Kulan looga Arrrinsanayey in Maamul Loo sameeyo Gobolka Shabeladda Dhexe oo
ka Dhacay Magaalada Muqdisho
G/Sare Maxamed Axmed Di Gaab “ Gobolka Shabellada Dhexe waa Gobol isku
filan ee wuxuu u Baahan yahay in Dowlada u Dhisto Maamul ay Dadka Soo Doortaan”
Iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegety in ay Maamulo dadka ay soo Doorteen ay ka
dhisayaan Gobolada dalka Ayaa Hotelka Raaso ee Magaalada Muqdisho ka dhacay
kulan ay ka qayb galeen Qaybaha kala Duwan ee Bulshada ka soo jeeda Gobolaka
Shabelada Dhexe oo isugu jiro Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano , Waxgarad,
Culima’udiin, Nabadoono , Haween iyo Dhalinyaro waxaana Kulankaasi uu ahaa mid
uu soo abaabuley Cabdulaahi Maxamed Caddow iyo Xubno kale kuwaas oo dadka
Xasuusinayey Hal ku dhegyadii lagu yaqiiney Shabeelada Dhexe ee Jowhar .
Ugu horeyn waxaa kulankaasi ka hadleyn Xildhibaan Ibraahim Saalax Sayfulaahi oo
sheegey in ay soo dhaweynayeen in Gobolka uu yeesho Maamul ay soo doortaan dadka
ka soo jeeda Gobolka Shabeelada Dhexe, Maadaama uu Gobolka uu ahaa Gobolka u
Taagan midnimada umadda Soomaaliyeed islamarlkaan Gobolka uu ahaa Gobolka ka
fayow arrimaha Qabiilka.
Waxaa kaloo Kulankaas ka Hadley Maryan Dakhal Xuseen oo u soo jeedisey dadka ka
soo jeeda Gobolkaasi in ay soo nooleeyaan Is jaceylkii lagu yaqiiney iyo weliba
Wax so osaarkii uu Gobolka kaga hormarey Gobolada kale , waxay sii raacisey
“Gobolka maanta waa Agoon waxaa loo baahan yahay in Agoonimada laga saaro,
waxaana taasi keeni karo iyadoo Dadka ka soo jeeda Gobolkaasi uu isku tashado”
Xubnhii kale ee ka Hadley kulankaasi waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Axmed oo
sheegey in Gobolka uu u baahan yahay Dib u heshiis si loo soo celiyo Sharaftii
iyo Karaamadii lagu yiqiiney , waxaa uu u soo jeedyey dadka ka soo jeeda Gobolka
in ay isku tashadaan oo ay doortaan qof ay is leeyihiin waxaa uu hormarin karaa
Gobolka oo dhan
Ugu Dambeyntii waxaa Halkaa ka Hadley Gaashaanle Sare Maxamed Axmed Di Gaab
Shirka laga sheegey in Dadka Deegaan ay u soo Xusheen in uu Hogaamiyo Gobolka
Shabeelada Dhexe ayaa waxaa uu kulankaasi ka sheegey in haddi loo doorto
Xilkaasi uu dib u soo celin doono wax wada qaybsigii ka dhaxeeyey dadka ka soo
jeeda Gobolkaas sidoo kale waxa uu sheegey in Gobolka uu yahay Gobol Hodan oo
Ilaah isugu darey Bad , Beero , Xoolo iyo Wabi marka waxa uu sheegey in uu dib u
soo celi doon Wax soosaarkii lagu yiqiin Gobolka
‘Gobolka Shabeelada Dhexe waa Gobol Hodan ah marka wax Dhaqaale ah ugama
baahna Dawladda Dhexe , ee Keliya waxaa uu u baahan yahay in Dowlada ay gacan ay
ka siiyaan sidii Gobolka uu u heli lahaa in ay dadka Soo doortaan qofka ay
doonayaan”ayuu yiri Gaashaanle Di Gaab oo u soo jeediyey dadka ku nool Gobolka
in ay Gacmaha is qabsadaan oo ay soo celiyaan Waalalnimadii lagu yaqiiney
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2013
|