Shirkadda Dahabshiil oo Mootooyinka Curyaamiinta Gacanta laga Wado ugu
Deeqdey Dad Cuuryaamiin ah. Shirkadda Dahabshiil oo inta Badan looga Bartey in ay Caawiso Dadka Tabaaleysan
ayaa maanta waxay Mootooyinka Nooca Cuuryaamiinta ee Gacanta laga Wado ugu
Deeqdey Dad Cuuryaamiin oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo si weyn ugu
baahnaa islamarkaana Dadkaas wixii Hataan ka dambeeyey ay noqon doonaan kuwa ku
Adeegta Matooyinkaas. Dadkaas Cuuryaamiinta ah ayaa inta aan la Gudoonsiinin Mootooyinkaas waxay
Qaateen Tababar yar oo ku saabsdan sida ay u Wadi karaan Mootooyinkaa , waxaana
halkaas kula Hadley qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Dahabshiil waxayna
Sheegeen in Deeqdaan ay tahay mid ay ugu Talagaleen dadka Cuuryaamiinta si ay
ugu Dhaqdhaqaan uguna Adeegtaan si ay ula Sinaadaan Dadka kale waxayna sii
raaciyeen
“Shirkadda Dahabshiil markii ay Ogaatey Baahida Dadka Cuuryaamiinta u qabaan
Mootooyinka Cuuryaamiinta ayaa Go’aansaney in aan wax u qabano islamarkaana aan
Gacan weyn siino dadkaas “waxay intaa ku sii dareen” Shirkadda Dahabshiil waxay
Mootooyinkaas ugu baxay lacag fara badan waxaana rajeynayaa in Mushruuca aan ugu
Kaalmeyneyno Dadka Cuuryaamiinta aan gaarsiino Dhamaan Gobolada Dalka “ Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan oo ah Maamulaha Koonfurta iyo Batamaha Soomaaliya
ee Shirkadda Dahabshiil oo Saxaafada kula hadlayey halkii Deeqdaas lagu
Gudoonsiinayey Cuuryaamiintaas ayaa yiri “ Muddo dheer ayey Shirkadda Dahashiil
ka Fekereysa sidii ay u Caawini lahayd Dadkaas oo Bulshada ugu Nugul ,maanta
waxay Shirkadda ay Bixisey 20 Mooto oo ah kuwa Gacmaha laga wado waxayna siiney
labaatan Cuuryaamiin oo qaar ay yihiin Macalimiin Dugsi Qu’aan ,kuwa ay yihiin
kuwa iibiya Khudaarta iyo kuwa Shaqaale ah Raqiyo oo ka mdi ahaa dadkii Cuuryaamiinta ahaa ee heley Matooyinkaas oo iyana
Saxaafadda la hadshey ayaa tiri “Maanta meel kasta ayaan Adeeg ka doonan karaa
aniga oo aan Cidna u baahan waayo markii hore Adeegii Khudaarta ee aan ka
ganacsan jirey dad baa u dirsan jirey laakiin maanta aniga oo keliya ayaan
doonanayaa,waxaana maanta arrintaan ii fududeeyey Shirkadda Dahabshiil oo aan
aad uga Mahadcelinayo Macalin ka baxay Jaamacadda SIMID oo isgana mid ahaa Dadkii heley Mootadaas
aadna ugu faraxsanaa Deeqdaas ayaa yiri “Aaad baan ugu Dhibanaa in aan gaaro
Goobteyda Shaqo maanta si Fudud ayaa ku gaari karaa Goobteyda Shaqada waxaana
Mahadaas u soo jeedinayaa Shirkadda Dahashiil oo ii Suurta gelisey in aan si
Fudud ku gaaro Goobteyda Shaqada” . W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2013
|