SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo Tacadi iyo Xadgudub weyn u Geystey Ergadii u soo ka Xaysey Muqdisho Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Banaanbax looga soo Horjeeda Xariga ShiikhDaahir Aweys oo ka dhacay Muqdisho

Markii magaalada Muqdisho la keenayay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa Ergeadii ka soo wadey Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo isgu jirey Xildhibaano, Siyaasiyiin , Saraakiil, Nabadoono iyo Ugaasyo ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa Diyaardii sidey isku gadaamey Ciidamada Nabadsugida

Markii ay Ciidamadii Nabadsugida u soo Dhaqaajiyeen Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa Horey u soo raacey Ergadii la socotey oo la sheegey in ay markii horaba Dowladda Dirtey ayaa waxaa loo sheegey in Shiikh uu yabay Maxbuus taasoo ay si aad ah uga Caroodeen waxaana bilowdey Gacan ka hadal sababtey in Dhawacyo soo gaaraan ergadii .

Ergadii ayaa markiiba iyaga oo dhaawacyo qaba ayaa waxay ku soo biireen Shir ay lahayd beesha uu ka soo jeedo Shiikh Xasan Daahir kuwaas oo aad uga Xumaadey Hab dhaqanka Xun ee lagula kacay ergadii ay Dowladu Dirstay iyadoo Shirkaas ay ka soo baxeen qododbo ay ka mid ahaayeen in deg deg loo sii daayo Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Ergada ayaa waxaa qaarkood ku yaalo Dhaawacyo aad u daran kuwaas oo qaarkood ay ka muuqanaysa Dhawacyo dhIinaca Wajiga , Lugaha iyo Gacmaha ka dib markii lala Dhacat Budhadh ay wateen Ciidamada Nabadsugida , Waxaana arintaas aad uga caroodey Waxgaradka , Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta beesha uu ka soo jeedo Xasan Daahir iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Banaanbaxyo looga soo horjeedo Xariga Shiikh Xasan Daahir Aweys kaasoo ahaa mid rabshado wata.

Nabdoon Axmed Diiriye oo la hadlayey Saxaafada ayaa sheegey in Dowlada ay Balantii uga baxdey islamrkaana waxaa uu sheegey in Xadgudub weyn u geystey Ergadii soo wadey Xasan Daahir Aweys waxaa uu sii raaciyey” waxaa soo baxay Hadalkii Xasan Daahir Aweys ee ahaa in aysan damaanad qaadi Karin Amaankiisa aysan ka Celin Karin Dowladda Federaalka “

Dowlada Federaalka ayaa waxay Cudurdaar ka bixiey Xadgudubkii iyo Tacadiyadii loo geystey Ergadii soo kaxeysey Xasan Daahir Aweys , waxayna Dowladu Sheegtey in talaabo laga qaadi doono kuwai ka dambeeyey Xadgudbkaas sidoo kale waxay sheegtey in Dowlada u baahan tahay Waqti ay ku baarto Xasan Daahir Aweys .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


 

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;