Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya oo Kormeer shaqo
ku tagay Gobolka Sh/Hoose, Una Kuurgalay Xaaladda…
Wafdi uu Hogaaminayey Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo
Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji Goob-Doon ayaa Kormeer iyo howlo shaqo ku tagay
Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda
Nololeed ee dadka Gobolka Sh/hoose iyo qaabka ay u howlgalaan Hay’adaha Swess-ka
ee ka shaqeeya Magaalada Marka oo howlo Banni’aadannimo u haya dadka Degmadaasi.
Wareysi kooban oo uu siiyey Saxaafadda Mustaf Bashiir Xaaji Goob-doon ayaa waxa
uu uga warbixiyey waxyaabihii uu ku soo arkay Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan
Magaalada Marka, wuxuuna sheegay in nolol ifafaalo ka muuqata laga dareemayo
Magaalada Marka, wuxuuna intaasi ku daray in hay’adahooda ay muddo dhowr iyo
Toban Sano ah ka wadaan Magaalada Marka aAeegyo isugu jira Caafimaad,
Waxbarasho, Nadaafadda Magaalada iyo Taakuleynta dadka Beeraleyda ah ee ku nool
Gobolka Sh/Hoose.
“Hay’adaha Switzerland -ka waa kuwa keliya ka shaqeynayey Gobolka Sh/Hoose tan
iyo wixii ka dambeeyay Buburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, Al-Shabaab oo
Muddo Sanooyin ah Xukumayey Magaalada Marka iyo deegaano kale oo ka tirsan
Gobolka wax saameyn ah howsheena kuma yeelan oo si joogto ah ayaan dadka u
taakuleyn jirnay, Sh/Hoose oo keliya ma aha meelaha aan ka howlgalno Magaalada
Muqdisho iyana haatan ayaan waxaan ka wadnaa Adeegyo aan ugu talo galnay in
dadka lagu Baro Farsamada Gacanta, waxaana xiriiro la sameynay oo aan
Dhiiragelinaynaa Hay’adaha iyo Goobaha hadda ku howlan arrinkaasi” ayuu yiri
xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji
Goob-doon.

Ugu dambeyntii Bashiir waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho dhawaan ku soo
gabagabeeyeen siminaar ama Work Shop looga hadlayey arrimaha Federaalka, kaas oo
uu sheegay inay ka faa’ideysteen dadweynihii ka qeyb galay, wuxuuna intaasi ku
daray in howlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayaan aysan hakin-doonin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2013
|