HAY’ADA CEWARN OO UGU DEEQDEY SOMALIA CEWERU QALAB ISUGU JIRA COMPUTERS
IYO PRINTERS.
Hay’ada Conflict Early Warning Mechanism (CEWARN) oo ah Hay’ada ka Digta
Colaadaha ka dhaca Xuduudaha Wadamada Xubnaha ka ah IGAD ayaa waxay ugu Deeqdey
Hay’ada Somalia CEWERU oo ah iyana Hay’ad ka digta Colaadaha isla Qalab isugu
jira 7 Computers iyo 7 Printers. Qalabkaan waxaa kaloo la socda 7 Fax Machine
kuwaas oo dib looga keeni doono.
Qalabkaan ayaa waxaa loogu tala galey in ay isticmaalan Gudiyada Nabada ee
Somalia CEWERU kuwaas oo ka dhisan Degmooyinka Xuduuda ku yaalo ee kala ah
Baled-Xaawa, Doolow, Luuq, Ceel-Waaq, Badhadhe, Hagar iyo Dhoobley. Gudiyadan oo
ah kuwa ka hortaga kana Jawaaba Coloodaha ka dhaca Xuduudaha kuwaas oo ay
sababaan Dadka Xoolaleyda ah ee isaga Gudba Xuduudaha.
Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaarada Arimaha dibada oo magaca Somalia CEWERU
kula wareegey Qalabkaas ayaa ka Mahadceliyey Deeqdan wuxuuna sheegey in ay kor u
qaadi doonto sidii Xog Ururinta laga sameenayo dhacdooyinka la xiriira Colaadaha
ka dhaco Degmooyinkaas lagu soo gaarsiin karo Xarunta Somalia CEWERU ee Muqdishu
iyo Hay’ada CEWARN si ka hortag loogu sameeyo.
“Waa Talaabo Hordhac u ah Waxqabad badan oo aan ka fileyno Hay’ada CEWARN oo aan
ka wada shaqeyno sidii loogu hortagi lahaa Colaadaha isla markaasna loogu
Jawaabi lahaa”ayuu yiri Agaasimaha waaxda Afrika ee wasarada Arrimaha Dibadda .
Waxaa sidoo kale ka Hadley ku Simaha Hay’ada CEWARN oo sheegey in Qalabkan uu
qayb ka yahay Qalab loo isticmaalo sidii Xogta loo Ururin lahaa waxaana Daba
socda Qalab kale oo ah Isgaarsiin loogu tala galey in Xogta si Dhaqsiyaha ah
lagu gaarsiiyo Hay’adaha ka Jawaabeysa.
Madaxa hay’ada CEWARN Richard Barno wuxuu ka Mahadceliyey sidii loogu soo
dhaweeyey Magaalada Muqdishu wuxuuna sheegey in uu mar kale Booqosho rasmi ah ku
imaan doono Soomaliya si Qorshaha labada Sano ee Somalia CEWERU u noqon lahayd
mid sidii loogu tala galey loo hirgeliyo.
Wafidga CEWARN oo Maalmahaan Muqdishu ku sugnaa ayaa waxyaabaha ay u yimaadeen
ka mid ah in ay bandhigis ku sameeyaan Mashruuc lagu Magacaabo Rapid Respond
Fund oo ah Mashruuca Dhaqaalaha loogu jawaabayo Colaadaha degdega ah wuxuu
Mashruucaas wixii had aka Dambeeya uu fursad u siinaya Hay’adaha ka shaqeeya
Nabada ee Somalia in ay xaq u yeelanayaan in ay Dalbadaan Dhaqaalahaas si ay wax
uga qabtaan Mashaariic Nabada wax loogu qabanaayo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2013
|