SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

FAYIIGSIGA TIMAADDADA

Xilliga ah timaaddada waa wakhti ku soo haya oo socdaalka nolosha uu kugu riixayo. Sida taaganta maanta ah ay u tahay timaaddadii shaley, ayaa timaaddada kugu soo food-leh ay u noqoneysaa taagan aad xilligeeda dhex taagan-tahay. Aragtida gaaban ee aanan si sax ah loola fayiigsan hiraalka timaaddada waa mid bogsiinyaha lagaga baxo. Kuwa aanan aragti u lahayn timaaddada (qof ahaan iyo bulsho ahaan), iyagu waxay noqdaan kuwo ku qahran nolosha markaas ayay wakhtiga eedeeyaan.

Noloshii bulshada Soomaaliyeed waxaa ka dhex muuqda darrow iyo fool-xumo badan, kuwaas oo loo maleynayo in Soomaalidu ay fool-xumidaas uba dhasheen. Waxaa ka dhex-muuqda dhallinyaradii Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) in dac-darri iyo dayac-xumi ay la dawarsanayaan caasimadaha dowladaha deriska ah. Waxaa ka dhex-muuqda dhallinyaradii Soomaaliyeed oo inta ay tahriibaan ay badaha ku dhintaan, inta badbaaddana xabsiyo la dhigo. Waxaa ka dhex-muuqda ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ee sida arxan-darrida ah loogu leynayo koonfur Afrika. Waxaa ka dhex-muuqda aafooyinka dhaqaale xumi ee heysata Soomaalidii ku dhaqneyd waddankii. Shiddooyinkaas waxay ina heystaan xilli ay dowladihii u yar-yaraa una tabar-yaraa dunida ay sara-kacayaan. Dib u-dhaca intaas le´eg, waxaa kallifey hiraal la´aanta heysata bulshada Soomaaliyeed (hoggaan iyo shacab), iyo timaaddada oo aanan si dhab ah loo fayiigsan.

Fayiigsiga lagu badbaado ee qorshaha nolosha timaaddada maahan sawir u muuqan kara kuwa fuliyaalka ah ee doonaya in ay fadhiidnimo guul ku gaaraan. Maahan sawir u muuqan kara kuwa damaclayaalka ah oo ujeeddadoodu tahay in ay wiideystaan ka-daneysiga timaaddada bulshada. Maahan sawir u muuqan kara kuwa kacaanyahannada ah ee wil-wilo-booddeynaya aragtiyo ku dhisan riyo xamaasadeysan iyo caadifad hungo ah. Mana ahan sawir u muuqan kara odeyaal da´dii howl-gabka ku jira, kuwaas oo ay ka dhamaatey muddadii ay ku lahaayeen nolosha geysashada, kuna jira xilligii ay isu diyaarin lahaayeen noloshii ay goosan lahaayeen wixii ay horey u geysteen.

Waxaad ii saamaxdaan inaan isla-eegno istraateejiyadda fiirada hiraalka (forward-looking) ee timaaddada loo kaashado si loogu baxsado goorta ay ayaamaheedu noqdaan taaganta. Aragtiyaalka saldhigga u ah fayiigsiga timaaddada, aynu tusaale-dhig u soo qaadanno bulsho sheekadeeda ay ku xardhan tahay taariikhda aadamiga. Bulshadaasi waa qolo lagu xusey dhamaan kutubadii diimaha cirka ka yimid (Masiixiyadda, Yahuudiyadda iyo Islaamka). Iyagu waxay goor hore taariikhda aadamiga ku qoreen cashar leh hiraal qorshe haboon oo cid kaga horeysey aysan jirin. Casharkaas oo ay kaga badbaadeen mixnad adag ee ah abaar daba-dheer ee gaag ma-reebto ah, taas oo toddoba sono ee xiriir ah ku baahdey giyigii ay ku dhaqnaayeen iyo weliba ummadihii la deriska ahaa.

Bulshadaasi waa maamulkii uu la noolaa nebi Yuusuf ina Yacquub ina Ibraahim (nabadgelyo dushooda ha ahaatee). Waxaa lagu qiyaasaa in xilligu ahaa 1700 oo sano muddo ka horeysey boqorradii reer Fircoon. Waxaa degaanka waqooyiga Masar ka talinayay boqorradii la oran jirey Hyksos oo iyagu asalkoodu Giriig ahaa. Sheekada la xiriirta fayiigsiga timaaddada ee nebi Yuusuf (n.d.a.) waxay bilaabatey, markii isaga oo sagaal sano xabsi ku jirey loo baahdey in uu fasiro riyo uu boqorku arkey. Nebi Yuusuf oo u fasirey ayaa wuxuu u tilmaamey toddoba sano oo barwaaqo ah in la gelayo. Laakiin ay xigeyso mixnad toddoba sano oo abaar ba´an ah. Isla-markaas wuxuu tilmaamey qorshihii haboonaa oo lagaga badbaadi lahaa mixnadda ay timaaddadu wadato. Hadalkii Yuusuf oo isugu jira fasiraaddii riyada iyo qorshihii dhaqaale ee fayiigsiga timaaddada, Eebe (kor ahaaye) ayaa inoo soo tebiyey si ay cashar inoogu ahaato. Suuradda Yuusuf, aayadaheeda 47-aad, 48-aad iyo 49-aad waxay lee-yihiin sidan:

( قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدْتُمْ فَذَرُوهُ فِي سُنْبُلِهِ إِلَّا قَلِيلًا مِمَّا تَأْكُلُونَ . ثُمَّ يَأْتِي مِنْ بَعْدِ ذَلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلًا مِمَّا تُحْصِنُونَ . ثُمَّ يَأْتِي مِنْ بَعْدِ ذَلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ النَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ)

Inkasta oo Nebigu uu sagaal sano si dulmi ah xabsi ugu jirey, misana kama uusan xasdin aqoontii (fasirka riyada) iyo farsamadii (fulinta qorshaha) Eebe ugu deeqey. Isagu wuxuu tilmaamey in uu bulshada u hagaajiyo hannaanka dhaqaale-hoosaadka (micro-economic system). Isla-markaas wuxuu u habeeyey qorshayaal looga samata-baxo mixnaddan soo muuqata, taas oo lagu xasilinayo badbaadada raashinka (food security). Intuusan howsha guda-gelin, Yuusuf arin ayuu boqorkii ka codsadey. Waxay ahayd in loo dhiibo xilka wasiirka maaliyadda. Laba tilmaan ayuu sheegtey ee uu ku muteystey arinkaas. Mid waxay tahay in uu yahay fariid warac ah ee dhowraya amaanada ummadeed. Midda kale awaxay tahay in uu yahay nin aqoon ilaah siiyey.

Labadaas tilmaan marka la raacsho anshaxiisii hufnaa oo bulshadu ay ku tiqiin, wuxuu noqdey nin hoggaamintiisu ay lee-dahay hiraal lagu guuleysto. Aqoonta uu sheegtey waxaa ka markhaati kacaya saddexda qodob ee uu ku soo koobey badbaadada dhaqaale ee dowladdii uu xabsiga ugu jirey iyo dadkeedii. Waxay isugu jiraan qorshe muddo dhow lagu fulinayo, kaas oo qodob uu ahaa wax soo-saarka haruurka oo la kordhiyo, qodob kalena uu ahaa haruurkii soo go´ay oo la keydiyo, qodob saddexaadna wuxuu ahaa in la tashiilo raashinka, biyaha iyo tamarta intaba. Kolley ku tahay boqorka iyo qoyskiisa, mar qura ayuu nebigu guddoonshey in maalintii wax la cuno.

Qorshihii Yuusuf, markii lagu eego micro-economic analysis, waxaa ka muuqanaya aragtiyaal qiimi badan oo ay adeegsadaan mu´asasaadka dhaqaale ee dowladaha hor u-marey ee dunidan casriga ah. Waxaa kamid ah qorshaha muddada dhexe (Medium-term Planing) oo ay dowladuhu maanta adeegsadaan, kaas oo ku jaan-go´an 5 – 7 sano. Sidaas si lamid ah ayaa qorshaha muddada dheer (Long-term Planing) wuxuu isna ku jaan-go´an yahay 15 – 20 sano. Yuusuf qorshihiisii muddada dhexe wuxuu ahaa 7 sano, qorshihiisii muddada dheer ayaa isna ahaa 14 sano. Guddoonka mashruucii dhaqaale ee uu Yuusuf dejiyey waxaa ka muuqda tallaabooyin si sax ah loo qaadey oo la´aantood uusan qorshuhu fuleen. Waxaa kamid ah:

1) Wuxuu dhigey naqshad aqoon ku-dhisan oo dejinteedana la hagaajiyey, fulinteedana la ilaaliyey. Qorshe ay daacadnimo weheliso, si adagna looga baaraan-degey in natiijo dhab ah laga gaaro. Taasina waxay ka danbeysey markii uu boqorku ka codsadey (يُوسُفُ أَيُّهَا الصِّدِّيقُ أَفْتِنَا).

2) Qorshihii uu dejiyey wuxuu la beegsadey beeraha oo markasta ah meesha keliya ee saldhigga u ah aadamiga doonaya in uu la dagaalamo mixnadaha ay gaajadu leedahay. Wuxuu ku jaan-gooyey qorshe muddo-dhexaad ah (medium-term planing), kaas oo xilli 7 sano oo xiriir ah ku eg. Waxaanu sidaas ka dheehaneynaa bilowga aayadda 47-aad (قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا).

3) Dhamaadka aayadda 46-aad (لَّعَلِّي أَرْجِعُ إِلَى النَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَعْلَمُونَ) waxaa laga dheehanayaa in Yuusuf uu tababarro u furey dadkii shaqada qaban lahaa. Ujeeddaduna waa in wakhtiga iyo xoogga la gelinayo shaqada ayan meel cidla ah ku bixin.

4) Aayadda 47-aad (قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا) waxay tilmaameysaa Yuusuf in uu abaabuley dabadeedna howl-geliyey dhamaan dad-weynihii reer Masar oo dowladda ku hoos noolaa, si iyaga oo wadajira ay uga hor-tagaan mixnadda ku soo fool-leh bulshadooda. Awoodda aadamiguna (human power) waa midda nolosha bulshadeeda wax ka beddeli-karta haddey u dhaqaado.

5) Aayadda 48-aad (ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ) waxay tilmaameysaa toddoba sano oo xiriir ah oo mashruuc beer-falasho ahaa. Yuusuf wuxuu arintaas ku xaqiijinayey siyaasad lagu badbaadinayo raashinka (food security policy), taas oo muddadeedu ahayd 14 sano ah (7 aaran ah iyo 7 abaar ah).

6) Mashruuca waxaa laga dheehanayaa, wax-qabadka toddobadii sano ee hore in ay kamid ahaayeen dhismayaal bakhaaro waaweyn ee haruurka lagu keydiyo iyo ceelal badan oo biyaha laga dhaansado. Howlahaas ayaa saldhig u ah guusha mashruucu gaarey ee dadkii badbaado ku gaarsiisey sanadkii 15-aad. Sanadkaas abaarta laga baxay waxaa inoo tilmaamaya aayadda 49-aad (ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ النَّاسُ).

7) Sida ay mufasiriinta qaarkood sheegaan, Yuusuf waa uu ka fogeeyey saraakiishii dowladda u shaqeynayey in ay maamulaan bakhaaradii keydku yiilleen. Wuxuu masuul uga dhigey raggii xabsiga kula jirey ee isaga wax ka bartey muddadii ay isla-xirnaayeen, una rumeeyey nebi-ahaan.

8) Si jaangooyadeedu ay sareyso ayuu isugu dheelli-tirey haruurkii soo go´ay xilligii barwaaqada la ahaa, kuwaas oo uu qeyb u saamaxay in lagu noolaado 7-da sano ee hore, qeyb kalena la keydiyo si loogu badbaado 7-da sano ee abaarta ah.

9) Muddadadaas 14-ka sano ahayd, Yuusuf wuxuu dejiyey xeerar lagu tashiilayo hantida dalka tiil loogana hor-tegayo loofarnimo iyo dayac hantida ummadda ka dhexeysa. Sidaasna waxaa laga dheehanayaa ereyada tashiilka tilmaamaya ee ku kala jira aayadaha sheekadan inoo-soo tebiyey. Waxaa kamid ah dhamaadka aayadda 47-aad (فَذَرُوهُ فِي سُنبُلِهِ), isla-aauaddaas 47-aad (إِلاَّ قَلِيلاً مِّمَّا تَأْكُلُونَ), iyo 48-aad (إِلاَّ قَلِيلاً مِّمَّا تُحْصِنُونَ).

10) Dhamaadka aayadda 49-aad (عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ النَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ) waxaa laga dheehanayaa fiirada gaarka ah ee Yuusuf uu siiyey farsamada oo qudheedu saldhig u ah siyaasadda dhaqaale ee lagu badbaadinayo timaaddada bulshada. Casiirka uu tilmaamayo waxaa kamid ah saliiddii iyo sokortii u caadada ahayd.

11) Dhamaadka aayadda 48-aad (إِلاَّ قَلِيلاً مِّمَّا تُحْصِنُونَ) waxay tilmaameysaa qeyb saddexaad oo haruurkii ah in uu u reebey sanadka 15-aad marka abaarta laga baxo in loo adeegsado tallaalka lagu abuurayo beeraha cusub.

12) Qorshaha nebi Yuusuf uma uusan baahan kaalmo dibadda ka timid iyo xoogag shisheeye oo u soo gurmada, balse 100 % wuxuu ku tiirsanaa kheyraadka dabiiciga ah oo ay bulshadu lahayd iyo xoogga dhallinyaradeeda oo si haboon loo abaabuley.

Abaabulkii Yuusuf ee ku dhisnaa fayiigsiga timaaddada, natiijadeedii waxay noqotey, muddadii ay abaartu jirtey in haruurkii keydka ahaa uu ka batey degaankii uu maamulayey boqorkii Masar. Sidaa darteed waxaa fariimo loo direy degaanadii kale oo dadku ay ku baahnaayeen. Markaasaa iyaga oo qaxooti ah waxay ku soo qul-quleen magaalo-madaxdii uu boqorku fadhiyey. Nebi Yuusuf oo isagu wasiir ka ahaa khasnadaha dowladda iyo bakhaaradeeda, wuxuu guddoonsadey in uu isagu si toos ah u maamulo qeybinta haruurka, si ayan wax musuq-maasuq ah u dhicin. Kaarar aqoonsiyo ayuu u sameeyey oo ay cid walba xilligeeda wax ku qaadato. Isagaana dadka qaabilayey oo u saxiixayey qeybta uu qaadanayo. Wax is-le´eg ayuu u qeybiyey dadkii ku dhaqnaa dowladda iyo kuwii qaxootiga ahaa ee gobollada fog ka yimid.

Aragtida hanuunka wanaagsan ee Yuusuf uu ku badbaadiyey bulshadiisii, waxay ahayd mid si toos ah xiriir ula lahayd ilaaha boqorka ah ee aan saamiga dunida lala wadaagin. Aragtidaas ayaa waxay ina-siineysaa beeg lagu qiimeeyo hoggaanka hagaagsan ee hela fayiigsiga timaaddada. Ereyga hoggaan ayaa maanta waxaa la saarey qeexid 1,000 ka badan. Mid kamid ah kuwooda ugu hagaagsan ayaa wuxuu yahay tilmaamayaa in hoggaan micnaheedu yahay awoodda loo lee-yahay dhaqaajinta xubnaha bulshada dhanka hadaf la tiigsanayo (moving the individuals toward goal). Awooddaasi si hagaagsan ee haboon ayuu nebi Yuusuf u muujiyey. Guusheediina si wada-jir ah ayay bulshadii u intifaacsatey. Taasina waxay ka danbeysey markii ay si wada-jir ah u howl-galeen. Casharkaas taariikhiga ah, ee diiniga ah, ee siyaasadda ah, ee dhaqaalaha ah, ee wada-jirka ah, ee mowqifka aadaminimo ah, ee halganka nololeed ah, ee qorshaha haboon ah, ee hoggaanka wanaagsan ah ayay Soomaali gebi ahaan u baahan tahay in ay dhaqan-geliso.

  • Is-dareensi baa nagu jiroo aanan damaheyne
  • Arin dilantey xaajada raggii deyi-yiqiin weydey
  • Inta inagu diran oo xaqii daba-maryeyneesa
  • Inuu Eebe daalacan-hayaa iga daweeneysa
     
  • Nin kastoo darbeysnaa kolbaa loo dan-qumiyaaye
  • Diin gurguurta iyo weysku kadab dirica rooraaye
  • Ummadaha dadaalkooda iyo debecsanaanteenna
  • Daa’irada loo siman yahaa iga daweeneysa
     
  • Duulkii an cilmi lahayn hawadu waa la durugtaaye
  • Midbana wax u dahsoon isagu door inuu yahaye
  • Maankeys dafirayee haddii leysku wada diimi
  • In dib leys ogaan doono baa iga daweeneysa
     
  • Digrigu ceynaan buu leeyihiyo Dhah iyo Yaasiine
  • Derbi weeye nagu meersan oon dumid ka yaabeyne
  • Dac-darrooyinkaan ka cabsi qabo labada daaroodba
  • Quraankaan dareerinahayaa iga daweeneysa (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Midnimo
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;