Shiikh Cabdulaahi Sagal “ Weligey ma Noqon Shiico Mana Noqon
Doono,Shiikhii igu Tilmaamey waxaan ka Rabaa Caddeyn Buuxda “
Shiikh Axmed Xuseen “Shiikh Cabdulaahi Sagal waa Shiikh aan Aqoon Durugsan u
leeyahay Warka laga sheegey waa mid aan Sal iyo Raad lahayn”
Waxaa Waqtiyadaan dambe Shacabka Soomaaliyeed ay Hadal Hayeen in Xarumo lagu
Faafiyo Mad-Habta Shiicada laga furey Magaalada Muqdisho waxaana Warkaan uu ka
soo yeerey Mid ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Fadhigiisu yahay Magaalada
Nairobi ee Dalka Kenya oo lagu Magacaabo Shiikh Maxamed Cabdi Umal, islamrkaana
Sheegey in Ardey fara badan loo Diro Xarumahaasi si ay u Bartaan Mad-Habta
Shiicada waxaana uu Shiikhu Farta ku fiiqey in arrintaan uu Hormuud u yahay mid
ka mid Culimada Casharada Diiniga ah ka Bixiya Talefishinka Qaranka Soomaaliya
waxaana uu Shiikh Umal Sheegey in arrintani ay Cawaaqib keeni hadaan loo Guntan
in laga hortago .
Shiikh Cabdulaahi Sagal oo ah
Shiikha lagu Sheegey in uu Hormuud uu ka yahay dadka qaatey Mad-Habta Shiicada
oo isaga Naf Ahaantiisa nagala Soo Xiirey Magaalada London ee Dalka Ingiriiska
oo uu haatan ku sugan yahay ayaa si Kulul u beeniyey Warka soo yeerey Shiikh
Maxamed Cabdi Umal oo ka mida ah Culimada Soomaaliyeed kaasoo sheegey in
Muqdisho ay ku yaalaan Xarumo lagu faafiyo Mad-Habta Shiicada waxaana uu Shiikh
Sagal uu sheegey in uusan weligiis noqon kana mid Noqon doonin Dadka qaata ama
ku Qanaca Mad-Habta Shiicada oo ay haystaan Dad Badan oo ku Nool qaar ka mid ah
Dunida Muslimka,
“Shiikh Umal Isku Jaamacad baanu ahayn arrintaan markii ay ka soo yeertey Bishii
Juun 14 –keeda 2013 ayaa la Xiriirey Shiikh Umal waxaana ku iri “Waxaan kaa
doonayaa Shiikhow Caddeyn buuxda,markii aan ka waayey Caddeyntaas ayaa waxaan
Go’aansadey in arrintaan u soo Badhigo Shacabka Soomaaliyeed iyo Warbaahinta, si
aan u Cadeeyo in aan ahayn Shiico”ayuu yiri Shiikh Cabdulaahi Muxumed Sagal
waxaa kale oo nala soo Xiriirey Shiikh Axmed Xuseen oo ku sugan Magaalada London
ee Cariga Ingiriiska isla Markaana sheegey in uu Aqoon Durugsan u leeyahay
Shiikh Cabdulaahi Sagal oo lagu Tilmaamey in uu qaatey Mad-Habta Shiicada ,
waxaana uu sheegey in Warka laga faafiyey Shiikha uu yahay mid aan Sal iyo Raad
toona lahayn islamarkaana Warkaasi uu u Muuqdo mid la doonayo in lagu hor
istaago Dacwada uu Shiikha ka wado Talefishinka Qaranka Soomaaliya.
“Waa Shiikh aan wax badan ka
Aqaanno gaar ahaan Aqoontiisa Dhinaca Diinta marka waxaan aad ula yaabey in
maanta lagu Tilmaamo in uu yahay nin Shiico ah, sidaa darteed dadkii uu ka soo
yeerey Warkaas waxaa looga baahan yahay iney la yimaadaan Caddeyn Buuxda “ayuu
yiri Shiikh Axmed Xuseen oo intaa ku darey “ Waa Xadgudub aad u weyn oo meel
looga Dhacayo Sharafta Shiikh Cabdulaahi Muxumed Sagal, waana Dacaayad Raqiis ah
oo ay faafinayaan dad Doonaya in ay iska Hor keeneen Shacabka iyo Culimada
Soomaaliyeed ee Har iyo Habeen u taagan Dacwada fidinta Diinta Islaamka “
Sidoo kale Maxamed Cabdi oo ka mid ah Howlwadeenada Wasaarada Warfaafinta ayaa
sheegey in uu aad ula yaabey in Shiikh Cabdulaahi Sagal laguTilmaamo in uu yahay
nin Shiico ah, wuxuuna intaa ku darey in uuna Cambaareynayo Shiikh Maxamed Cabdi
Umal oo uu sheegey in uu Warkaan ka soo yeerey isagoo ku Sifeeyey Shiikh
Cabdulaahi Sagal in uu Qaybka qaatey faafinta Diinta Islaamka taasoo ay si aad
uga Dheregsan yihiin qaar ka mid ah Ummada Soomaaliyeed kuwaas Casharada Diinta
si aad uga Dhageysta ama uga Daawada Talefishinka Qaranka
Arinta Shiiceynta la Xiriirta waxay u Muuqtaa mid Culimada Soomaaliyeed khilaaf
hor leh ka Dhex Abuureysa oo aan Hore loo arag waxayna Dad badan ku Abuureysa
Walaac Dhinaca Diinta ah maadaama ay Soomaalida oo Dhami yihiin dad haysta Hal
Mad -Hab oo Sunni ah waxaana arrin yaab leh Noqoneysa Soomaalida oo Waqtiyadaan
dambe uu ka dhex jrey Khilaaf Xoogan oo Dhinaca Diinta ah ayaa tani waxay Bog
Cusub u Fureysaa sii kala Fogaanshaha Dhexdooda ah iyadoo Culimo kala
Hogaamineyso.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2013
|