Ururka PASWA oo Dood u Qabtey Haween kala socdey Degmooyinka Goboka Banaadir
taasoo ku Saabsaneyd Gudniinka Fircooniga iyo Waxbrashada
Waxaa Xarunta Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Dood ku saabsan
Doorka Gabdhaha Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan Dhinaca Waxbarashada iyo
Dhibaatada Gudniinka Fircooniga, waxaa Doodaan soo qaban qaabiyey Ururka
Haweenka ee Positive Action for Somali Women Association oo Magaciisa loo soo
Gaabiyo i waxaana ka soo Qayb galey Haween ka kala socdey Degmooyinka Gobolka
Banaadir.
Doodaaan ayaa waxaa Furey Gudoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Mayre Makaraan
waxaana uu sheegey in Haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Door Muhiim
ah ka qaatey Joojinta Dhibaatada Gudniinka Fircooniga iyo ka qayb qaadashada
Waxbarashada waxaa uu sii raaciyey “Waxaa Waalidiinta looga baahan yahay in ay
si siman Caruurtooda ugu diraan Waxbarashada oo ay joojiyaan in In Gabadha la
Gacan Bidixeeyo”
Gudoomiyaha Degmada Waaberi mar uu ka hadlayey dhinaca Gudniinka Fircooniga ayaa
waxaa uu sheegey in Gudniinka lagu joojin karo iyadoo la sii Kordhiyo dhinaca
Wacyigelinta Bulshada taasoo uu sheegey in wax weyn ay hore uga tartey Joojinta
Gudniinka Fircooniga oo u sheegey in dhibaato weyn uu ku yahay Gabadha
Soomaaliyeed waxaana uu u soo jeediyey Ururka PASWA in ay sii Kordhiyaan
Wacigelinta Gudniinka Fircooniga.
Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Hooyo Khadiijo Cilmi Diirshe
waxanay sheegety in Haweenka Soomaaliyeed uu Saameyn weyn oo aan Wanaagsaneyn ku
yeeshey Dhibaatada Gudniinka Fircooniga gaar ahaan marka ay timaado Caadada ,
Guurka iyo Dhalmada waxayna u soo jeedisey Haweenka Soomaaliyeed in ay Gabi
ahaanba joojiyaan Gudbniinka Firxcooniga oo ay sheegety in u Dhibaato aad weyn
uu ku yahay Haweenka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Dr Caasha Cabdiraxamaan Dhuxulow oo ah Gabar
Soomaaliyeed oo Baratey Cilimiga Caafimaadka waxayna si aad ah ugu dheeraatey
Dhibaatada Gudniinka Fircooniha iyadoo sheegtey in arintaa looga hortagi karo
iyadoo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iska kaashadaan sidii loo Dabargoyn lahaa
Caadadaas ay sheegety in ay Dib u dhigtey Haweenka Soomaaliyeed kuwaa oo kala
kulmay Dhibaataooyin aan la soo Koobi kari.
Caaliya Muxyadiin iyo Saynab Dhuxulow oo ka mid ah Masuuliyiinta Ururka Haweenka
ee PASWA ayaa Haweenkii ka qayb galey Doodaa ku dhiirageliyey in ay u Is taagaan
sidii loo Dabar gooyn lahaa Gudniinka Fircooniga sidoo kale waxay u soo
jeediyeen Gabadha Soomaaliyeed ay Door Lixaad leh ka qaataan Waxbarashada waayo
Hooyo Wax Baratey waxay Dhisi kartaa Qaran Soomaaliyeed oo Aqoon leh, sidoo kale
waxay sheegeen in Ururka PASWA oo ka dhisan Dalka Ingiriiska uu door Muhiim ah
ka qaadan doono Wacvigelinta Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan
waxaana Dooda Xiriirinayey Gabdhaha kala ah Farxiyo iyo Deeqa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2013
|