SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

IMAM SHEIKH MAXAMED KHADAR IYO CULIMADII LAXIRNAYD OO MAXKAMADOODII AY BILAABTAY.

{ Diyaariye Abdullahi Abul-Fadli.} 02/09/13

Sida aad lawada socoteen walaalayaal waxaa in mudo ah ku xirnaa wadanka maraykanka,gobalka calafornia magaalada Sandeigo Culimo uu ka mid yahay,Imaamkii masaajidka Al-ansaar ee magaalada Sandiego Sheikh Maxamed Khadar.Culimadaas horay ayaan idin kugu soo bandhigay,wax yaabihii lagu soo eedeeyay,marar badana waxaa dib loo dhigayay,maxkamad in la soo taago,waxaana sababayay,qolyaha soo ee deeyay oo mar walbaa codsanayay in wax loogu daro waqtiga,taas oo ku tusinaysay inay wax wayn oo ay maxkamada horkeenaan aysan haysan.Si kastaba ha ahaatee labo weak ka hor ayay bilaa batay maxkamadii oo taariikhdu ku beegnayd 01/28/13.Waxayna socotaa ilaa 2weaks.

Waxayna soconaysaa Sida larajaynayo ilaa 2Weak oo kale,waxaa lafilayaa inay soo gabo gaboowdo 21-22-February,13.

QAABKA AY U DHACAYSO MAXKAMADA AMA USOCOTO.

Waxaa shuruucda maraykanka ka mid ah in dacwooyinka noocaan oo kale ah,loo saaro gudi layiraah{Jure},Shaqadoodu waxay dhagaysanayaan waxa lagu soo eedeeyay,dadka ladacwaynayo markay dhamaystaan qolyaha wax soo eedeeyay dacwadooda,ayay hadana waxay dhagaysanayaan Qareenada difaacayo eedaysanayaasha waxay kaga jawaabaan dacwadaas,iyo waxay ku difaacaan.



Kadib ayay gaarayaan go’aan. Go’aanka ay gaaraan ayaana noqonayo go’aanka ugu danbeeyo oo uu Qaadigu xukumaayo.Hadabo Dacwada walaalaha ayaa waxaa loo saaray gudigaas(juryga ah},oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 15 Qof.hada way soo dhamaatay,dhagaysiga dacwad oo gayaashii ilaa 2Weak ayayna wadeen kiis kooda.Hada waxaa socdo dhagaysigii Qareenadii Wadaadada,si fiican ayayna u socotaa.walaalaha goobta jooga waxay noo soo gudbinayaan,ilaa hada in hawsho ay u socoto si fiican.illahay gacantiisa ayayna ku jirtaa go’aanka ugu danbeeyo wuxuu ku dhamaan doono.

HADABO.. Walaalaha Muslimiinta ah meelkastoy joogaan waxaa laga codsanayaa,laguna baraarujinayaa arimahan soo socdo…A-In walaalaha loo soo duceeyo,waliba waqtiyada ijaabada ah,laguna dadaalo in la xasuusiyo muslimiinta ducada walaalaha,gaar ahaan Culimada,iimaamyada iyo raga masaajida joogo,waqtiyada salaadaha ha xusuusiyeen jamiicada ducada walaalaha.

B-Go’aanka waxaa ridi doono,gudigaas aan idiin soo sheegay,in iyaga nafdooda illaahay loo waydiiyo in quluubtooda uu illaahay u jilciyo culimadaas hawshooda loo dhiibay,oo sawaabka illaahay ku ridu quluubtooda,maxaa yeelay gaal iyo muslimba illaah ayaa quluubtooda maamulo.

C-In walaalaha muslimiinta ay ku sabraan wixii ka soo baxo Go’aankaas Maxkamada oo maalmha soo socdo laga war sugaayo. Illahay waxaan waydiisanaynaa inuu walaalaha xoriyadooda u soo celiyo.Amin.

Wixii warbixin dheeraad ah oo soo baxo waan idiin soo gudbinaynaa,insha allaah.

Walaalkiin Abdullahi Abul-Fadli. Minneapolis,MN. Email: kulmiye99@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;