Wariye Axmed Shariif oo Shaqeynayey Radio Muqdisho oo lagu Diley Magaalada
Muqdisho
Kooxo ku Hubeysan Bistoolado ayaa maanta Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku
dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.
Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Eng guud ee Farsamada idaacada Radio Muqdisho iyo
SNTV ayaa la dilay xili uu ka soo baxayay Gurigiisa kuna soo jeeday shaqada.
Eng Axmed Shariif Xuseen oo horey uga soo shaqeeyay idaacadii Hornafrika iyo
idaacado kale oo ku yaala gudaha dalka ayaa lagu wadaa in lagu aAaso Magaalada
Muqdisho , waxaa uu noqonayaa Weriyihii Lixaad ee la dilo Sannadkaan , waxaana
weriyahaan maanta la diley ka Horeeye Wariye Maxamed Ibraahim raage oo la diley
Bshii Abril 21-deed sidoo kale wariyaha maanta la diley ayaa ku soo beegmey
Xilli Saakey Fagaaraha Dugsiga Booliiska lagu diley ninkii lagu eedeeyey in uu
Diley Wariye xasan Yuusuf Absuge oo isna la diley Sannadii hore Septembar 21
2012
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,isgaarsiinta,iyo gaadiidka Cabdi
Shakuur Cali Mire ahna ku simaha wasiirka warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay
geerida Eng Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta
gaar ahaan waaxda warbaahinta oo saaka kooxo Hubeysan ay ku dileen degmada
Shibis ee gobolka Banaadir.
“Waxaan aad iyo aad u Cambaareeyneynaa falkaas Dilka ee loo geystey Wariye Axmed
Shariif Xuseen Qof walbana mar ayuu dhimanaa waxaana uu Dhimanaayaa markii
Ilaahey u qoray,laakiin tan sharafta leh waxa ay tahay in lagu dhinto iyada oo
loo adeegayo ummada iyo qaranka soomaaliyeed”.ayuu hadalkiisa ku soo
gabagabeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire
sidoo kale waxaa Tasi u direy Agaasimha Warbaahinta Qaran Cabdiraxmaan Yuusuf
Al-Cadaala
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2013
|