SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

SYAO oo Magaalada Beled Weyne ku soo GabagabeyseyTartan Ciyaareed ay ugu Magacdartey Isdhexgelka Bulshada

Tartan isboorti oo ay ka qeyb galayeen 8 kooxood Mudo Todobaad ahna ka soconayay Garoonka Kubada Cagta lama Galaay ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lasoo gaba gabeeyay Munaasabad lagu abaal marinayay kooxihii kaalmaha galay oo lagu qabtay Garoonka Lama Galaay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Dowlada, iyo Kuwa Amisom ee ka socda Dowlada Jabuuti, Haweenka Gobolka, Dhalinyarada, Odayaasha iyo dhamaan qeybaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

Tartankaan oo ay soo qabqaabisey Ururka Difaacayayasha Xaquuqda Dhalinyarada ee SYAO ayaa waxaa Ciyaarta Kama dambeysta ah oo ay isugu soo bexeen laba kooxood ee ka kala socday Xaafadaha Magaalada Beledweyne oo kala ahaa Kooshin A iyo Xaawo Taako B, ayaa waxaa dhex martay ciyaar tii ugu kululeyd intii uu tartanka socday, iyadoo ugu dambeyntii la isla gaaray Gool ku laadyo taasi oo ay guusha ku raacday kooxda Xaawa taako.

Taageerayaasha ciyaarta ayaa waxa ay soo buux dhaafiyeen Garoonka ay ciyaarta ka soconeysay iyagoo muujinayay Xamaasad iyo sida loogu baahan yahay isdhex galka Bulshada oo nuucaan ah.Khudbado gabagaba ah oo u badnaa amaan iyo dardaaran ayaa goobta waxaa ka jeediyay Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay tartanka lana socday mudadii Todobaadka ahaa ee uu tartanka isdhexgalka bulshada ka soconayay Garoonka kubada Cagta lama Galaay ee Magaalada Beledweyne.

Agaasime ku xigeenka SYAO ee Gobolada Dhexe C/casiis Wehliye Coofle oo furay hadalka ayaa uga mahadceliyay kooxihii ka qeyb galay iyo taageerayaasha waxa uuna u balan qaaday in SYAO ay Gobolka ka qaban doonto barnamijyo wacyigalineed oo is dhex galka Bulshada loogu tala galay.Ibraahin Macalin C/llahi Madaxa Barnamijyada SYAO oo isna kalmado dhiiri galan u badnaa ka jeediyay goobta ayaa waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay Ciidamada Jabuuti ee Amisom qeybta ka ah qaabka ay amaanka gobolka hiiraan gaar ahaan Nagaalada Beledweyne u xaqiijiyeen, iyo Sida Walaaltinimada leh oo ay SYAO uga caawiyeen suurta galinta Barnamijyadeeda.



Kornel Cusman Dubad taliyaha ugu sareeyo Ciidamada Amisom ee ka socda Dowlada Jabuuti oo isna qeyb ka ahaa madaxdii la socday oo daawanayey ntii uu tartanka socday oo gabagabada ka hadlay ayaa SYAO uga mahadceliyay Barnamijyada muhiimka ah oo ay ka bilaabeen Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii waxaa goobta lagu bixiyay Bilado Khaali ah iyo lacago kaash ah kuwaasi oo la Guddoonsiinayay kooxihii kaalmaha galay. Kaalinta koowaad ayaa waxaa la Gudoonsiiyay Koob weyn iyo lacag gaareysay 10,000,000 Sh. So. (Toban Malyan Shilin Somali) Iyo 12 bilad oo ciyaartoyda la Gudoonsiiyay, Kaalinta Labaad waxaa la Gudoonsiiyay 5,000,000 Sh. So (Shan Malyan Shilin Somali), Kaalinta Sadexaadna waxaa la gudoonsiiyay 2,000,000 Sh. So. (Labo MIlyan Shilin Somali) Halka kaalinta Afraadna la Gudoonsiiyay Qalab isboorti.

Sidoo kale waxaa Hadiyado iyo Bilado lagu gudoonsiiyay Goobta Kornel Dubad oo ay SYAO Gudoonsiisay Dhar hido iyo Dhaqan ah sida Koofi qurux badan Cimaamad iyo Bakoorad, sidoo kale Taliyaasha ciidamada qaar kamid ah ayaa Bilado iyo Qalab isboorti la gudoon siiyay Munaasabada Gabagabada tartanka ayaa ku soo idlaatay jawi nabadgalyo, waxa ayna dhamaan ka soo qeyb galayaasha ka Muujiyeen Goobta is dhexgal iyo Farxad..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;