Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta oo soo Xushey Shan Xubnood oo ka Doodaya
Xeerka Saxaafadda.
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul oo Arbacada mar kale Dacwdooda ka Bilaaban
doonto Maxakamada Racfaanka
 Waxaa maanta Xarunta Soscensa ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan ay isugu
yimaadeen Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta waxaana Kulankaasi Shir Gudoominayey
Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Suleymaan Shiikh
Ismaaciil ( Barasatamol) waxaana Kulankaan looga arrinsanyey sidii Qaybaha kala
duwan ee Warbaahinta ay u soo Xulan lahaayeen Shan Xubnood oo ka soo Baaraandega
Xeerka Saxaafadda ee Dhawaan Dowlada u qaybisey Qaybaha Warbaahinta,waxaana
Shanta Xubnood loo kala qaatey Idaacadaha Hal Xubin, Wargeysyada Hal Xubin, Web
–Site Hal Xubin, Talefishin Hal Xubin iyo Nusoj Xubin. Dood ku saabsan qaabka ay Warbaahinta qaybahooda kala Duwan u soo Magacaaban
lahaayeen Shantaas Xubnood ayaa Aakhiritaankii waxaa Qolo Waliba ay soo
Gudbiyeen Xubintii ay lahaayeen waxaana Idaacadaha ay soo Xusheen Aweys Xaaji
Nuur oo ka socda Idaacada Mustaqabal , Wargeysyada waxay u soo Xusheen Maxamed
Axmed Siyaad ( Black) Dhinaca Web-Site-yada waxay soo Xusheen Amiin Yuusuf
Khasaaro, Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Nusoj waxay soo Xusheen Cabdiraxmaan
Xasan Cumar Hase yeeshee waxaa weli Liiskooda soo Gudbin Qaybta Talefishinada oo
la filyo in ay soo Gudbiyaan Maalinta Arbacada haddii Eebbe Idmo. Shanta Xubnood ee laga soo Xuley Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa waxaa ku
Biiraya Laba Qareen kuwasoo Xubnahaani la eegi doono Qodobada ku jira Xeerka
Saxaafada maadaama waxa laga hadlayo ay yihiin Sharci ama Xeer, dhamaan
Xubnahaani isugu jira Qaybaha Warbaahinta iyo Qareenada ayaa la filayaan in
Xitaa ay gaarsiiyaan Qaybaha kale ee Warbaahinta ee ka dhisan Gobolada Dalka si
ay Xeerkaan iyana wax ugu daraan , waxna uga dhimaan.
  Gabagabadii Kulankaasi waxaa soo Xirey Madaxa Howl Fulinta ee Hayada Soscensa
Xasan Axmed Sadiio oo iyadu dhigtey Gogosha ay isugu yimaadeen Qaybaha kala
duwan ee Saxaafadda waxaana uu sheegey in Hayadooda ay Saxaafada kala Shaqeyn
doonaan sidii uu u taaba geli lahaa Xeer ay ku wada Qanacsan yihiin dhamaan
Qaybaha kala Duwan ee Saxaafada ee Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa , wuxuu kula
Dardaarmey Guddiga la magaacbey in ay si Taxader leh isaga eegaan Xeeraka
Saxaafada oo weliba qododbada qaar Noqon kara La Jiifiyaana Banaan , La
Joojiyaana Banaan. Dhinaca kale waxaa Beri oo Arbaco ah Hadii Eebbe Idmo Maxakamada Racfaanka ee
Gobolka banaadir ay ka Bilaaban doonto Dhageysiga Maxkamada ee Wariye
Cabdicasiis Koronta iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib markii dhawaan Maxkamada
Gobolka Banaadir ay ku Xukuntey Min Hal Sanno oo Xarig ah hase yeeshee waxaa
Racfaan ka qaatey Xukunkaas Qareenada u doodaya Labadaas Xubnood , waxaana 20
kii Bishaan dacwaasi dhageystey Gudoomiyha Maxkamada Racfaan oo isaga ka
aruuriyey wixii Marqaatiyaal ah ee ay soo Bandhigeen Qareennada iyo Xeer
Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2013
|