soo noq noqday ee khatarta ku ah amniga Muqdisho

“Dhamaan degmooyinka gobolka waxaan ka bilownay darisayn, waxaana ilaa hada lagu guulaystay 14 degmo, dhamaan waxaa laysku xirayaa qaybaha kala duwan ee bulshada, markii aan soo dhamaystirno barnaamijkaan darisaynta ah, waxaan rajo fiican ka qabnaa in si buuxda loo soo celiyo amniga magaalda” ayuu yiri mudane Tarsan oo dhanka kalana xusay in caasimada Soomaaliya ay ka amaan fiican tahay caasimadaha Baqdaad iyo Kaabuul, balse la sheego in Muqdisho ka khatar badan tahay, taasna ay sabab u tahay hubka faraha badan ee lagu dhex wato.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariin Xusein Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in labadii munaasabadood ee qaranimadda Soomaaliya ay dowladu ka hortagtay in amaanka la waxyeeleeyo.



“Hadii aysan jirin bulsho ku xiran gudoomiyayasha degmooyinka iyo taliyayaasha kala duwan way adagtahay in amaanka wax laga qabto, waana in la dhiso guddi amni oo heer degmo ah, markii gobolka Banaadir uu soo dhamaystiro barnaamijka darisaynta ayaan u samaynaynaa qorshe wax looga qabanayo nabad ku soo dabaalida caasimada.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu jiro qorsha kale oo loogu magac daray Shabeel, kaas oo ay xukuumaddu dhamaystirtay, dowladuna ay dhawaan daah furi doonto, qorshaana ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku macneeyey inuu noqon doon mid guud ahaan looga xoraynayo kooxaha nabad diidka ah dalka, si ay gobolada isugu furmaan dadkuna u helaan nabad galyo taam ah.

DHAMAAD

Xafiiska warbaahinta
Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha

Muqdisho, Soomaaliya
Email: media@opm.gov.so


Ra’iisul Wasaarah oo boqday dakadda iyo garoonka diyaradaha ee Muqdisho

Muqdisho, July 03, 2013.......Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliyaan Wasiirka Maliyada iyo Qorsheynta Qaranka mudane Maxamud Xasan Suleymaan, Waiirka Howlaha Guud iyo Dakaddaha mudane Muxiyadiin Maxamed Kalmooy, iyo Wasiir Ku-xigenka Warfaafinta, Boostadda, Isgarsinta iyo Gaadiiddka Cabdishakuur mudane Cali Mire ayaa booqday meelo ay ka mid yihiin dakadda iyo Garoonka diyaradaha ee Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirada ayaa markii ay booqdeen goobahaan ayaa waxaa hanaanka shaqo uga warbixiyay hawl-wadeenada dawladda oo u sharaxay hanaanka shaqo iyo isbadalada ay ku tilaabsadeen si kor loogu qaado wax-soosaarka illaha dhaqaalha dalka. Dhanka kalana waxay ka uga warbixiyeen baahida ay dekeddu u qabto dib-u-habayn iyo in la sii casriyeeyo.

Mudadii uu Ra’iisul Wasaaruhu kormerayay dekadda waxda uu guddaha u galay hoolasha ama baqkhaarada lagu dajiyo waxyabaha ka soo daga Ddekedda, wuxuuna soo indho-indheeyay maraakiibta ku xirtan dekadda iyo baraha ay ku soo xirtaan oo qalab casri ah lagu soo kordhiyay dhawaan lana suurto galiyay inay ku soo xirataan marakibta ku wooda sida kunteenarada waa-weyn.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay dawladdu iska xil saarayso horumarinta dekeda, iyo sidii shaqadeeda loo si laba jibaari lahaa, lona heli laha dakaddo kale dalka ka saacida in dhoofku kobco. Waxaana uu dhanka kale uga mahad naqay mamulka iyo shaqalaha sida wanagsan ee ay howshooda u guteen, asagoo farta ku fiiqay in uu jiro kor u kac dhanka lacagaha ka soo xarooda dakadda Muqdisho.

"Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dakaddu si weyn u kobcaan. Waan casriyaynaynaa dekadda hawl ahaan iyo qalab ahaanba," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha oo la hadlaya hawl-wadeenadii dakedda Muqdisho.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga dawladdu waxay sidoo kale soo kormeren garoonka diyaradaha ee Muqdisho ee Aadan-cade, waxayna soo indha in dheyen qeybaha kala duwan ee garonka oo ey ka mid yihiin qeyba dulista iyo sadasha hawada iyo waliba qeybta maliyada. Mudaddii ay ku guda jireen kormeerka gagida dayuuradaha waxay sidoo kale dhagaysteen warbixino la xariira shaqada iyo hawlaha la xariira nidaamka socdaalka dalka.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa booqashadiisan ku tilmaamay mid lagu dar-dar galinayo habsani u socodka hawlaha illaha daqaalaha dalka ee ay ugu horeeyaan dekadda iyo garoonka Muqdisho. Waxaana uu hawl-wadeenadii dhamaantood kula dar-daarmay inay dareemaan masuuliyada qaran ee saaran asagoo xusay in dawladdu si buuxda ulla socoto shaqada ka socota labada goobood.

"Waa muhiim in aad masuuliyad dheeri ah isa saartaan kana dhawrsataan wax kasta oo curyaamin kara hawsha qaran ee aad haysaa," ayuu kula dar-daarmay Ra'iisal Wasaaruhu shaqaalihii iyo masuuliyiintii labada goobood.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Xawiiska Warbaahinta Ra'iisal Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya

Email: media@opm.gov.so


Ra’iisul Wasaare Saacid oo Booqdey halka lagu Hayo Shiikh Xasan Daahir Aweys

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi faarax Shirddoon ayaa maanta kulan waxaa uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kulankaas oo ka dhacay Xarunta Nabad Sugidda ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas kaddib waxa uu la hadlay raga wararka dira isagoona faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay arrimihii kulanka Maanta looga hadlay.Saacid ayaa sheegay inuu jiro Qorshe wax looga qbanayo ammaanka Guud ee magaalada Muqdisho iyo Istiraatijiyad ku aadan arrimaha ammaanka Guud ahaan dalka Soomaaliya oo ay xukuumaddiisu dhawaan soo ban dhigi doonto.

Cabdi Faarax Shirddoon Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan Ciidamada iyo dadweynaha Soomaaliyeed si looga hor tago Khatarta buu yiri ay la imaan karaan Kooxaha Nabad diidka ah

Shirkiisa Jaraa’id ayaa Su’aalo ay Saxaafadda weydiisay Ra’iisul Wasaaraha ayuu ka jawaabay iyadoo su’aasha la weydiiyay ay ku jirtay Xaaladda Xasan Daahir Aweys.Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xasan Daahir uu yahay Nin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya isla markaana ku soo maray Marxalado kala duwan xiliga haatan ahina uu gacanta ugu jiro Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Saacid ayaa intaa ku daray in Saacado ka hor uu ku booqday Xasan Daahir halka uu ku sugan yahay isla markaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan isagoona ballan qaaday in wax dhibaata ahi haba yaraatee aan loo gaysan doonin.

Ra’isul Wasaare Saacid ayaa u Mahadceliyay Gudigii Xasan Daahir ka soo galbisey Magaalada Cadaado iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb isagoona sheegay in arrimha Wadadaakaas ka wada hadleen wixii kale ee Cabasha ah ay qabaana uu diyaar u yahay inuu kala hadlo cid kasta oo aan arrintaa ku Qanacsanayn.

Cabdi Faarax Shirddoon ayaa kulamadii uu maanta la qaatay Mas’uuliyiinta ammaanka Gobolka banaadir waxa uu ku sheegay inuu yahay mid loogu gogal xaarayo Qorshe ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u dejisay Siyaasadda amniga dalka isagoona hoosta ka xarriiqay inaysan jirin ama uusan jirin Gobol ka tirsan Soomaaliya oo uusan Saameyneyn qorshahan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;