HADDA IYO DAN
Qore: Axmad Cabbas (Gacma-Gaab)
31ka Agoosto 2013
Arar
Jiritaanka Dawladda Puntland wuxuu kowsaday 1di July 1998, taasoo ku beegan
maalinti la ansixiyay Axdigi Ku-Meel-Gaarka ahaa. Sidaas awgeed, maantay oo ah
31ka bisha Agoosto ee sannadka 2013 Puntland waxay jirstay 15 sano iyo laba
bilood. Puntland waxay ballaysintay guul la mahadiyay. Hor iyo horraan waxay soo
afjartay haggaaminti jabhadahi ka talinayay geyiga Puntland (SSDF, USP iyo SDU).
Hannaanka maamul ee mandaqadda Puntlad wuxuu u xuubsiibtay maamul rayid ah.
Mudda yar gudaheed, waxaa dhidibbada loo aasay haykal maamul oo waafaqsan Axdigi
ku meel gaarka ahaa kaasso lagu suuradin karo qaab-dawladeedka casriga ah ee
dunida ka hanaqaaday. Ayada oo la raacayo Axdigi Ku-Maael-Gaarka, waxaa suurta
gashay in mudda yar gudaheed la ababulo hay’adihi sharci dejinta, Fulinta iyo
Garsoorka. Meelaynta saddexdaas gole waxay suurta gelisay in si sahlan oo
xasarad ka maran loo abaabulo hay’ado amni (Boolis, Daraawish iyo Asluub) iyo
shaqaale rayad ah.
Qaran ahaan, puntland waxay hanatay meekhaan ay si wax ku ool ah uga qayb-qaadan
karto dib-u-yagleelidda dawlanimo qaran. Axdigi ku-meel-gaarka aha wuxuu soo
bandhigay hindise lagaga fursan karo kala googo’o isla markaana lagaga raysan
karo nidammki ay awoodda dawladnimo oo dhammi ku urursnayd dawladda dhexe.
Dhanka Caalamka, curashadi puntland waxay abuurtay hannaan hay’adaysan oo suurta
gelinaya in beesha caalamka iyo puntland ay iska-kaashadaan horumarinta
adeegyada bulshada, aminga mandaqadda iyo addunweynaha.
Qiimayn Kooban
Qiimayn isu-dheellitiran oo lagu sameeyo waayihi puntland waxay ka
marag-kacaysaa in uu jiro horumar la gaaray. Dhinac kale waxaa jira guulo la
gaari karey oo laga gaabiyay, iyo dhinacyo uu la soo gudboonaaday dhibudhac,
marka laga tilmaan qaato xaaladdi jirtay asaaski Puntland.
Haykalki maamul ee Puntland wuxuu noqday mid tabbagal ah, rabitaanka dadweynaha
ka sokowna, asaga ayaa sugay jirtaanka iyo kor-u-qaadidda adeegyada bulshada
puntland. Dhinac kale marka laga eego, waxaa jira saluug la xariira heerka
tayada maamulka taasoo loo aananayn karo in la gabay horumar aad uga sarreeya
heerka hadda la marayo.
Dimuqaraaddiyaynta Puntland waxay ka mid ahayd himilooyinki ugu mudnaa ee uu
gaaray shirweynihi lagu asaasay Puntland ee ka dhacay Caasimadda dawlad
Goboleedka Puntland, Garoowe, muddadii u dhexaysay 15ki May iyo 1di Agoosto
1998. Haddii laga dhabayn lahaa Go’aanki shirweynaha iyo qodobbadi Axdiga ee ku
aaddanaa dimuqaraaddiyayanta hannaanka siyaasadda, 30ki Juun 22 sannadki 2001
ayay puntland ka hirgellahayd doorsho toos ah oo xor ah. Sidaas awgeed,
hirgelinta dimuqaraaddiyayanta Puntland wuxuu dib-dhacsanyahay 12 sano iyo 2
bilood.
Fikradda Federaalnimadu waa mid maamulka puntland ku adagyahay, soomaaliya iyo
addunkana saamayn xoog leh ku yeelatay. Halki ay ku koobnayd mid ka mid ah
qodobbada Axdiga Ku-Mel-Gaarka ah, Federlanimadu waxay gaartay heer ay ka mid
noqoto mabaadi’ida asaagi ah ee Dastuurka Qaranka. Dhinac kale marka laga eego,
waxaa jira saluug la xariira in Puntland dadaalki loo baahnaa aanay u hurin sida
federaalnimadu u tahay hannaanka ugu habboon ee lagu higsan karo hanashada
dawladnimo dadweynaha Soomaaliyeed wada leeyahay, danahoodana u jirta. Duruufihi
gaarka ahaa ee ka jiray puntland waxay u suurta gelinayeen in ay dadaal aqooneed
geliso habboonaanta Federaalnimada. Waxaa kaloo Puntland la gudboonaa in ay
noqota xarunta dood-cilmiyeedyo ay ku soo hirtaan aqoonleyda Soomaaliyeed iyo
kuwa caalamka ee ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya. Waxa ay u muuqataa in
aragtida Federalnimada Puntland aanay dhaafin heer hal-ku-dheg, taas oo ayadyna
mudnaanteeda leh. Xaaladda noocaas ahi waxay fursad siisay abaabul federal diid
ah oo ku duraya puntland in ay sed-bursi doon tahay.
Dhinacayda kale ee dib-dhacu ka jiro waxaa ka mid ah in dareenki Puntlandnimada
uu hoos uga dhacay heerki uu taagnaa marki la asaasay puntland. Qaar ka mid ah
qaybihi ugu minitdsanaa curinta Puntland ayaa ku hawllan abaabul ka baxsan
haykalka Puntland. Guud ahaan, waxaa jira gocasho marba marka dambaysa isa soo
taraysa taassoo la xariirta in Puntland la wada samaystay hase ahaatee uu si
wiiqmayo dareenki wada-lahaanshaha ee ay la kowsatay.
Dib-u-dhaca ugu weyni wuxuu ka jiraa ka bayridda dhaqanki wada-tashiga ee
saldhigga u ahaa abaabulidda iyo ku guulaysiga Puntland, isla markaasna ay hiddo
soo jireen ah u lahaayeen, welina u leeyihiin, dadweynaha ku midoobay Puntland.
Puntland waxay ka dhalatay wada-tashi, liibaanteeduna waxay saaratahay
wada-tashiga.
Hadda iyo Dan
si kasta oo loogu kala geddisnaan karo qiimaynta horumarka ay Puntland
hanatay iyo dib-u-dhaca la soo gudboonaaday, waxay u badantahay in aan lagu kala
bayri Karin in ay guul taariikhi ah tahay in uu hadda socdo tabaabusho loggu
jiro xilsaaariddi meertadi maamulki afraad ee Puntland. Xilsaaridda Golaha
sharcidejinta afraad waxay ku beegantahay 31ka Oktoobar ee sannadkan 2013.
Jadwalka meertaynta maamulku wuxuu kaloo farayaa in Golaha Xeerdejinta afraad uu
doorto Madaxweynihi iyo madaxweynie Ku xigeenki shanaad ee Puntland yeelato.
Abbaraha u baahan falgelid ay xikamdi hoggaminayso waxaa ka mid noqon kara
higsashada ka miradhalinta laba himilo oo mataana ah, kuwasso ay adagtahay in
midkoodna keli ahaanti guul lagu gaaro. Himilada koowaad, oo ah midda
asaasiga ah, waa aqoolidda halbeegyada majaraha hoggaanka afraad ku hagi doono
Puntland, muddada xil-hayntiisa. Himilada labaad, waa in la xilsaaro hoggaan
daacad u ah ka miradhalinta majarahaas isla markaasna oofin kara shuruudihi
hoggamineed ee la faca ah marxaladda ay tahay in puntland u diga-rogoto.
Affarta bilood ee innaku soo fool, dadweynaha puntland waxaa la gudboon in ay ku
tallabsadaan tabaabushe laba-seeble ah oo isku jaha ah. Tan koowaad, waxaa
lagama maarmaan ah in la dar-dar geliyo dhaqanki iyo hiddihi Wada-Tashiga ee ay
puntland ka unkantay. Faa’iidooyinka Wada-Tashiga waxaa ka mid in la iska
bogsiiyo wixii tabasho ah oo jira si loo cusboonaysiyo dareenki midnimo ee
puntland la curatay. Fa’iidada labaad ee wada tashigu leeyahay waxaa ka mid
isla-meldhigidda majraha tis-qaadka cusub ee Puntland.
Dadaalka labaad ee ma dhaafaanka ah waxaa weeye in hoggaamiye dhaqameedka
Puntland, guurti iyo Isimmomba, aanay surmateegtayn xilka saaran. Xilliyadi
meertaynta maamulka ee la soo maray, halhaysyada soo noq-noqda waxaa ka mid ahaa
noqoshada xil-dhibannadu “Xul ma ahee waa Xal”. Hoggaanka dhaqanka ee Puntland
sina ugama baaxsan karo, guud ahaan iyo gaar-gaar ahanba, in ay go’aan kasta oo
gaarayaanna ku saleeyan xilsaaridda xildhibaanno Xul Ah. Xildhibaanno Xul ah
ayaa laga filan karaa in ay labada xil e ugu sarreeya puntland u doortaan
muwaddiniin u qalanta. Hoggaanka dhaqanku waxay u maara la’ayihiin baylah ma
dhammaato ah oo ay ku banneeyeen xildhibanno ay aygu gacantooda ku saxiixeen iyo
maamulki fulinta ee isla xildhgibaannadaasi dhiseen. Hoggaanka dhaqanku, u
hiilinta danta guud ka sokow, waa in ay markan u hiiliyaan martabaddooda bulsho.
Ugu Dambaynti: Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxmad Maxamuud
waxaa la gudboon inuu fududeeyo wada-tashiga dadweynaha puntland.
Talo Waa tii Rabbi
abbassone@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2013
|