Barnaamijka Higsiga Cusub ee (New Deal ) ayaa maaanta ka furmay Magaalada
Galkacyo ee Maamulka Gal-mudug
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS:
Galkacyo,
20, Augst, 2013…..Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal)
ayaa maanta ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa
socon donaa labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada
Maaliyadda Qorsheynta mudane Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa
waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug
Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).
Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah
sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka
doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha
sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka
Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada
qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso.
Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay
qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya
“Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New
Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana
qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan
galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey
markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo
toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku.
Madaxweynaha Maamulka Galmud ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la
hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga
aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka.
“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo
walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu
baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa
taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada
gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada”
ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.
Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku taageeraan
baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya
leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”.
---DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2013
|