| 
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh 
Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray Iskuul laga furay Jazeera oo ay carruur 
Soomaaliyeed ka heli doonaan waxbarasho tayeysan.  
 
  Madaxweynaha oo munaasabadda 
ka hadlay ayaa yiri “Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho walba, carruurta 
Soomaaliyeedna waxey xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho tayeysan si ay u 
helaan mustaqbal iftiimaya. Waxbarashadu waa iftiin, rajo, iyo mustaqbal 
wanaagsan. Carruurteenna waa mustaqbalkii hoggaamiyeyaasha dalka.” 
 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Maanta waxaan rabnaa in dalka loo helo 
mashaariic fara badan oo dib loogu dhisayo dalka, sida mashaariicda waxbarasho, 
caafimaad, adeegyada bulshada iyo mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinyarada 
Soomaaliyeed. Dhowaan waxaan Brussels la tagi doonaa Compat ay ku dhanyihiin 
mashaariicdii dalkan oo dhan dib loogu dhisi lahaa, si dalku horumar u gaaro.”
 
 Dowladdu waxey ahmiyad gaar ah siisey waxbarashada oo muhiim u ah dalka 
Soomaaliya oo dib u soo kabanaya, oo carruurta intooda badan aysan helin fursad 
waxbarasho, waana sababta ay dowladu u leedahay hami ah in hal milyan oo carruur 
ah ay helaan waxbarasho.
 --
 
 Communication Office
 Office of the Somali President
 Mogadishu, Somalia
 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2013   |