Gabay: Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur –WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)
Dhammaan
ummadda Soomaaliyeed waa salaamaynaa. Gabaygan waxa Abwaan Maxamuud Axmed
Cabdalla (shiine) kaga qisoonayaa dilkii bahalnimada ahaa ee loo geystey
Alwaalid-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, oo Garoowe Masjidka Beder lagu dhex
dilay. Gabaygan waxa abwaanku ku xusayaa Sheekha dabeecadihiisii,
khayrbadnidiisii, isla markaana waa ugu ducaynayaa. Akhris wanaagsan, codkiina
naga suga dhowaan.
Wuxu yiri:
Shuyuukhdoo la laayaa dadoow waa shiddiyo hooge
dilkii sheekh cabdulqaadir nuur yaa shalayta lehe
shalay bay ahayd goortiyay sharafkii toogteene
isagu naga shubyoo aakhiruu tegey shihiidkiiye
eebboow cilmiguu noo sharraxay nagu shafeecaadi
waa shay xaqoo geeriduye shebeg ma dhaafaane
shillal bay naftani saaran tahay shaaggu rogayaaye
Sharka iyo khayr aadamaha shuqulkii weeyaane
ninba sharaddii goortay gashay sheega badiyaane
shan haloo u gaaraan anigu shaahid u ahaaye
horta sheekh muftiya buu ahaa diinta shaac ku ahe
shareecada islaamkiyo dacwada aan la shaabihine
Hadalkiisu shaybuu ahaa qawl shucuur badane
Shaxda khayr lagama waayi jirin shaadir loo dhigaye
Eebboow nin sheekuu ahaa aannu sharafnaaye
shibbani iyo akhlaaqdiisibaan weli ka shawraaye
Shucuubtii jeclayd bay ilmadu shalalaxlaysaaye
Shaki fulay qabiyo muu ahayn gole ka sheexaaye
Qiso aanu kaa shaafiyayn sheele ma ahayne
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
shirka odayga nabadduu ahaa shaalka loo xiro’e
shilkii dhaca nin baajuu ahaa kii shiddayn necebe
Ficil kuma shareerayn xaquu shaammil ku ahaaye
Runta kii ka sheeguu ahaa xeer shuhuuba ahe
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
Bakhaylnimo laguma sheegi jirin shilinka raacdayne
Ma ahayn adduunyada shinsade maalku shidayaaye
Shaac iyo iftiinbaa wejiga kaga shaabbad kaga tiile
Sheeddana miskiin buu ahaa shacab ka soocnayne
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
Fudayd sharacallee wuxuu ahaa midaan ku sheegnayne
Shalaqlayn kumuu caan ahayn iyo shuraakowe
Beydkuu shaqeeye u ahaa sharafta hoygeede
Shukurkaaga eebboow hadduu shiicadaa yahaye
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)
Email: mabdalle@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2013
|