SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dallada Dhalinyarada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOCSOYU) oo Qabtey Kulan Wacyigelin ah oo ku saabsan Khatarta Cudurka Dabeysha



Dallada Dhalinyarada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOCSOYU) oo Todobaadadii dambe waday Olole ay shacabka kaga Wacyogalinayaan sidii looga Hortagi lagaa Cudurka Dabeysha waxaa Xaflad ay kasoo qeyb galeen Dhalinyarada Dalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Ardayda Jaamacadaha ee Barta kuliyada Caafimaadka, qaar kamid ah Ururdada Blshada Rayidka iyo Marti Sharaf kale ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ahayd mid si weyn loo soo Agaasimay ayaa waxaa looga hadlayey Khatarta uu leeyahay Cudurka, iyadoo intii ka qayb gashay ay si isku mid ah uga hadleen Khatarta uu leeyahay Cudurka Dabeysha, waxaana ay Mujtamaca Soomaaliyeed ugu baaqeen in si wadajir ah uga hortagaan Cudurka Dabeysha.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay Munaasabadaas Mahad Caabi Ciise oo ka mid ahaa Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kana mid ah Ardayda Jaamacadaha Muqdisho kuyaala wax ka Barta gaar ahaan Kuliyadda Caafimaadka ayaa sheegay in Bulshada looga fadhiyo sidii ay u qaadan lahayeen Tallooyinka ay Dhaqaatiirka soo gudbinayaan oo ku saabsan Khatarta uu leeyahay Cudurka Dabeysha.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Dalada Dhalinyarada Kooonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Maxamed Warsame Sandhool ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay uga Hortagi lahaayeen Cudurka Dabeysha, waxaana uu u Mahadceliyey inta kala qeyb qaadatay Ololahaan looga Hortagayo Cudurkaasi.

“Wax kasta waxa ay u baahan yihiin in lagu Dadaallo, lagana hortago Khatarta ay u leeyihiin Bulshada , ayna Muhiim tahay in la Dabargooyo Cudurka Dabeysha si uusan u saameynin jiilka soo koraya, waxaana idinkaga Mahadcelinayaa sida aad u daneyneysaan in aan Wadajir ugu Howlgalno Ololaha lagu Wacyigelinayo Bulshada ee ku saabsan Dhibaatada uu leeyahay Cudurkan” ayuu yiri Sandhool.

Waxaa Maamlmahaan socdey Olole looga Hortagayo Khatarta Cudurka dabeysha maadaama Dalka Soomaaliya lagu arkey Calaamado Muujinayo Kiisas Cusub oo ku Saabsan Cudurka Dabeysha sidoo kalena ay jiraan Dad waa weyn oo la qaba Cudurkaas marka Dhamaanteen waxaan u taagan nahay sidii Dalka looga Ciribtiri lahaa Cudurkaas .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;