Raiisul Wasaare Saacid oo sheegey in ay Adag tahay Meel Marinta
Dimoqraadiyada inta ay jiraan Kooxaha Caqabadda ku ah Xukuumadiisa
Cabdi Faarax Shirddoon oo hadlay ayaa sheegay in Dawladnimada Dalka weli aysan
wada shaqayneyn Hay’adihii Dawliga ahaa isagoona arrintaa ku macneeyay in weli
ay jiraan Dad Hubaysan, falal Amnidarro oo ay sameynayaan Kooxo uu ku sheegay
Argagixiso ku Xooggan Dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare saacid oo
Shalay Xafiiskiisa kula hadlayay Guddi loo Xil saaray soo Ururinta Tacadiyada
Dalka ka jira ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu Muddo gaaban oo ka yar Hal
Sano ay jirtay sidaa darteedna ay weli dhacayaan Falal ay ka mid yihiin Kufsi,
Dil iyo Tacaddiyo kale.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ay adag tahay
meel marin Diimoqoraadiyadda ay qaadatay Xukuumaddiisa inta dalka ay ka jiraan
kooxo uu sheegay in ay u taagan yihiin burburinta Dawladda isagoona arrimahaas
oo dhan farta ku fiiqay in laga gudbayo.
Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Dilalkii
loo gaysanayay Wariyayaasha iyo Kufsigii loo gaysanayay Haweenka Soomaaliyeed in
50% hoos ay u dhaceen taasina ay ku timid dadaalka badan oo ay muujisay
Xukuumadda Soomaaliya.
Cabdi faarax Shirddoon ayaa u mahadceliyay Gudigaas oo uu sheegay in hadda ka
hor loo magacabay sidii ay u soo ururin lahaayeen Xogaha Xad gudubyada ka dhaca
Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdisho Si kasta ha ahaatee dhowr Bilood ka
hor ayaa la Magacaabay Guddi xaqiiqo raadis ah oo ka soo tala bixiyay
Dhibaatooyinka ay gaysanayaan Dad la sheegay tacaddiyo kala duwan ay ka gaysteen
Gudaha Dalka Soomaaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2013
|