Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan maanta ka soo Muuqdey
Maxakamada Racfaanka
Dood Kulul oo Dhexmartey Qareenada u Doodaya Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo
Luul iyo Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka
 Febraayo
20, 2013: Waxaa maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ka furantey
Dacwadii Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) iyo Haweeneydii la
Kufsadey ama lagu Xadgudbey Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxkamadii Derajada
Koowaad ee Gobolka Banaadir ay labadooda ku Xukuntey Min hal sano , Xukunkaas oo
ay Racfaan ka qaatey Qareenadii u Doodyey Labadooda,,waxaana maanta Goobta ku
Sugnaa Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta m Hayadaha u Dooda Xaquuqda Aadanaha ,
Xildhibaano iyo labada Qareen ee u Doodeysa labada Ruuux .
Gudoomiyha Maxakamada Racfaanka ayaa waxaa uu Bilaabey in uu dhegeysto
Dhinacayada ay Dacwada isku haya waxaana ku Hormarey Xeer Ilaaliyaha Guud ee
Qaran Cabduqaadir Maxamed Muuse oo mar kale ku celiyey Qodabadii uu ku soo
eedeeyey Wariye Koronto iyo Hooyo Luul isagoo sheegey in Labadaan Ruux ay Dambi
ka galeen HayadahaQaranka gaar ahaan Booliiska sidoo kale waxaa halkaa lagu
dhageystey Cajaladii uu Wariye Cabdicasiis Koronto Ku wareystey Hooyo Luul Cali
Cismaan , wqxaa kale uu sheegey Xeer Ilaaliyaha in Wariye Cabdicasiis Koronto uu
sameeyey wareysi Been abuur oo uu Xeer Ilaaliyaha ku Tilmaamey mid la doonayey
in Qaranka lagu Dumiyo.
Avv Afrax iyo vv Cabbdikariim Gorod oo ah Qareeno Difaacaya Wariye Cabdicasiis
Koronto iyo Hooyo Luul ayaa Maxakamada soo hordhigey Marqaatiyaal aad u fara
badan waxaana ugu Muhiimsanaa in Wareysiga uu Xeer Ilaaliyaha ku doodayo in
Wariye Cabdicasiis uu qaadey uu yahan mid aan la sii deynin islmarkaana
Gurigiisa laga soo qaatey,waxa kaloo oo ay halkaa ku soo Badhigeen in Wariye
Cabdicasiis uusan u shaqeyn Talefishinka Al Jazeera iyagoo halka keeney Waraaq
ka timid Telefishinka AlJazeera oo Cadeyneysa in Wariye Cabdicasiis uusan u
shaqeyn Telefishinkaa iyo Wareysiga uu Xeer Ilaaliyaha ku doodaya uusan ahayn
midkii Luul laga qaadey ee wareysiga uu yahay mid kale oo ku saabsna Haweeney
kale oo la Kufsadey..
Intii ay Dacawada Dhegeysigeeda ay socdey ayaa waxaa Maxakamada hareeyey Buuq ka
dib markii uu Gudoomiyha Maxakamada ka caroodey in Hooyo Luul Cali Cismaan loo
keeney Canugeeda oo markaa Hurdey Qayb ka mid ah Maxakamada , waxayna arrintaani
ay keentey in Gudoomiyaha Maxkamada uu ka baxo Goobtii ay Dacwada ka socatey ,
Muran iyo Dood ka dib ayaa Canugii loo dhiibey Aabihii , waxaana Maxakamadii dib
ugu soo laabety Gudoomiyaha oo sheegey in Canuga uusan ahayn eedeysane Balse
Hooyadii ay tahay Eedeysane. Sidaa Hooyadii looga qaadey Canugii ay Nuujineysey.
Dood aad u Kulul ayaa waxay Dhexmartey Qareenada u Doodaya Wariye Cabdicasiis
Koronto iyo Hooyo Luul iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka , waxay hadba mid uu
soo tuuro Marqaatiyayaal ayaa waxaa Gudoomiyaha Maxakamada uu Mid weliba uu ka
qaadey Wixii Marqaatyaal ahaa , waxaana Gudoomiyaha uu sheegey in Maxakamadda
Maanta ay halkaa ku Xirana tahay dibna la isugu soo laaban doono Arbacada Soo
soo socoto oo ay Bishi Tahay 27 February
Dhageysiga Dacawdaan ee Macakamada racfaan aad aby uga Duwaneyd tii Hore oo
Qareenada loo diidey in ay Marqaatiyaal la yimaadaan , waxaana Dhegeysigii
Maanta ee Maxakamada Racfaanka soo dhaweeyey Qaybaha Warbaahinta, Hayadaha u
dooda Xaquuqda Aadanaha iyo dadkii kale ee Dhageysanayey Dacwada , waxayna dadka
ay rajo Wanaagsan ka Muujiyeen in Dacwadaan ay ku dhamaan Doonto si Cadaalad ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2013
|