Halkee Marayaan Wada Hada Hadaladii ay Garwadeenka ka ahayd Dowladda
Itoobiya ee u Dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo Axmed Midoobe
Weli Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka soconaya Shirkii iyo wada
hadaladii u dhaxeeyay Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya iyo Maamulka uu Hoggaamiyo
Axmed Madoobe ee la magacbaxay Jubbaland Wada hadaladan oo dhinaca Dawladda ay u
Matalayaan Xubno ka socda Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka socda
Maamulkaas oo uu Horkacayo Axmed Maxamed Islaam ayaa illaa iyo iminka waxaa soo
baxay laba Qodob oo hor u dhac ah oo sida ay wararku sheegayaan lagu Heshiiyay.
Qodobadaan Hor u dhaca ah ee Kulankaas ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in
Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Dekadda lagu soo wareejiyo Dawladda
Federaalka Soomaaliya iyo in Axmed Madoobe labada Sano ee soo socota uu sii
Hoggaamiyo Maamulka JubbaLand.
Qodobadaas labada ah ayaa Dhinacyadu isla ogolaadeen in kastoo weli shirku uu
sii soconayo isla markaana Xukuumadda Itoobiya ay labada dhinacba Cadaadis ku
hayso.
Heshiiskaan ayaa waxaa Dhaliilay Siyaasiin ka tirsan Soomaaliya iyagoona ku
eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh inuu wax ka bedelay in
badan Mowqifkii Xukuumaddiisu ka taagneyd in Axmed Madoobe aqoonsi uu ka helo
Xukuumadda.
Si kastaba waxaa loo dheg taagayaa Natiijada kama dambaysta ah ee ka soo bixi
doonta Gebagabada Shirka oo la filayo in Maalmaha soo socda la soo Afjaro,
inkastoo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminayo uu dib ugu soo laabtey
Magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka qayb galey Xuskii Geerida Meles Zanawi
iyo Wada hadal la sheegey in ay Garwadeen ka tahay Itoobiya kaasoo u dhaxeeyey
Dowlada Fedeeralka iyo Maamulka Axmed Madoobe waxaana Shirkaas sii wadayo Xubno
ka socda Dowlada Federaalka oo weli ku sugan Magaalada Adis-Ababa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2013
|