35 Arday oo Daraasaadka Sare ee Jaamacada Muqdisho ka Qalin-Jabiyey.
Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 29-08-2013 waxaa Xaflad aad loo soo Agaasimay
loo qabtay 35 Arday oo ka Qalin jabisay Jaamacada Muqdisho Qaybteeda Daraasaadka
Sare (Postgraduate Program). Waxaana Waxbarashadan Tacliinta Sare oo ay iska
Kaashadeen labada Jaamacadood ee kala ah Jaamacada Muqdisho oo Soomaaliya ah iyo
Open University oo Malaysiya ah. Waxaana Xafladan oo ay ka soo qaybgaley Madaxda
Dawlada, ay ka mid yihiin,Agaasimaha Wasaarada Arimaha Bulshada Ismaaciil, Duqa
Magalaada ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan),
Xildhibaan Shariif Maxamed Abdallah, iyo Gudoomiyaha Bulshada Rayidka
Soomaaliyeed, C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow. Waxa kale Madashaas ku wehelinayay
Maamulka sare ee Jamaacada iyo Macalimiinta .
Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo halkaas
hadalo ka soo jeediyay ayaa yiri “ waxaan Qiraynaa haddaa nahay Ururda Bulshada
Rayidka in Jaamacada Muqdisho inay Hormuud u ahayd Waxbarashada Dalka, Xili
Dadka iyo Dalkuba rajo beel ku sugnaayeen ay Rajo iyo Yididiilo u abuurtay”
Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiintii Ardaydaan Qalin Badalatay
ama Qalin jabisey maanta, hadal ka soo jeediyay Xafladan wuxuuna yiri “
Macalinku Sidiisaba waa Shumac Iftiimiya Khayrkiis, asna Gubta, laakiin
Siyaasigu waa Dab, Dabkuna waxa uu u baahan yahay si uu u sii Shidnaado Xaabo
shida”
C/rashiid Caynaashe oo ka mid ah Ardayda ka Qalin Jabisay Daraasaadka Sare ee
Jaamacada Muqdisho ahna Maamulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed “Aanagu haddaan
nahay Ganacsato waxaan Dhisnaa guryo waaweyn laakiin Bahda Jaamacada Muqdisho
waxay dhistay Dad iyo Bulsho ilbax ah oo Aqooni Hagayso”.
Duqa Magalaada ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan),
ayaa halkaas Khudbad ka jeediyay waxa uu u Mahadceliyay Aas-Aasayaashii
jaamacada Muqdisho, iyo Qof walba oo fikradiisa ku biiriyay, Jaamacaddan ayaa
waxa ay iftiimisay Caasimadeena Soomaaliya”
Ugu dambayntii Waxaa halkaas ka soo jeediyay hadalo Dhiiri galin leh Gudoomiyaha
Jaamacada Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo sheegay in jaamacada Muqdisho Sharaf
u tahay Dadka Soomaaliyeed, Qaaradeena Afrika iyo Caalamkaba”
Waxa kale oo Gudoomiyuhu u Hambalyeeyay Ardayda maanta Qalin-Badalanaysay ma
Qalin Jabineysey Adkaysigii iyo Naftooda siday ugu Hureen inay mar-uun gaaraan
Himiladooda inay Waxbarashadooda meel Wanaagsan Gaarsiiyaan.”
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Jaamacada Muqdisho Danta
ugu weyn ee loo Aas-Aasay ayaa ahayd inay soo saarto Qof Akhlaaq leh, Waxbarasho
Tayo leh iyo Qof ka Run sheega wuxuu soo Bartay, kuna Dhaqmin Musuq-Maasuq iyo
Wax-is-Daba-Marin.
Ugu dambeyn Gudoomiyuhuu wuxuu Xafladaas kaga Dhawaaqay in Jaamacada Muqdisho
Si-Iskeed ah markii ugu horaysay u bixin doonto Shahaadooyinka Masterka iyo PHD,
ayadoo Jaamacaddu Marxaladaan cusub ay kaligeed wadi doonto oo ay ka Madaxbanaan
tahay Jaamacadaha markii hore iskaashiga ku wada ahaayeen Barnaamijyadaas,
Sababtoo ah buu yiri Gudoomiyuhu Jaamacadu waxay soo gashay Afarta Kun ee ugu
horeeya Jaamacadaha Dunida oo dhan, Afrikana waxay kaga jirtaa Sodonka ugu
horeeya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2013
|