SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo maanta kormeeray bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka oo ka bilaabtay Bankiga dhexe

Muqdisho, August 29, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa saaka kormeer ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasoo ay ka soconeyso bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee hay’addaha dawladda, sida Wasaaraddaha, iyo hay’addaha.

Mashruucan mushaarbixinta oo ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Norway ayaa waxaa fulinaya Wasaaradda Maaliyadda waxaana loo adeegsanayaa qaab casri ah, waana markii ugu horeysay oo qaabkan loo adeegsanayo Teknolojiyada casriga ah oo ay ku dhantahay xogta shaqsiga (Bio metric System), wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid mid mid u galay xafiisyada iyo goobaha ay howshu ka soconeysay, iyadoo xilligaasi safaf dhaadheer ay ku jireen qaar ka mid ah shaqaalaha dawladada oo qaadanayay mushaarka.

Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, isaga oo uga warbixiyay qaabka lacag bixinta iyo cida ka taageereysa oo uu sheegay in dawladda Norway ay ka taageereyso qorshahan mushaar bixinta uguna deeqday dhaqaalaha.

“Bankigu maanta wuxuu bilaabay mushaar bixintii ugu horeysay ee oo laga bixinayo xisaabta mashruuca loo yaqaano Special Financial Facility (SFF), waana mashruuc ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliyeed iyo dawladda Norway oo muddo sideed bilood ah laga soo sahqeynayay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo xusay in qorshani uu qeyb ka yahay maareynta dib u habeynta dhaqaalaha dawladda. (Public Finance Management Reform).

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqaalaha rayidka dawladdu ay mushaaraadkooda helaan, isaga oo tilmaamay in dawladda federaalka dhanka kale bixisay mushaaraadka ciidanka dawladda iyada oo adeegsaneysa qasnadda dhexe ee dawladda Soomaaliyeed.

“Arrintani waxay tusaale cad u tahay horumarka dhanka maamulka maaliyadda ah ee ay dawladdu sameyneyso, waana nidaam cad oo la xisaabtan leh” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ku tilmaamay talaabadani mushaar bixinta guul u soo hoyatay dawladda, waxa uuna carabka ku adkeeyey in talabaadani ay abuureyso kalsoonida beesha caalamka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in dawladda Soomaaliyeed ay si buuxda u qaadatay isla markaana dhaqangelisay siyaasad cad oo ku aadan hagaajinta illaha dhaqaalaha.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+25261-5536608

Mogadisho, Somalia


Madaxweynaha oo soo dhoweeyey wafdi ka socday QM & AU.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay guddi ka wada socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa oo howshoodu tahay inay qiimeyn ku sameeyaan sidii ciidamo Qaramada Midoobey ka socda oo nabad illaalin ah Soomaaliya loo keeni lahaa.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyey Wasiirka Gaashandhiga, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, iyo la taliyeyaasha Xafiiska Madaxweynaha. Dhanka kale Wafdiga labada dhinac ka socda waxaa ku wehliyey kulanka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM.

Walid Musse oo u hadlay guddiga labada dhinac ah ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha oo sheegey in guddigu ay booqan doonaan gobollada Bay, Kismaayo, Beledweyn iyo Jowhar si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan horumarka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, caqabadaha jira iyo sidii Qaramada Midoobey ay saacidi lahaayeen ciidanka Soomaaliyeed oo loogu heli lahaa tasiilaadkii ay ku howlgali lahaayeen. Walid Musse ayaa sheegey in Golaha Ammaanka ee QM uu ka sugayo warbixin ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya si ciidamo nabad-illaalin ah oo ka socda QM loo keeni lahaa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa dadaalkooda ku wajahan sidii Soomaaliya ay u nqon laheyd waddan nabad ah oo deggen. Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan soo dhoweyneynaa wadatashiyada joogtada ah ee QM iyo Midowga Africa ay la yeelanayaan Dowladda Soomaaliya, Dowladdana waxay diyaar idiin la tahay sidii aad howlaha aad u timaadeen aad u gudan laheydeen. Kooxaha Al-Shabaab wallow laga adkaaday haddana weli waxey qatar ku yihiin ammaanka dalka oo ay doonayaan inay caalamka tusaan in dalku uusan nabad aheyn. Sidoo kale ciidanka Dowladdu waa diyaar oo tababar ku filan wey qaateen, laakin caqabado badan ayaa jira sida tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay ku howlgali lahaayeen iyo xaquuqdooda aasaasiga ah. Dowladdu wey soo dhoweyneysaa qorshaha QM ee ah in la taageero ciidanka Dowladda si ay u gutaan howlahooda muhiimka ah.”

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay horumarka ballaaran oo ay dowladdu sameysey isla markaana sheegey in Midowga Africa ay marwalba garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

- DHAMAAD -

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

" Shacabku waxey idinka sugayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda iyo karaamadooda illaalisaan”

(Muqdisho Somalia, 28,August,2013)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kormeeray taliska cusub ee qeybta 12ka Abril iyo Taliska guud Wasaaradda Gaashaandhiga

Madaxweynaha oo la hadlayey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay, kuna dhiirigeliyey dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha Nabad-diidka ah.

Madaxweynaha oo la dardaarmayey ciidanka ayaa yiri " Shacabku waxey idinka sugayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda iyo karaamadooda illaalisaan. Waad ku ammaanantihiin dagaalka kooxaha nabad diidka, oo Shacabku waxey fursad u heleen inay guryahooda ku laabtaan. Hase yeeshee falalka kufsiga iyo isbaarooyinka waa amni-daro Qaran, oo ciddii lagu helo lala tiigsan doono sharciga, lana marsiinayo ciqaabta ugu adag. Waxaan dhowaan dib-u-howlgelin doonaa Isbitaalkii Xooga si loo daryeelo caafimaadka ciidanka. "

Madaxweynaha ayaa kormeerkan ugu kuur galayey xaaladda ciidanka, una sameynayo dhiirigelin lagu Dar-dar gelinayo sugidda amniga.

Dowladda ayaa in muddo ah ku howlaneed dib u habeynta hay'adaha amniga ,tababaro la siiyey ciidanka oo tayadooda kor loogu qaadayo, si loo soo celiyo haybaddii iyo sharaftii ciidanka Soomaaliyeed.
--

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

---------------

Ra'iisal Wasaaraha oo u aqonsatay, 27 August Maalinta Xuquuqal Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, August 27, 2013....... Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Faderaaliga ah Cabdi Faarax Shirdon "Saacid" ayaa maanta u aqoonsaday Maalinta Xuquuqal Insaanka Soomaaliya kadib markii ay Goloha Wasiiradu ansiyeen qorshaha geedi socodka xuquuqal insaanka dalka. Qorshahan ayaa loo soo bandhigay dawladda si wax looga qabto xadgudubyada ka dhaca dalka gudihiisa. Waxaa loo soo bandhigiay dawladda ka dib markii ay mudo ka soo shaqaynayeen xubno ka tirsan dawladda, baarlamaanka iyo ururada bulshada.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshahani udub dhexaad u yahay barnaamijka dawladdu ay ku difaacayso kuna hormarumarinayso xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaa kaloo uu tibaaxay in uu yahay mid qeexaya masuuliyada dhinacyada kala duwan ee ku lug leh horumarinta xuquuqda aas aasigaa ee muwaadinka.

"Maanta waxaan u aqoonsanay inay tahay maalinta xuquuqal insaanka Soomaaliya. Dawladdu waa ay taabo galinaysaa qorshahan dalka oo dhan. Waa mid aan qaadanay oo aan sii balaarin doono gaarsiina doono dalka oo dhan," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale tibaaxay tilaabooyinka ay dawladdu u hirgalisay dhanka hiigsiga sugida xuquuqda muwaadiniinta sida kuwa la xariira ka qeyb-galka siyaasada ee dumarka iyo qabiilada laga tiro badan yahay.

Uqaabilsanaha Arrimaha Xuquuqal Insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari oo ka hadlay munaasabadii daah-furka qorshaha xuquuqal insaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay dhawrista xuquuqal insaanka. Waxaana uu intaas ku daray inay cadahay in dawladda Soomaaliya muujisay masuuliyad dheeri ah ayna iska xil-qaantay dhawrista xuquuqada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

"Is-badal weyn ayaa ka dhacay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay. Waxaa nasiib wanaag ah in rajada dalku soo raynayso Soomaaliyana ay tusaale u tahay caalamka intiisa kale markay noqoto dib-u-dhiska qaranka ayadoo dareensa masuuliyada ka saaran dhawrista xuquuqal insaanka," ayuu yiri Shamsul Bari oo intaas ku daray inay muuqato in dawladda Soomaaliya ka go'antahay fulinta dawlad wanaaga iyo hirgalinta sharciga.

Wasiirka Cadaalada mudane Cabdullahi Nuur Abyan ayaa sheegay in dawladdu masuul ka tahay illaalinta xuquuqda muqaadiniinta sida ku cad shuruucda dalka iyo diinta Islaamka oo si balaaran u qeexday xuquuqda rasmiga ah ee shaqsigu leeyahay. Waxaa sidoo kale wasiirku sheegay in dawladdu dib-u-habayn buuxda ku samaynayso laamaha cadaalada si waafaqsan caalamka.

shirdoon

Ugu dambayntii, Ra'iisal Wasaaraha ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay dhawr masuul oo dadaal dheeri ah u galay difaaca xuquuqal insaanka Soomaaliya. Masuuliyiintaas waxaa kamid ahaa: Dr. Shamsul Bari, uqaabilsanaha arrimaha xuquuqal insaanka Soomaaliya; Dr. Miranda Ruth Brown, Madaxa Bariga iyo Kuurta Africa, Waaxda Labaad ee Xafiiska Masuulka ugu sareeya Arrimaha Xuquuqal Insaanka; Al Hajj Idrissa Aumar Kane, Agaasimaha Bariga afrika ee isla xafiiskaas, iyo Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Geneva ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee fadhigeeda Switzerland.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister's Media Office
Mogadishu, Somalia.

Phone: +252 (0) 616 44 00 28
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;