Madaxweynaha Soomaaliya oo abuuray Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed -
Warsaxaafadeed
 Muqdisho,
27 August 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay Golaha Amniga Qaranka
Soomaaliyeed oo leh Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aanadda
Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey maanta shir guddoominayey ayaa
yir “ Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sareysa Qaranka oo
dajineysa Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo
amniga iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso amniga rayidka,
gaar ahaan haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. “
Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Qaranka
Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiradda
Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo
Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga,
Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.
Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa usbuuciiba mar lagu wadaa inay kulmaan
oo ay dejiyaan Istraatejiyada iyo siyaasadda Amniga Dalka. Xogheyntana laga
sugayaa inay xiriirka iyo dhaqangelinta go’aanadda dabagal ku sameeyaan.
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com+252
615 479911 or +252 699 998854 Twitter -@thevillasomalia - Facebook - The Villa
Somalia (State House of Somalia)
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2013
|