SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Mid ka mid ah Ergadii Ansixisay Dastuurka Federaalka,Soona Xuley Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu Diley Muqdisho.

Kooxo Bastoolado ku Hubaysan ayaa Gurigiisa oo ku yaala Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ku Dilay Marxuum Sulddaan Amiin Cali Muumin oo ka soo jeeda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose kana ka mid ahaa Ergadii Ansixisay Dastuurka Federaalka Soomaaliya.Sulddaanka ayaa sida ay ku warameen Qaraabadiisa xiliga la dilayay wuxuu ka yimid Masaajidka oo uu Salaaddii Maqrib soo Tukaday halkaasoo Kooxaha Hubaysan ay ugu soo galeen Gurigiisa kaddibna Sedax Xabadood Madaxa uga Dhuftay.

Sulddaan Amiin Cali Muumin ayaa markiiba isla goobtaas ku Geeryooday iyadoo Kooxihii falkaas Dilka ah u gaystayna ay markiiba meesha isaga baxsadeen.Goobta uu Dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Degmada Dharkeenleey kuwaasoo markiiba goobta ka bilaabay hawlgallo ay ku Baadi goobayaan kuwii Dilka gaystay.

Hawlgalkaas ayaan caddeyn cid illaa iyo iminka loo soo xiray ama la soo qabtay iyadoo Ciidamaduna weli ay sii wadaan Baadi goobkii ay ugu jireen soo Qabashada Kooxihii Dilkaas gaystay. Sulddaan Amiin Cali Muumin ayaa dhinaca kale ahaa Guddoomiyaha Olympikada Degmada Dharkeenleey isagoo muddo dheer ku jiray Hawlaha isboortiga Degmadaasi.

Sulddaanka ayaa ka mid ahaa Nabadoonadii soo xushay Ergadii Ansixisay Dastuurka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Dilkiisa Cambaareeyay qaar ka mid ah Nabadoonadii Ergada xushay iyo Bahda Isboortiga ee Degmada Dharkeenleey kuwaasoo Xukuumadda ugu baaqay in ay wax ka qabato raga ku hawlan Dilalka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Dilkaan loo geystey Suldaanka ayaa ka mid noqonaya Tiro Oodoyaal ah oo lagu Diley Magaalada Muqdisho kuwaas oo ahaa Ergadii soo Xushey Baarlamanka hada jira iyadoo qaar ka mid ah Oodyaashii soo Xuley Baarlamaanka islamarkaana Ansaxiyey Dastuurka dalka ay Dayacdey Dowladda Federaalka maadaama oodyaal Dhowr lagu Diley Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;