Munaasabad lagu so Dhaweynayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud (Xuseen
Cirfo) oo uu Dhawaan Magacaabey Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Dhacdey Muqdisho
Munaasbad si Heer sare ah loo soo Agaasimey oo lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha
Cusub ee Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo uu Dhawaan u
Magacaabey Gobolkaas Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu qabtey Hotel
City Palace ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galey Xildhibaano ,
Siyaasiyiin , Odoyaasha Dhaqanka , Culimaudiin ,Ganacsato . Ahlu –Suna
Waljameeca , Gudoomiyayaasha Degoomyinka Gobolka Banaadir , Haween iyo
Dhalinyaro.
Ugu Horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Imaam Cumar Macalin Abshir oo oo ku Furey
Ayaadaha Qu’aanka waxaana uu si weyn ugu dheeraadey sida Bushada looga baahan
yahay in ay mar kasta ay Adeecaan Madaxdooda taasoo uu sheegey in lagu gaari
karo Midnimo iyo Hurumar , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada ku nool Gobolka
Galgaduud in ay Garab istaagaan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galfaduud Xuseen
Cali Wehliye .
Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Midnimada
Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenka Beelahaas Axmed Diiriye waxayna
labadooda ay sheegeen in Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Glgaduud Xuseen cali
Weheliye uu ka shaqeeyo sidii Shacabka ku Nool Gobolkaas uu u dhex dhigi lahaa
Dib u Heshiisiin maadam,aa 23 Sannao ee la soo dhaafey Beelaha Dega Gobolkaa uu
ay dhaxeysey Xurguf sidii kale waxay ugu baaqeen Bulshada Gobolka Galguduud in
ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub,
Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu-Sunna Cabdi
Cali Fiidow oo sheegey in Culima’udiinka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ay Diyaar u
yihiin oo ay soo dhaweynayaan Gudoomiyaha Gobolka Galguduud Xuseen Cali Wehliye
ayna la shaqeynayaan , sidoo kale waxaa uu sheegey Cabdi Cali Fiidow in la
gaarey waqtigii Bulshada ku nool Gobolkaas ay u Midoobi lahaayeen islamarkaana
meel uga soo wada jeesan lahaayeen Caddowgooda .
“Hadii aan nahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Galguduud waxaan diyaar u
nahay in aan la shaqeyno Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali
Wehliye sidoo kale waxaan ka shaqeyn doonaa siddii uu Xiriir Wanaagsan u
dhaxmari lahaa Dowlada Federaalka iyo Madaxda Cusub ee Gobolka galduud , waxaan
u soo jeedineynaa Gudoomiyaha Cusub in uu wax weyn ka bedelo xaalada Gobolka
Gaduud oo ay Ragaadiyeen Dagaalo iyo kala Qoqabnaan iyo sidii Bulshada Gobolkaas
uu dhex dhigo Dib u Heshiisiin Dhab ah”ayey yiraahdeen Xildhibaanadii ka soo
jeedey Gobolka Galgaduud oo Munaasbadaas ka Hadley.
Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo Dhawaan loo Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka
Galgaduud oo Munaasbadaas Gabagabadeedii ka Hadley ayaa sheegey in uu Taageero
weyn ka sugayo Shacabka Gobolka Galgaduud waxaana uu Hoosta ka Xariiqey in
Keligiis uu san wax qaban Karin sidoo kale waxaa uu sheegey in Beelaha ku nool
Goboklkaas uu u qaban doono Shirweyne Dib u heshiisiin ah waxaa uu sii
raaciyey”Muddo 23 Sanno Goboka ma helin wax maamul marka waxaa doonayaa in aan
wax badan ka qabto Dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka , Biyaha iyo Adeegyada kale
ee ay Bulshadu u baahan tahay “
Waxaa uu ugu baaqey Xuseen Cali Weheliyey Hayadaha Samafalka in ay Gobolka ka
Howgalaan isagoo sheegey in Maaamulka uu Damaanad Qaadayo Amaankooda sidoo kale
waxaa uu ugu baaqey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Dibadiisa kana soo
jeeda Goboka Galguduud in ay u istaagaan sidii Gobolka Dib u Dhis ugu sameyn
lahaayeen sidoo kale waxaa ugu u soo jeediyey Bulshada ku nool Gobolkaas in ka
shaqeeyaan oo ay u Midoobaan sidoo Gobolka uu u gaari lahaa Gobolada kale ee
Horumarka Sameeyey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2013
|