Ciidamada Dalka Kenya oo Magaalada Kismaayo ka Masaafuriyay Illaa Seddax
Mas’uul oo Sheeganayay Madaxtinimada Maamulka JubbaLand
Warar ku dhow dhow Maamulka Amisom ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in
illaa Seddax Mas’uul oo ka tirsanaa Ragga Sheeganayay Madaxweyninimada maamulka
Jubbaland in Habeenkii Xalay ahaa Ciidamada kiinyaanku ay ka soo Masaafuriyeen
Magaalada Kismaayo isla markaana la soo saaray Diyaaradihii Dhaawaca u soo
qaaday Habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho.
Raggan Magaalada laga soo Msaafuriyay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdi Baaleey,
Buraale iyo Iftin Baasto oo Sedaxdooduba horey u sheegtauy in loo doortay
Madaxtinimada Maamulka Jub land.Raggan Sedaxda ah ayaa sida lagu soo waramay
waxaa la qab qabtay intii ay soconayeen Dagaaladii u dhaxeeyay labada Maliishiyo
ee kala taageerayay Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.
Col. Barre oo ka mid ahaa Raggii sheeganayay Madaxweyninimada Maamulka JubbaLand
ayaa isaga baxay gudaha Magaalada Kismaayo ka gadaal markii loo awood sheegtay
isaga iyo Malliishiyadiisii sidaasna looga saaray Magaalada Kismaayo.

Cabdi Baaleey oo ka mid ahaa raggii laga soo Masaafuriyay Magaalada Kismaayo oo
iminka ku sugan Magaalada Muqdisho oo waraysi siiyay warbaahinta qaarkeeda ayaa
sheegay in si qasab ah Ciidamada Kenya ay uga soo saareen Magaalada Kismaayo
lana soo saaray Diyaarado ku soo jeeday Magaalada Muqdisho
Baaleey ayaa Xukuumadda Kenya Ciidamadeeda ku Sugan Magaalada Kismaayo ku
Eedeeyay in ay qayb ka yihiin Dagaalada Kismaayo isla markaana ay la safteen mid
ka mid ah Garabyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Malliishiyada Axmed Madoobe ayaa iminka gacanta ku haysa inta badan Magaalada
Kismaayo Maamulkeeda taasoo la sheegayo in Ciidamada Kiinyaanku ay gacan ka
gaysteen sidii Malliishiyada Axmed Madoobe ay u qabsan lahaayeen Magaalada
kismaayo iyadoo Masaafuruintaan Dowladda Federaalka aysan weli ka hadlin
sheegteyna in Dagaalka Kismaayo lagu dhameeyo Wadahadal.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2013
|