Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
iskaashiga Caalamiga oo Tababar u u Furey 25 Diblomaasi.

War-saxaafadeed ( FOR IMMEDIATE RELEASE)
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFSoomaaliya ayaa u qornaa sidan:
Machadka diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
iskaashiga caalamiga oo kaashanaya macallimiin Soomaali oo mutadawiciin ah iyo
diblomaasiyiin Wasaaradda ka tirsan ayaa maanta u furay 25 diblomaasi oo ka
howlgala xarunta Wasaaradda tababar la xiriira Horumarinta xirfadaha hogaanka
iyo xiriirka caalamiga ah .
Tababarka oo socon doona muddo 4 cisho ah ayaa waxaa casharada bixinaya
Ambasaddor Yuusuf Xasan ibraahim “ Yuusuf dheeg” oo hadda ah Safiirka Soomaaliya
ee China iyo Madaxa guddiga dib u habeynta Wasaaradda , waxaa kaloo kala qeyb
qaadanaya Macallin Nuur Faarax iyo Nasra Ahmed Wehelie oo ah Madaxa ururka
Dedicated consultants oo xaruntiisu tahay Mareykanka .
Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Yuusuf Calasow
Maxamuud ayaa waxa uu ka sheegay furitaanka tababarkan , in machadka uu kordhin
doono dadaalada wax ku oolka ah ee lagu kobcinayo tayada iyo aqoonta
diblomaasiyiinta Wasaaradda ee ka howlgala gudaha iyo dibadda , isagoo
balan-qaaday sii socoshada tababarada iyo koorsooyinka waxbarasho si loo
horumariyo , loona xoojiyo awooda xirfadeed ee shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda
,si loogu talaabsado horukac iyo guul.
-Dhammaad-
info@mofa.gov.so

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2013
|