Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Maxkamadii la Horkeeney Wariye
Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan
Qaybaha ka Duwan ee Saxaafadda oo Maanta Filayey in ay Xoriyadooda heleen
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul balse ka Caroodey..
Waxaa Maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir la Horkeeney Wariye
Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib
markii Maxakamadda Darajadda Koowaad ay Labadooda ku Xukuntey Min Hal Sanno oo
Xarig ah hase yeeshee waxaa Racfaan ka qaatey Qareenada u Doodaya Wariyaha iyo
Haweeneyda sheegatey in la Kufsadey , waxaana maanta mar kale la dhegeytey
Marqaatiyaashii ay Labada Dhinac ay keeneen waa Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo
Qareenada.
Maxkamada ayaa waxay Qarneenda ka Codsatey in ay Keenaan Marqaatiyaashii ay
hayeen , waxaana la Keeney Afar nin kuwaas Maxakamada Horteeda ku Marey Kutaabka
Quraanka Kariimka waxayna halkaa ka Cadeeyeen in Luul Cali Cismaan la Kufsadey
oo Qaarkood Sheegey in rag Tuuto Wato Qoryo ku qabteen markii Howsha Kufsiga
socotey , waxay kaloo Qareenada ay halkaa ku soo Bandhigeen Qoraal ka Yimid
Telefishinka Al Jazeera oo sheegayay in Wariye Cabdicasiis Koronto uusan u
shaqeyn , waxay kaloo Qareenada ay sheegeen in Wariye Cabdicasiis Koronto
Wareysigii uu ka qaadey Luul uusan Siideeyn , Hae yeeshee arrinta la yaabka leh
waxay tahay in Marqaatiyaashii uu hore Maxakamada uu u horkeeney Xeer Ilaaiyaha
aan la dhaarin halka kuwa maanta ay keeneen Qareenada u Doodaya labada Dhibane
la dhaariyey.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxakamada ka Codsdeyn in Wariye
Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan in Maxkamada ay marsiiyo Ciqaabta ay
leeyihiin mar haddi ay ku Xadgudbeen Sharafta Ciidamada Booliiska hase yeeshee
Qareen Cabdikariim Gorod ayaa sheegey in Rag ku labisn Dareyska Ciidamada ay
maalin waliba ay dhibaateen dad aan waxba galabsan. Qaarkood la soo qabtey iyaga
oo falkaa ku guda jira marka Luul Cali Cismaan waxaa uuu sheegey Qareenka in
aysan meel uga dhicin Ciidamada Booliiska ee ay sheegtey in ay Kufsadeen rag ku
labisan Dareyska Ciidamada tasoo Muujineysa in aysan Tilmaamin Ciidan Booliis.

Gudoomiyha Maxkamada Racfaanka Xasan Maxamed Cali ayaa markii uu dhageytey
Labada Dhinac waa Qareenada u doodaya Dhibanayaasha iyo Xeer Ilaaliyaha Guud
Qaranka waxaa uu in sheegey in maanta aysan go’aan ka gaari Karin isagoo dacwada
ku Tilmaamey mid Culus waxana uu ku dhawaaqeyn in Maalinta Axadda ah ee ay Bisha
tahay 3-da Maarso mar kale la isugu yimaado Maxkamadda taasoo ay si weyn ugu
Caroodeen Bahda Saxaafadda, iyo hayadha Xaquuqda Aadanaha hase yeeshee Dib u
dhigistaasi waxaa ay Ilmo ka keentey Wariye Cabdicasiis Koronto oo si weyn u
Saluugey Qareenada u doodaya , balse Qareenada Wariye Cabdicasiis ugu laab
qaboojiyey in uu Dulqaad yeesho.
Markii banaanka la yimid ayaa waxaa Shir jaraaid qabtey Dhowr Qofood waxaa ka
mid danjire Maxamed Xuseen Owliyo oo sheegey in aad ugu faraxsan yahay in 22
Sanno ka dib ay Maxakamadaha dadka Shacabka ah ay ka doodi karaan iyagoo
qabsanya Qareeno , wuxuuna ku Tilmaamey Guul la gaarey, wuxuu ka Codsadey
Dowladda Federaalka in ay il Naxariis ah ku eegto Dacwadaasi ,waxaa kaloo
shirkaas Jaraaid ka Hadley Daa’uud Cabdi Daa’uud oo Xubin ka ah ururka
Suxufiyiinta ee Deegaanka oo sheegey in Saxaafada ay Cadaalodaro weyn ka
tirsanayaan Garsoorka, sidoo kale waxaa shirkaas jaraaid qayb ka ahaa Xoghayaha
Maaliyada ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Cabdirashid Deyl oo yiri “waxaan maanta
fileyney in Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan ay heli doonaan
Xoriyadooda , balse Dib u dhigista Xukunkooda waxaan ku tilmaami karnaa mid
Siyaasad Huwan.”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2013
|