Machadka Somali Computer Institute (SOCOMIN) ee Barashada Computerka oo ay
ka Qalin Jabiyeen Dafcadii 38 aad
Waxaa Hotelka Muqdisho ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si Heer sare ah
loo so Agaasimey kuna saabsaneyd Qalin jabinta Dafcadii 38 aad oo gaareysa 130
Ardey kuwaas oo Machadka SOCOMIN ka Bartey Casharo la xiriira Dhinaca Computerka
,waxaana ka qayb galey Masuuliin ka tirsan Shirkadaha Isgaariisnta , Maamulka
Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur Macalimiinta wax ka dhiga Machadkaas ,
Waalidiin, iyo Ardeyda Wax ka barta Machadkaas iyo Marti Sharaf kale.
Ugu Horeyn wax halkaas ka hadley Maamulaha Guud ee Machadkaas Nuur Xaashi Muumin
, waxaana uu si aad ah ugu Dheeraadey Mar Xaladihii uu soo marey Machadkaas,
isagoo sheegey in Machadka ay ka Qalin Jabiyeen Ardey fara badan oo qaarkood
maanta Dhameystey Jaamacadaha Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa waxaa uu intaa uu ku
darey.

“Machadka in uu Muddo dheer soo jirey Waxaa kuu Cadeynaya Dafcadii 38 aad ee
maanta ka qalin jabinneysa taasoo ku tusineysa in Machadka muddo dheer uu soo
Shaqeynayey ayna ka Qalin jabiyeen Ardey aad u fara badan kuwaa oo qaarkood
Macalimiin Dhinaca Computeka wax ka dhiga Jaamcadaha iyo Dugsiyada lagu Barto
Cilmiga”
Maamulaha Machadka SOCOMIN ayaa waxaa uu kula Dardaarmey Ardeydii ka Qalin
jabisey Machadka in ay halkaas ka sii wadaan Waxbarashooda si ay meel sare uga
gaaraan sidoo kale waxaa uu u soo jeediey inAqoontii ay halkaas ka Kororsadeen
uga Faaideeyaan Dadka kale ee aan Fursada u helin in ay Wax Bartaan iyo kuwa
kale ee Shaqooyinka ku Mashquuley.
Masuuliyiintii ka soctey Shirkadaha Isgaarsiinta ee halkaas ka Hadley ayaa si
aad u soo dhaweeyey sida uu Machadka uu uga dhex Muuqdo Dhinaca Waxbarashada
gaar ahaan Dhinaca Computerka , sidoo kale waxa ay u soo jeediyeen Maamulka
Machadka in ay sii laba laabaan Howlahoda ku aadan Dhinaca Waxbarashada maadaama
Xiligaan Aaladda wax lagu Bato ay tahay Cilmiga Computer taasoo Bulshada u
Fududeyneysa in uu si sahal ah u Barto Cilmiyada Kale.

Machadka Somali Computer Institute (SOCOMIN waxaa Dhidibada loo Aasey Sanadihii
Sagaashameeydii waaana Mudadaas dheer ee uu jirey Machadka waxa ka Qalain
jabiyey Ardey aad u fadar badan , waxaana Machadka uu jirey uu ku soo Shaqeeyey
Marxalado aad u adag Maamulkana Machadka uusan marnaba u istaagin
Waxbarashadiisa taasoo lagu tilmaami karo in ay u Dhabar Adeegaan in Ardeyda wax
ka Barata Machadkaas aysan ka Istaagin Waxbarashadooda , waxaana Dhamaan
Ardeydii Dafcadii 38-aad la Gudoonsiiyey Shahaadooyinkoodii ay muddo u soo
samrayeen, waxaana Ardeydii Qalin Jabisey , Maamulka , Macalimiinta iyo
Shaqaalaha SOCOMIN halkaan Hambalyo uga Diraya Weriye Cabdinaasir Xirsi Iidle oo
ka mid ahaa Dafcadii 2aad ee ka Qalin jabisey Machadkaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2013
|