SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub

Muqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda Safaarada Faransiiska ee Kenya. .

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya. ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Ra’iisul Wasaare Saacid.

“Waxaa aad ugu farax sanahay inay maanta nagu soo booqdaan guryaheena wafti ka socda midowga Yurub, mana ahan markii ugu horaysay oo ay dalka yimaadaan, waxayna na tuseen sida ay ugu heelan yihiin sidii Soomaaliya wax loola qaban lahaa loona xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yuruba, waxay sidoo kale noo muujiyeen inay aad ula dhacsan yihiin siyaasada dowlada oo ah in laga dhabeeyo isbadalka ay dowladu balan qaaday kaas oo ku salaysan wada tashi.” Ayuu yiri Ra’isal Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in kulankaan calaamad u yahay sida caalamka uga go’antahay is garab taaga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wakiilka midoga Yurub oo isna saxaafadda la hadalay ayaa ka war bixiyey kulankii ay la qaateen Ra’iisal Wasaaraha.

“.Waxaan isla soo qaadnay sidii midowga yurub iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa Amniga,hormarinta siyaasada dowladda, iyo Dhagaalaha “ ayuu yiri Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya isagoo dhanka kale sheegay in Midowga yurub ay diyaar la yihiin inay mudnaanta koobaad siiyaan waxyaalaha dowladu u baahan tahay in laga taageero..

Ugu dambeyntii Safiirka Boqrtooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mark Boucher ayaa u mahadceliyey dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Isagoona sheegay in ay ka wada hadleen dowladda Soomaaliya sidii looga taageeri lahaa Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka dhaqaalaha. Wuxuuna wada hadalka ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid ku dhamaaday is afgarad. Isagoona sheegay in ay maanta muuqato fursad Soomaaliya wax loogu qaban karo.

--
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;