Sheekh Mustafa iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qatar
Waxaa markii uhoraysay booqasho kuyimid wadanka Qatar daaciga weyn ee
Soomaaliyeed Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.
Sheekha oo aad loogu soo dhaweeyey magaalada caasimada ah ee Doxa ayaa wuxuu
jeediyey muxaadarooyin isdaba jog ah oo ay isugu soo baxeen tiradii ubadneyd ee
ebed isugu soo baxdo kulamada jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Qadar.
Sheekh Adam Sheekh Xasan oo muddo dheer ka ahaa imam iyo khadiib magaalada Doxa
ayaa ku tilmaamay kulankan kii ugu ballaarnaa ee ay yeelato jaaliyadda
Soomaaliyeed“30 sano iyo kabadan ayaan wadankan joogay. Weligay ma arag tiro
intaan la’eg oo isu timaado. Taas waxay kutusinaysaa ixtiraamka weyn ee loo hayo
sheekh Mustafa, iyo sida ilaah uu u barakeeyay juhuudiisa dacwada islaamka uu
ugu adeegayo”
Canaawiinta muxaadarooyinka ayaa ahaa kuwa dowr weyn kaciyaaray isu imaatinkan
weyn, iyada oo Sheekhu uu u doortay kulankan oo socday mudo shan maalin ah,
mawduucyo muhiim u ah jiritaanka bulshooyinka caalamka, iyo gaar ahaan shacabka
Soomaaliyeed ee burburka ku jiray 30kii sano ee ugu danbaysay. Muxaadaraadka
ayaa waxay qaadaa dhigeen waxyaabaha khilaafka dhaliyo iyo sida loo soo afjaro.
Hadaladii cajiibka ahaa ee sheekhu meesha kasoo jeediyey ayaa waxaa kamid ah
“Haddii aadan dadka Allah dartiis isaga cafinkarin, caafimaadkaada dartiis isaga
cafi waayo waxaa la’ogaaday qofka dadka cafiya inuu kacaafimaad badanyahay kan
aan cafinin”
Goor uu sheekhu kahadlayey fiqiga laxariiro dib uheshiisiinta dadka wuxuu yiri “
Waxaa jirta run ay xaaraam tahay inaad sheekhto oo aad naarta kugalaysid iyo
been aad janada kugalaysid”
Isu soo baxaas balaaran waxaa kamuuqday dhamaan shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa
kala duwan, xarakaatka islaamiga ah, gobolada, iyo siyaasadaha kala gadisan ee
wadanka kajira.
Waxaa xusid mudan inay kumanaan kale kala socdeen muxaadarooyinkaas skpe iyo
qalabka warbaahinta ee kala duwan.
Waxyaabaha xiisaha goonida ah uyeelay kulankan ayaa waxaa kamid ahaa inay
goobtii muxaadaradu ka socotay ay ku soo islaameen 5 qof oo kasoo jeeda wadanka
Uganda kadib markii qaar kamid ah jaaliyadda ay kubooriyeen inay diinta galaan,
ilaah fadligiisna ay suuragashay in hoolkii muxaadaradu ka socotay shahaadada
loogu qabtay 5taas qof .
Sida lawada ogsoonyahay, wadama Carabta kama mid ah meelaha ay culimada
Soomaaliyed socdaallada diinta lagu faafinayo ku tagaan, ayadoo lagu tuhmaya
inay joogaan meel diin wanaagsan haseyeeshe jaalidaha wadamada carabta waxay
kamid yihiin dadka diinta u ooman oo aan helin waxbarashada ay rabaan.
Gabgabadii waxay ka soo qayb galayaashu muujiyeen sida ay ugu riyaaqeen kulan
diimeedkan, iyadoo ay codsadeen in la badiyo kulamada noocan oo kala ah.
Waxaa xusid mudan in gudiga dacwada ee jaaliyadda soomaaliyeed ee Qatar ay
wadaan dadaal ay ku doonayaan inay keenaan culima kale oo Soomaaliyeed si ay
muxaadaraad uga jeediyaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar ku dhaqan oo lagu
qiyaaso 4000 afar kun oo qof.
Adam Abdi Abuzuhri, Qatar.
abuzuhri1@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2013
|