Mareykanka Ma Ukun Baa, Turkigana Ma Xadiid baa!!
"Maxaa loo yiri Ku meel Gaar Waan ka Baxney"
"War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii baan ka baxney,Beerka Caaro Idiin Goysey
"Qayladaan waxay ka soo yeertey Nin Odey ah oo aan si wanaagsan isku naqaan
da'diisana aan ku qiyaasey 70 Sanno" markaas baan ku irir" Adeer maanta war waa
weyn baa kaa baxaya ee Sidee wax u jiraan " Inta ii soo dhawaadey oo uu soo
jiitey Kursi ayuu yiri" Adeer aad baan kuugu baahnaa” markaas baan iri" Soo
dhawow "waxaan u raaciyey ' Adeer Koob Kafee ah ku Dhufo” si Kal iyo Laab ah
ayuu iiga Gudoomey,,waxaana Weydiiyey “Adeer maxaa ka wadaa oo aad u tiri" War
maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii waan ka baxney "inta si hoose iigu soo dhawaaadey
ayuu yiri "Hadde Maalmahaan waad maqleysey" In Madaxdii sare ee Dowlada in
Saraakiil Darajadooda hooseysa in ay Garoonka Diyaaradaha ay ku qaabilayeen "
markaas baan iri " Adeer maxaa ka Macno ah haddii Garoonka Diyaaradaha wax ku
qaabilaan” Odeygii inta Xanaaqey buu yiri.

"Horta Garoonka Diyaaradaha Ma Madaxtooyaa mise waa Garoon Diyaaradeed "
markaas baan uga Jawaabey " Haa Waa Garoon Diyaaradeed ' Markaasuu yri "In
Madaxdii Sare ee Dowlada iyagoo dudaya oo is Garabinaya ay Saraakiil hooseysa ay
halkaa ku qaabilaan ma Dow baa "Markaas baan iir haddii Dantooda ku jirto waa
tagayaan" Aad buu ii kuurey oo i yri" markii uu imaanayey Raiisul Wasaaraha
Turkiga ee uu tagayey Madaxtooyada iyadoo Xaalada intaan ka xun tahay , waxay
ahayd Fariin ku soctey Madaxdeenna Ujeedkuna waxaa uu ahaa in uu iyaga
dhiirageliyo si aysan hoos isugu dhigin oo ay noqdaan kuwa loo baahan yahay
marka Casharkaas meel bay iska dhigeen in maanta farta loogu yeero waa mid aanan
marnaba ka sugeyn Madaxdeena"waxa uu i weydiiyey Su’aal ahayd ' Maxaa loo
sameeyey Madaxtooyada oo ah Astaanka Qaran uu leeyahay"waxaan ku iri " Adeer waa
runtaa Madaxtopoyada Waa Astaanka Qaranka waxaana loo Unkey in lagu qaabilo
Madaxda Imaaneysa islamarkaana laga Maamulo Wadanka oo dhan" waxaa uu yri '
Sidaa baa u garaneysaa '
Ninkii
odeyga ahaa waxaa uu ii galey Qiso dheer waxaa u yiri "Mareykanka weligii Caddow
buu nagu ahaa waagii aan qaadaney Xoriyada oo Qaranka oo Markaas Afar jirsadey
ayaa waxaa Dalka uu dagaal la galey Dowladii Itoobiya waa 1964 tii Waagaas
Ciidankeena si wanaagsan uma dhisneyn Hubka aad buu ugu yaraa,Janeraal Dauud
ayaa waxaauu la kulmey Wafdi ka socdey Dowlada Mareykanka oo Saraakiil u badnaa
waxaa ay Dowladii Xiligaas jirtey ay weydiisatey in ay siiso Hub ay isaga
dhiciyaan Itoobiya waxaa uu Wafdigii Mareykanka uu si Cad ugu sheegey Dowladaas
in aysan Hub sii karin balse ay dhinaca Dibolomaasiyada uu ka Taageerayo,aad bay
arrinkaas uga Caroodeen waxay Dowladii Bilowdey in ay la xirato Dowladii Ruushka
oo Albaabada u furtey gaar ahaan Dhinaca Hubka , waxaana Ruushka Dowlada ku
wargeliyey in ay Xitaa Ciidamo u Tababarayaan , waxaa Dalka ku soo ququley Hub
noocyo kala Duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Dagaal , markaan Xasuusteyda aan Dib
u raaco waxaa uu Mareykanka uu doonayey in Itoobiya ay qabsato Soomaaliya
maadaama uu u diidey in ay siiyaan Hub.
Waan gartey Ujeedada Nuxurka Warkaada maxaa ku dareysaa ayaan daba dhigey ninkii
Odeyga ahaa "Markii ay Dowladii ay Burburtey 1991 dii ayuu Mareykanka soo rogaal
celiyey isagoo ku Marmarsiiyoonaya in uu Gacan siinayo Dadkii Abaaraha hase
yeeshee qorshahaasi waa uu buburey Mareykankii Har Cad buu ka cararey Wadankii ,
weli ma harin hadana waxaa uu isku dayey in uu Hubeeyo Dhaqaale ku bixiyo
Qabqablayaashii Dagaalka iyagana waa la ogaa halkii ay ku dambeeyeen, waxaa
Xigey in uu Dabada ka soo riixo Dowladii Itoobiya oo iyana aan lagu soo dhaweyn
Ubaxyo , waxay sheekadu socoto waxaa Dhawaan maqley in Mareykanka uu aqoonsadey
Dowladii Xasan Shiikh , ma Xuma Xiriirkaas waxaan Aaaminsanahay in Mareykanaka
ay weli Lug u laaban tahay waayo hadii uu Dowlada Aqoosadey Maxaa ay
Dubolomaasiyiintiisa ay u tagi la' yihiin Xarunta Madaxtooyada , waxaan soo
Xasuustey Waagi la dooranayey Shiikh Shariif ayaa waxaa la taliye uu ka dhigtey
Haweeney Mareykan ah taasoo Muran ka dhex dhalisey siyaasiyiintii la socotey
Shiikh Shariif oo qaarkood ku adkeystey in La Talintaan ay Xiligaan u Baahan
yihiin yagoo iska dhaadhiciyey Murtidii ahayd “Dantaada Maslo Eey Baa loogu
Seexdaa” marka waxaan u maleynayaa in Tagista Madaxda Sare ee Dowlada ee
Garoonka Diyaaradaha ay tahay Midaan oo kale hase yeeshee Taa Ma Xuma laakiin
waxaa ka weyn Sharafta Qaranka Soomaaliyeed,Marka Madaxdeena weli iyaga ayaa
Dhulka isku Jiidayo , Xamiid Karsaayey weligii Garoon Diyaaradeed kuma Qaabilin
wafdi ka socda Caalamka waxaa loogu tagaa Xarunta Madaxtooyada , mararka
qaarkood waa uu ka gilgishaa Waxyaabaha ay kula kacaan Mareykanka iyo kuwa la
socda" inkastoo dadka qaar ay leeyihiin waxba kuma Jabna in ay Madaxda Dowlada
tagaan Garoonka Diyaaradaha oo ay halkaa ku qaabilaan wafdi ka socda Calaamka ,
balse inta badan Bulshada si aad ah ayey uga soo horjeedaan waayo Madax waaweyn
ayaa Soomaaliya yimid Xilli Xaaladu intaan ka Culus tahay..
"Waa yaab Dooraad waxaa yimid Senator Mareykan ah oo la mid Xildhibaan
Soomaaliyeed waxaa Garoonka uga tagey Madaxweynihii Soomaaliya halka uu ugu diri
lahaa Xildhibaan,waxaa Xigey in Garoonka uu ka soo dego Agaasimaha Hayadda USAID
oo la mid marka la fiiriyo waa Darajadiisee Agaasimaha Hayadda SOMAID,markii
Madaxweynaha uu qaabiley hadana waxaa Weydaartey Raiisul Wasaarihii Soomaaliya
Marka waxaa Cad in Dowlada ay kala socoto Wax Madaxweynaha uu kala hadley oo ka
duwan miyuu kala hadlayaa Raiisul Wasaaraha ma garan karo? waa arrin u baahan in
si qoto dheer looga hadlo , Hadii Saraakiil sidaa uu Heerkooda u Hooseeyo ay
Madaxdeena ku qaabilayaan Garoonka Diyaaradaha waxay arrintu tahay in Dalka
uusan nabad ahayn oo aan la isku soo haleyn karin wax ka baxsan Garoonka
Diyaaradaha , sidoo kale waxay Ihaano ku tahay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada
oo noqoneysa in iyana la isku haleyn karin Amaankooda, Soomaalida waxay
Tiraahdaa “ Mayd maxaa u Dambeeyey Kaa la sii sido” Maanta waxaa Magaalada
Muqdisho dhex Mushaaxaya waa Raiisul Wasaare Ku xigeenkii Turkiga oo Madaxdii
Dalka ugu Tagey Madaxtooyada waa Su’aalee Saraakiisha Mareykanka Ma Ukun
Garoonka lagu Ilaaliyaa oo jabeysa Haddii Madaxtooyada yimaadaan, Madaxda
Turkigana Ma Xadiid aan Jabeyn baa oo Wadooyinka mari kara,Madaxtooyada tegi
kara !! isku soo duuduuboo waxay arrintu taagan tahay oo Madaxda Dowladda aan
leeyahaya Haddii Dubolmaasi ama Sarkaal Sidaa u Hooseysa ku qaabilaan Garoonka
Diyaaradaha ,OBAMA-na Sow ma aha in ay ugu tagaan Markab taagan Xeebaha Badwenta
Hindiya Marka Soomaalida waxay Tiraahdaa "Waa baahanahay Bakhtiga Looma Cunno"

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2013
|