SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

“ Waxaan Rabaa Inaan Kuu Sheego, Garsoorka Waligiis Ma Soo marin 4.5 iyo 3.5…” Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bannaadir Avv. Xaashi Cilmi Nuur oo Wareysi Xasaasi Ah Siiyey Somalitalk (26/6/2013 - Jabuuti)

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bannaadir Avv. Xaashi Cilmi Nuur oo wareysi gaar oo dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey somalitalk mar uu transit ku ahaa dalka Jabuuti isagoo ku sii jeedey dalka Faransiiska ayaa waxaa uu ka Hadley u jeedadda safarkiisa, waxa ay soomaaliya ka faa’ideyso siminaar dhinaca garsoorka ah oo lagu qabtey dalka Faransiiska islamarkaana looga hadlayey shuruuc ku saabsan lacagaha la is-daba marsiiyo, daroogadda, lacagaha laga helo daroogada iyo burcad badeeda.

Ayaa waxaan kaloo wax ka weydiiyey Garsoor 4.5, lagu soo xuley xukunka uu fuliyo sida ansax ku noqon karo, garsoorka maamul goboleedyada Puntland iyo maamulka Somaliland shaqada ay hayaan waxa ay yihiin, xukunadda ay fuliyaan ma yihiin kuwo garsoorka sare ee dowladda federaalka soomaaliya la socota, maraakiibta shisheeye ee ka buuxa badda Soomaaliya sharciga ay ku joogaan iyo dilalka wariyayaasha, shekh-siyaadka muhiimka ah, islamarkaana aan wali loo soo qaban hal ruux iyo su’aalo kale oo muhiim ah.

“Waxaan u socdaa siminaar khuseeya garsoorka soomaaliya oo lagu qabanayo dalka faransiiska, wuxuuna socon doonaa 8-maalmood, waxaana ka soo qaybgalaya garsoorka soomaaliya qaybihiisa kala duwan sida xubno ka kala socda Muqdisho, Garoowe iyo xubno kale oo ka imaan lahaa Hargeysa oo arrimo farsamo ay u baaqdeen, Aduunka waxaa ku soo kordhey dembiyo aan hore loo aqoon oo cusub oo waaweyn sida wax is-dabamarsiinta, mukhaadaraadka, burcad badeeda ” Ayuu tiri xaashi.

Maamuladda ka jira dalka soomaaliya intooda badan waxa ay fuliyaan xukuno, ma yihiin kuwo garsoorka sare ee dowladda federaalka soomaaliya la socota ayaan weydiiyey waxaa uuna ku jawaabey “wax kasta oo bani’aadam aduunka joogo, lama oran karo boqolkiiba boqol waa sax, laakiin go’aanadaas ay fulinayaan iyo xukunadaas ay sameynayaan waa kuwo sharci ku dhisan oo qaanuuni ah oo kuwii goboladda iyo wadanka uu lahaan jirey ah, wax-yaabaha dal daloolada ah ee ka jira soomaaliya meel kasta saameyn ayey ku yeelanayaan, laakiin ilaa iyo xad waa xukuno sharci ku dhisan oo ay fulinayaan”.

Waxaa kale oo aan weydiiyey sidey sharci ku noqonayaan haddii dowladii federaalka ahayd aysan la socon oo aysan ka amar qaadaneyn, Wuxuuna ku jawaabey “ waxa jira ee qaanuunka ah iyo wixii mukhaalafo ah waa kala duwan yihiin, dalka soomaaliya waa soomaaliya, qaanuun ayuu leeyahay, sharci ayuu leeyahay, dhamaan shuruucdaas wixii lagu fuliyo waa qaanuuni”.

Maxaad is-dhaantaan maamulada kale ee dalka ka jira, mar haddii uusan jirin kala sareyn, sow laba dowladood oo magacii soomaaliya ka socoto oo kale ma ahan, Ayaan weydiiyey “maya addiga haddii aad raadineyso dowlado hal ka badan, anniga ma ogi, laakiin waxaan ogahay hal dowlad oo qaanuunkeeda iyo sharcigeeda leh oo soomaaliya la yiraahdo keliya ayaan ogahay”

Garsoor 4.5, lagu soo xuley sidee xukunka uu fuliyo ansax ku noqon karaa, ayaan weydiiyey Gudoomiyaha, waxaa uuna ku jawaabey “ waxaan rabaa inaan kuu sheego, garsoorka waligiis ma soomarin 4.5 iyo 3.5, waxaa weeyaan, hay’adaha kale sida baarlamaanka iyo xukuumadda weeyaan, laakiin garsoorka waa professional, waxaa weeyaan shaqadaas qofkii qaban karto oo aqoon u leh ayaa la xushaa, Annagu waan ka nabad qabnaa haddaanu nahay bahda garsoorka, mana buuxin karo qof professional ah shaqadiisa qof kale ma buuxin karo, shaqada aan qabano waa shaqo hal koox ay taqaano cid kalena sooma faragashan karto”.

Wareysiga Oo Dhameystiran Halkan Ka Daawo.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;