Isu soo bixii ugu waynaa oo ka dhaca Garoowe abid,
Looguna magac daray Maalintii Carada
Bannaan bax lagu muujinayey sida shacabka Soomaaliyeed uga caraysan yihiin
dilkii loo geystey Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka dhacay Garoowe Waxaa furay daadihinayeyna shirka Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ku bilaabay
hadalkiisa Mahadnaq uu usoo jeediyey Allaah kadibna geesiyaasha reer Garoowe ee
ku guuleystay in iyagoo faramaran ay soo qabtaan dhagarqabihii dilay sheekha ee
hubeysnaa. Sh. Wuxuu xusay in isu soo baxaan taariikhiga ah magaciisu yahay
‘Maalinkii Carada” kaasoo ka dhashay dilkii waxashnimmada ahaa ee Al-Shabab u
gaysteen Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax., wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu baal
cusub oo taariikheed furmay maanta. Bannaan bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee
bulshada , sida; Culimmada, Maamulka Isimmada, aqoonyahanka, Ardayda, Ganacsata
iyo qaybaha kale ee bulshadda ayaa maanta ka dhacay barxada wayn ee Caasimda
Puntland, Garoowe. Baanan baxan ayaa lagu muujinayey sida looga caraysan yahay Shabaab dilkii ay u
gaysteen Caalimkii Dacwada Soomaaliya aabayaasheeda ka mid ahaa, Sh.
Cabdulqaadir Nuur Faarax, illaahay ha u naxariistee Jimcihii lasoo dhaafay, 02
/15/2013 Waxaa kasoo qayb galay in ka badan 20.000 kun, iyo dadbadan oo u suuribi day
inay soo gaar oo kala socday warbaahinta iyo guryahooda. Waxaa la xiray dhammaan
magaalada, qofkastana wuxuu xil iska saaray siduu qayb uga qaadan lahaa
banaanbaxaan lagu muujinayo, sida looga caraysan yahay Shabaan iyo
Shirqoolkooda. Waxaa shirka ka hadlay oo furay culimmo owdiin, Isimo iyo Madaxwaynaha Puntland.
Sh. Mohamud Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culimmada waa wayn ee Garoowe, islmarkaana
ah Madaxa Jaamacadda Bariga Afrika, faraca Garoowe, ayaa shacabka ku wacdiyey
inaysan shabaab diin illaahay ku socon ee ay yihiin cadowga diinta, taasoo
Sheikhu sheegay in qof illaahay iyo diintiisa wuxuun rajo ah ka leh uusan
Muslimiinta masaajidka ku ugaarsan, culimmadana uusan dilin iyagoo rukuucsan.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Madaxa fulinta ee Jamaacada Al-ictisaam kana mid ah
Culimmada Soomaaliyeed Sh. Axmed Cabdisamad, hadalkiisana wuxuu ku bilaabay
Su’aal uu dadwaynaha waydiiyey oo ah inay diyaar u yihiin inay dagaalka
Alshabaab kawada qaybqaataan, dadwaynihii mudaaharaadka ka soo qaybgalay ayaa
cod dheer ku jawaabay HAA. Sh. Axmed ayaa xusay in midnimmada ay reer Garoowe u midoobeen la dagaalanka
kooxda Alshabaab ay hordhac u tahay in Soomaali oo dhan ku midowdo ladagaalanka
Shabaab. Wuxuuna ku baaqay in Soomaali Islaamnimada ay wada qabsadaan, kuna
walaaloobaan, ayna mowqif midaysan ka yeeshaan khawaarijta, si wadajir ahna ula
dagaalamaan.
Wuxuu kaloo sheegay in shabaab ay jabeen ee meel looga soo wada jeesto sidii
dabada la isaga raacin lahaa. Sheikh Axmed ayaa reer Garoowe ugu baaqay inay qabtaan shir waxgarad koodu isugu
imaanayo oo arintan looga tashanayo, ka dibna shirwayne Soomaaliyeed oo si guud
looga arinsanayo hagardaammada Shabaab loo gubo. Waxaa goobta isna ka hadlay Suldaan Garaase oo ka mid ah issimmada ugu caansan
Puntland, wuxuuna yiri hadaan nahay reer Puntland gaar ahaan reer Garoowe sida
aad ogtihiin dilkii Sh. Cabdulqaadir indhaha ayaa la inga riday, waxaa qofkasta
oo reer Garoowe ah ama reer Puntland waajib inagu ah inaan Sh. Cabdulqaadir u
aaro.
Waxaa shirka soo gabagabeeyey Madaxwaynaha Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed
Maxamud (Faroowe) isagoo u mahadceliyey sida isku duubnida leh ee Culimmada iyo
shacabku uga qayb qaateen ladagaalanka. Sidii geesiyaashii hareeraha ka raacay
oo baacsday gacan ku dhiiglayaashii oo aan ahayn mid iyo labo.q kuna booriyey
inay siiwadaan dadaalkooda. Sidoo kale faroole ayaa ka warbixiyey in dad badan laqabqabtay oo ay ku jiraan
kooxdii Sh. Cabdulqaadir dishay iyo dad kale oo konton gaaraya oo lagu
tuhunsanyahay inay shirqoolada dadka lagu laayo qayb ka yihiin, kuwaasoo rag iyo
dumarba isugu jira. Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay in dadwaynuhu la shaqeeyaan hay’adaha amniga, soona
sheegaan cidkasta oo ay tuhmaan, inaan guri laga kirayn, inaan gaari lagu qaadin
cid aan lagaranayn ama aan damiin keensan, iyo inaan laga daba imaan kuwa la
qabto. Iyo inaan dagaalka ka bilaabayno kuwa guryahagaya ku jira. Wuxuu kaloo ku
baaqay in cidii gacan ka gaysata soo qabqabashada abaal marin lasiin doono.
Kadibna waxaa bilowday socod lug ah oo dadwanuhu magaalada ku marayaan iyagoo
wata boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Shabaab kuna dhawaaqayo
ereyo ay kaga soo horjeedaan kooxda caadeysatay dhibaateynta ummadda ee
Alshabaab.
Somalitalk Garoowe
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2013
|