
HORDHAC:
Agaasimaha waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee wasaaradda Hormarinta iyo
Adeega Bulshada ee dolwlada faderaalka Soomaaliya oo kaasahana hay’ada Juba
Foundation oo ah hay’ad ka kowlgasha dalka gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta
Soomaliya waxay si wada jir ah fursad kuugu siinayaan in aad ka qayqaadatid
tartanka dib u dhisida dugsiga sare ee macalin jaamac ee kuyaala xaafada xamar
wayne ee gobolka banadir.
Dhamaanshirkadaha dhismayaasha iyo dayactirada ee tayada leh waxa si sharaf leh
loogu wargalinaya in waraaqaha iyo docomintiyada oo faahfaahsan ay ka heli
karaan xafiiska agaasimaha waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee wasaarada
hormarinta iyo adeega guud.
Si loo dhowro habsami usocodka iyo tayaynta barnamijka waxa si sharaf le looga
codsanaya ka qaygalayaasha in ay dhowraan waqtiga , waxa si sharaf leh lagaaga
codsanaya in aad so gudbiso codsigaaga kaqayb gal, araajidadaada iyo
waraaqahaaha oo faah faahsan ugu ambayn maalinta khamista ah taariikhda July-4-
2013.
SHURUUDA KA QAYB GALKA
Dhamaan waraaqahahaaga ka qayb gal oo ku jira bashqad wayn oo xiran waxa laga
codsanaya in aad kuso rido santuuqa yaala xafiska agaasimaha Waxabrashada,
Hidaha iyo Tacliinta sare ugu dambayn tariikhda kor ku xusan.
Waxa kal e oo laga doonaya:
1. Shahaadada diinwaan galinta Wasaarada Holwaha Guud iyo Guryaynta
2. Shadaahada diinwaan galinta Dowlada Hoose ee Gobolka Banadir
3. Waxqabadka xafiska oo faahfaahsan
4. Qiimaynta dayactirka dugasiga macalim jamac
5. Waxqabadka xafiiska iyo howlaha dayactir ama dhismo ee uu qabtay ama hada
socda
6. Hantida xafiiska oo faah faahsan
7. Hantida dhaqaale ee kaydka xafiiska ee taala bangi la aqoonsan yahay
8. Taariikh nololeedka mas’uuliyiinta xafiska ee qaabilsan howsha dayactirka
dugsiga Sare ee Macalim Jamac ee degmada xamar wayne
Shirkadaha Gaarka ah
Shirakada dhismayaasha ee gaarka lo leeyahay ee buuxiya shuruudaha kor ku xusan
waxa iyaguna lagu wargalinaya in ay ka qayb qaadan karaan dayartirka dugsiga
sare ee Macalim Jaama ee Degmada Xamar Wayne ee Gobolka Banaadir
MAHADSANIDIIN
Wxii Faahfaahin ah kala xiriir
Telka 00252615518718
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2013
|