SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowladda Federaalka oo Qaadey Talaabo soo Dhaweyn Leh ka dib markii Gaashaan u Duruurtey in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom ay ka Howgalaan Xeebaha Soomaaliya

Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Talaabad ay qaadey Dowlada Federaalka ku tilmaamey mid Niyad jab ah

Maanta oo Muqdisho laga Xusey Sannad Guuradaq 51 aad ee Ciidamada Bada Xili Badda Soomaaliya ay iska Maamulanayaan Ciidamo Shisheeye

Dowlada Federaalka oo ka qayb galeysa Shir ka Furmaya Adis Abab looga hadlayo Sharciyada Badda iyadoo la Og yahay in Itoobiya aysan lahayn Bad

Dowlada Kenya oo Muddooyinkaan dambe ku Howlaneyd sidii Ciidamadeeda Badda ay uga Howlgeli lahaayeen Xeebaha Soomaaliya, waxaana Qorshaha Dowlada Kenya ay hordhigtey Qaramada Midoobey,hase yeeshee waxaa Qorshahaan si weyn uga Carootey Dowladda Federaalka oo Gaashaanka u Daruurtey in Ciidamada Kenya ka Howlgalaan Xeebaha Soomaaliya iyagoo Huwan Magaca Ciidamada Amisom.

Soomaaliya oo Geesinimo Muujisay

Wasiiradda Arrimaha Dibada ahna Raiisul Wasaare ku Xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka soo horjeesatey Qorshaha la dooneyo in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo huwan Magaca Amisom ay ka Howlgalaan Xeebaha Soomaaliya , Wasiirada ayaa sheegtey in aysan marnaba ogolaan doonin in Ciidamo Amisom laga HowlgeliyoXeebaha Soomaaliya.

“Ma jiraan Sababo Xiligaan Khasbaya in Ciidamo Amisom ah ka howgalaan Xeebaha Soomaaliya kaasoo ka ku aadan dhinaca Amaanka iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka sidaa darteed qorshahaasi Dowlada Fedreaalka marnaba ma ogolaan doonto , waana Qorshe aan dhehi karo waa laga maarmi karaa, waxaa Haboon haddi la doonayo in la sugo amaanka Badda Soomaaliya in dib loo dhiso Ciidanka Badda Soomaaliyeed kuwaas oo ku filaan kara dhinaca Amaanka ” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ka howlgala Ciidamo reer Galbeed ah kuwaa oo markii hore ku yimaadey in ay Xeebaha Soomaaliya ka Ilaalin doonaan waxay ugu yeereen Burcad badeed , balse gadaal laga ogaadey in ay Ciidamadaasi ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay la baxaan Kharaadka ku jira Badda Soomaaliya. Waxaana la soo weriyey in ciidamadas oo ku sugan xeebaha in haddana halkaas lagu Aasay Sunta Nuyukleerka, waxayna dadka soomaaliyeed badankooda ay qabaan qarashka ku baxa Ciidamadaas haddi loo weecin lahaa Ciidamada Badda Soomaaliya ay wax badan ka qaban lahaayeen Bucad Badeedka.


Safiirka Kenya ee UN

Kenya oo ka carrootay

Dowladda Kenya ayaa si weyn uga Carootey markii Dowlada Fedraalka ay Gaashaan u daruurtay Qorshe ay Dowlada Kenya ku dooneysey in Xeebaha Soomaaliya ka Howgalaan Ciidamada Badda Kenya oo Huwan Magaca Amisom , waxayna Dowladda Kenya ay sheegtey in ay aad uga Niyad jabtey Is-hortaaga ay Dowlada Federaalka ay ku joojisey in Ciidamada Badda Kenya ay ka Howlgalaan Xeebaha Soomaaliya.

Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay is-hortaaga ay Dowlada Fedraalka ku sameysay Qaraar Qaramada Midoobey ay ku dooneysey in Xeebaha Soomaaliya laga howgeliyo Ciidamo Amisom ah, isagoo sheegey in Go’aanka ay Dowlada Federaalka ay qaatey uu yahay mid wax u dhimaya sidii looga hortagi lahaa Burcad badeedka iyo la Dagaalanka Xarakada Alshabaab isagoo sheegey in Dowlada Federaalka ay ahayd in ay ogolaato qorshahaasi oo uu sheegey in uu ku Kacayo Toban Milyan oo Doolar.

“ Dowlada Soomaaliya Awood uma laha in ay iska dhiciso Kooxaha Burcad Badeedka iyo Al Shabaab ee ka qaraabta Badda iyo Beriga, waxaana loo baahan yahay in Dowlada Federaalka ay dib isagu laabto oo ka fekerto sidii uu u meel mari lahaa Qorsha ah in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom ay ka howlgalaan Xeebaha Soomaaliya “ayuu yiri Safiirka oo sheegey in aysan marnab ka daali doonin sidii uu u hirgeli lahaa Qorshahaasi.

51 Guuradii Ciidanka Badda Soomaaliya

Maanta (Axad Febraayo 17, 2013) waxaa Magaalada Muqdisho laga Xusey Sannad Guurada 51 ee Aas Aaska Ciidamada Bada Soomaliyeed , waxaana Xafladaasi ka qayb galey Madax ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral faarax Qare,waxayna dhaamntood sheegeen in baahi weyn loo qabo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Ciidamaddi Bada Soomaaliya ,


Admiral Faarax Qare

Addmiraalka ayaa ka war bixiyay Duruufaha ay ku sugan yihiin Ciidankaas isagoona xusay in Ciidanka badda Soomaaliyeed waagii hore uu ka mid ahaa Ciidamada ugu awoodda badan Qaaradda Afrika haatanse ay la degeen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay.

Admiraal Qare ayaa sheegay in Ciidanku maanta Niyada ahaan uu jiro balse aysan haysan qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen isagoona ka codsaday Dawladda Federaalka Soomaaliya in Ciidamada Badda Soomaaliyeed dib loo qalabeeyo.

Waxayna Sannad Guuradaan ku soo beegantey Xilli Badda Soomaaliya ay iska Maamulanayaan Ciidamo iyo maraakiib Shisheeye kuwaas oo Baddada ka wada Xaalufin iyo in ay Badda ku Aasaan Sun Halis ah.

Sidoo kale waxay Sannad Guuradaan ay ku soo beegantey Xili Boob lagu hayo Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya oo Dhulka qaar ay Dhisanyaan Dowlado Shisheeye si ay uga dhigtaan Safaarado.

Dhinaca kale Waxaa la filayaan in Magaalada Adis-Ababa dhawaan lagu qabto kulan balaaran oo la sheegey in looga hadli doono Arrimaha Badaha , waxaana ka qaygeli doono Dowlado fara badan iyo Hayado Caalami ah ,Waxaa la filayaa in Shirkaas Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka qayb gasho hase yeeshee waxaa is weydiin mudan halka lagu qabanyo shirkaas ee Magaalada Adis Ababa oo la og yahay in dalkaasi uusan lahayn Wax Bad ah waxaana shirkaasi la sheegey in sidoo kale looga hadli doono Sharciyo la xiriira dhinaca Badda ,waxayna Dadka qaar ay sheegeen in shirkaasi ay wax badan ku hoos Duugan yihiin .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;