Waa Sidee Xaalada Dadkii ku Dhaawacmey Rasaastii Ciidmada Dowlada Ku
Fureen Dad ku Banaanbaxayey Warshadii Hore ee Caanaha.
Ma
ahan markii ugu Horaysay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya
lagu Eedeeeyo iney Rasaas Nool Nool u Adeegsadaan Dad Rayid ah oo ku nool meelo
badan oo ku yaala Geyiga Soomaaliya, Bartamihii Todobaadkii hore Agagaarka
Warshaddii hore Caanaha waxaa gaaray sida ay sheegeen Dadka Deegaanku Qaar ka
mid ah Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka , waxayna Ciidamadaasu oo
Adeegsanayey Makrafoono Cod-Bahiyaal ah Amar ku bixiyeen in laga Guuro Dhul
Weynaha Qorax u dhaca kaga Aadan Warshaddii hore ee Caanaha, halkaas oo ay ku
nool yihiin Qoysas Barakacayaal ah oo isugu jira kuwo ka oo Barakacay Gobolada
Dalka iyo kuwo kale oo ka sooo laabtay Dalalka Deriska markii ay maqleen iney ka
soo raynayso Dhibaatadii Nabad la’aanta ee ka jirtay Soomaaliya.
Dadwaynihii ku noolaa Deegaankaas waxaa u Cuntami waayey Awaamiirta ay bixiyeen
Saraakiishii tagtay halkaasi oo Amartay in Sedex Berri lagu Guuro, waxaana
dhacay Dibadbax Cabasho ah oo ay dadku uga Ashtakoonayaan Maalmaha loo qabtay oo
siday hadalka u dhigeen Dhibaato ku noqotay maadaama sida ay tibaaxeen aanay
garanayn meel ay Miciinsadaan oo ay u guuraan.waxaana Dhacadey in ay isku
dhacaan Dibadbaxayaashii iyo Ciidamadii doonayey in ay halkaas ka saaraan,
waxaana Rasaas ay Fureen Ciidamada ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex Ruux sidoo
kale waxaa ku dhaawacmey ilaa Todoba Ruux oo qaarkood weli ka soo kaban
Dhaawacoodii.
Dadkii halkaas ku dhintey waxaa ku jirey Hooyo Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo
Xaawo Xasan Cali Duurow oo ka tagtey Toban Caruur oo aad u yar yar ,waxayna
Hooyadaas ay ahayd mid reerka u shaqeyneysey , iyadoo Shaqaale ka ahayd Hay’adda
Saacid oo Ilmaheedii Warbaainta Tusiyeen Aqoonsigeedii iyo Jaakad ay ku
Xardhaneyd Calaamadda Hayadaas, waxayna Caruurta ka muuqtey welwel iyo Daruufo
aad u qalafasan , waxayna Bulshada Soomaaliyeed ka Codsadeen in la Gargaaro,
dhinaca kale waxaa na loo sheegey in Aabihii Dhaley Caruurtaas Axmed Shire Xayle
uu ku jiro Miyir Dabool ama Coma waxaana intaa dheer in Gabar ka mid ah Qoyska
ay Waalatey markii ay maqashey Geerida ku Timid Haweyneydaas .
Salaadii Jimcaha ka dib ayaa waxaa bilowdey Isu soo bax ay dadka kaga Cabanayeen
Dhibaatadii loo geystey , waxayana Madaxda Sare ee Dowlada ka Dalbadeen in
Baaritaan lagu sameeyey oo Cadaalada la horkeeno Cidii ka dambeysey Dilka
Saddexdii Qof ee halkaas ku Geeriyootey , waxay kaloo Dowlada ka Codsaden in la
Caawiyo Dadkii halkaas ku dhintey Caruurtooda oo aan Cidina u Maqneyn Ilaah ka
sokow iyo weliba dadkii ku dhaacmey Rasaastii ay Fureen Ciidamada Dowladda oo
qaarkood Isbitaalka ku jiro
Dadkii Banaanbaxayey ayaa waxay soo Bandhigeen kuna Dhawaaqayeen Ereyo lidi ku
aha Hayada Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in si Xun loogui
sheegey in ay Dhisto Dhulka Baaxada leh ee ay ku nool yihiin Kumaanka Qoys ee
barakaca ah waxayna yiraadeen “ Waxaan u Mahadcelineynaa Dowladda Imaaraadka
Carabta iyo Hayadaheeda ka shaqeeya Soomaaliya oo wax u qabatey Dadka
Tabaaleysan eek u Nool Soomaaliya , waxaan uga digeynaa in aan la qaldin oo ay
ka Foojignaadaan Dadka marin habaabinayey ee iska Horkeenaya Anagga iyo Iyaga “
waxayna intaa ku dareen
“ Haddii Imaaraadka uu Dhul Doonayo waxaan u sheegeynaa in Dhulka Soomaaliyeed
uu wada Banaan yahay , marka ma Haboona in dad Maato ah aad Barakacooda Sabab u
Noqotaan sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka aan ka Codsaneynaa in ay Deg deg
u soo farageliso Dhibaatada ka jirta Deegaanka Dadka lagu laayey, waxaana Ummada
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ka Codsaneynaa in la Saacido Qoyskii ay ka
tagtey Hooyadii ku Geeriyootey Banaanbaxii Cabashada ahaa .”
Hadaba Ciddi Dooneysa in ay Caawiso Hooyadsas ka tagey Caruurtaas waxay la soo
Xiriiri karaan.
Aabaha Caruurta Axmed Shire Xayle
Tel 00252615380231
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2013
|