Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Feb. 26, 2013-----Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay
xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed (Commanda Bolisiya) saraakiisha ciidanka
Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulankan waxaa ku wehliyay
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.
Dhanka taliska Booliska waxaa goob joog ahaa taliyeyaasha guud,
Abaanduulayaasha, taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa saldhigyada degmooyinka.
“Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa dib u soo celinta amniga caasimadda oo maanta
aan oran karo waa markay ugu amniga wanaagsaneyd magaaladan Xamar tan iyo
burburkii dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asaga oo xusay inuu ka war hayo
duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan ciidanka Boolisku.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale faray saraakiisha in xal loo helo fal
dambiyeedka ay ka midka yihiin dhaca, dilka iyo kufsiga, isaga oo arrintaasi ka
hadlayana waxa uu yiri.

“Gabar Soomaaliyeedbaa la kufsaday ninkii kufsadayna lama hayo, waa wax laga
fiican yahay, qofbaa la dilay gacan ku dhiiglihiina lama hayo micnaheedu waa
sharci ma jiro. Waxaan idin farayaa in dambiilayaasha la qabto mudnaantoodana la
ma mariyo.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in kor loo sii qaado sugida
amniga dalka, shacabka Soomaaliyeedna ay helaan ammaan buuxa si noloshu caadi
ugu soo noqoto. “Waa in qofku amni ku helo gurigiisa iyo beertiisa kalsoonina ku
noolaado.”. wuxuuna intaasi sii raaciyay “Si aad taasi u suurtagelisaan dowladdu
wey idinla garab taagan tahay wixii taageero ah”.
Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa salaan ka qaatay kooxda Banbeyda, isaga oo
kormeeray qeybaha kala duwan ee taliska.
---Dhamaad---
Garad Salad Hersi
Press officer
Mogadishu, Somalia
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay Safiiro cusub oo shan ah
(Talaado Febraayo,26, 2013Muqdisho, Soomaaliya) Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku
qaabilay safiiro cusub oo ay soo magacaabeen 5dal oo ka tirsan Midowga Yurub
Waxaa kulankan ka qeyb-galay Raisul Wasaare Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Arimaha
Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Hagi Adam Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arimaha
Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Kamal
Dahir Xassan (Gutaale).

Safiiradda cusub ayaa waxay kala yihiin Ambassador Margit Hellwig-Bötte oo ka
socota dalka Jarmalka, H.E. Etienne De Poncins,Fransiiska, Ambassador Javier
Herrera García-Canturri Spain,Ambassador.Bart Ouvry Beljinka, Ambdbassador
Sofie From-Emmesberger oo ka socoatay Finland.
Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri ”Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo
dhaweyno xiriika diblomaasiyeed ee nagala dhaxeeyo shan dal oo
cusub.Soomaaliyana si tartiib ah ayey waxey dib ugu soo dhex muuqatay beesha
caalamka. Waxaana sabab u ah taageradda ay la garabtaagan yihiin dalal ay ka mid
yihiin Fransiiska, Jarmalka,Spain,Beljinka, iyo Findland oo qeyb ka qaadanayo
horumarka iyo xalinta dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxeey diyaar u tahay marwalbo in ay idin soo
dhaweeyso.Waxaa naga go’an inaan xoojino xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliyo iyo
dalalkiina.’“
Ilaa iyo markii uu Madaxweyna Xassan la wareegay Madaxtooyadda ayaa waxaa soo
kordhayo dalalka dib u soo celinayo xiriirkii kala dhaxeeyo Soomaaliya .Kadib,
markii u Madaxweynaha booqday xarunta Midowga Yurub ee Brussels dhamaadkii bisha
Janaayo si u gudbiyo fikirkiisa siyasadeed ee ku saleysan Lixda Tiir Siyaasadeed
oo hormuud ay ka yihiin, waxka qabadka amniga,cadaaladda,maareynta
dhaqaalaha,horumarka iyo ,dib-u heshiisiinta .
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta, Villa
Soomaaliya, media@presidency.gov.so
--
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2013
|